Home » News »

Wafdi Culimo ah oo Socdaal Dacwadeed ku kala bixiyay deegaanada gobolka Sanaag:

1: Booqashadii dhahareed.

Xarunta Degmada dhahar waxaa safar Dacwo ku tagay Wafdi uu huggaminayo Shiikh Axmed Cabdisamad oo ah guddomiyaha jamacatul ictisaam bil kitaabi wal sunnah iyo maamulka Mu’asada alminhaaj, Ujeedka Safarkooda ayaa ahayd horumarinta Dacwada degmada, booqashada goobaha waxbarashada guud ahaan gaarahaanna macaahidda sharciga ah iyo dhiiri galintooda, iyo lakulanka bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wafdiga ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweyay bannaanka magalada dhahar halkaasoo ay magaalada bannankeda uga horyimaadeen qayb kamidah ducaadda iyo waxgaradka magaalada.

Wafdigu intuu ku sugnaa dagmada wuxuu booqday xarunta machadka salaaxudiin ee barashada culuumta sharciga iyo farsamada gacanta iyo bogcadda machadka, waxakaloo kormeer guud ku sameyay magaalada sida:ceelasha biyaha, goobaha waxbarashada iyo masaajidda.

Waxakaloo muxaadaro looqabtay ardada mac-hadka iyo muxaadaro guud oo lagu qabtay masjid jaamaca magaalada iyo kalimad loo jeedshay ardada dugsiga sare ee Mubaarak, sidoo kale waxay kulan gaar ah la yeesheen ducaadda magaalad, guddomiye ku xigeenka mu’assasada minhaaj ee gobalka sanaag, macallimiinta magaalada iyo maamulka mac-hadka salaaxu diin.
somali165

Wafdigu muddadi koobnayd ee uu jogay magalada wuxuu kulan la qaatay odayaal dhaqmeedka iyo waxgaradka magaalada halkaso isdhaafsadeen talooyin waxku ool ah dhanka kalena odayashu waxay uga mahad celiyeen wafdiga booqashadooda, talo soo jeedintooda iyo wanaaga ay bulshada uwadaan waxayna kacodsadeen inay joogteyaan boqashooyinka noocaano kale ah.

Guud ahaan qaybihii kala duwanaa ee bulshada wafigu wuxuu ku adkeeynayey si gaara Mas’uuliyada uga saaran Dacwada iyo ka shaqeynteeda iyo sidii ay u gaarsiin lahaayeen qeybaha kale ee Deegaankaasi ku xeeran.

Kaddib wafdigu markuu dhamystay booqashadiisii waxay usii kicitimeen dhanka ceelbuh halkaasoo ay ilaa balli busle sii galbiyeen ducaadda iyo wax garadka bulshada.

waxaa ka mid ahaa culimada safarka ku tagtay magalada dhahar:

1- Sheikh Axmed Cabdisamad madaxa jamacatul ictisaam.

2- Sheikh Cismaan Maxamuud Xaaji dirir madaxa isku xirka gobollada ee minhaaj .

3- Ciise Siciid Maxamed Faahiye guddomiye ku xigeenka mu’assasada Al-minhaaj.

4- C/raxmaan Sh C/qaadir Nuur Faarax xubin ka mid ah Mu’assasada Al-minhaaj.

La xiriir minhaajfoundation@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.