Home » News »

Puntland: Ma loo dhan yahay.

Inta aan qoraalkan dulucidiisa u gelin, waxaan jeclahay in aan idiin sheego in saxafiga ay tahay waajib saaran in uu si cadaalada ah u tabiyo wararka – in uusan eex gelin, cabsi galin, ama ku cisin saxiibadiis, qabiilkiisa ama qof dowlada ugu jira. Saxafiga waxaa saaran masuuliyada Anshaxa Saxaafada “Journalistic Ethics” .

buluf6Qoraakaan dulucdiisa oo aan filaayo in uu wax ka bedeli doonto isdhexgalka, cadaalada iyo wada shaqaynta jaaliyada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, ayaa waxaa uu ku saabsan yahay qabanqaabada xaflada soo dhawaynta madaxwaynaha cusub ee Puntland oo ka dhici doonta magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, maalinta sabtida ee soo socota oo ay bishu tahay Feberuary 01, 2014. Minneapolis oo ah meesha ay sida aadka ugu badan yihiin, sida aadkana uga dhex muuqdaan racii ugu horeeyey ee qaxootigii ka soo qaxay dagaalkii sokeeye ee ka bilowday magaalada caasimada Mogadisho (Xamar) dhamaadkii sanadkii 1990kii.

Magaaladaan oo ay waqtigaan ka dhacayso qabowgii ugu badnaa ilaa iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ee ka dhaca degaankaan, hadana, diyaargarowga soo dhawaynta iyo dabaaldega madaxwaynaha cusub ee Puntland loo doortay, marna qabowgaan zaa’idka ah hakad ma gelin qabanqaabada. Hase yeeshee, sida dadka qaarkiis, oo ah kuwo aad ugu dhuundaloola siyaasada Puntland, ay sheegayaan, waxaa dhacday in xaflada Minneapolis, ee gobolka Minnesota ay jirto isqabqabsi ka dhashay qanbanqaabada xaflada, arinta ugu wayna waxay tahay in dadka qaarkiis loo diiday in ay ka hadlaan xaflada, qaarna lagaba saaray shirkii qabanqaabada.

Inktasta oo arimaha noocaan oo kale ah ay yihiin kuwo markasta ka dhaca xafladaha soo dhawaynta madaxda federaalka ama madaxda dowlad goboleedyada, inta badana isqabqabsigaasi waxaa uu ka yimaadaa ka qaybqaadashada qabanqaabada xafladaha iyo shirarka gaarka ah oo aan loo dhamayn. Iyada oo laga yaabo in dadka loo diidaayo in ay ka mid noqdaan gudiga ay yihiin kuwa ay ka timaado hatida lagu maareenayo xafladaha laftigooda. Taas oo keeni karta in dadka qaar aysan mar danbe ku bixin hantidooda xaflodo noocaan oo kale ah. Ilaa hada ma jiro wax war oo ka soo baxay gudiga qababqaabada oo uu ku xaqiijinaayo ama uu ku beeninaayo warkan, waxaa secad in qabanqaabiyaasha aan laga filayn in ay arintaan ka warbixiyaan madaama madaxda jaaliyada wax la xisaabtama aysan jirin, lagana filaynin hab u dhaqan noocaan oo kale ah oo ay warbinxin kusiiyaan jaaliyadooda.

Mar hadii uu Puntland maamulkiisa uu yahay maalmul lugihiisa ku istaagay, maamulkii Puntland ee hada doorashada looga guulaystayna uu ahaa midkii sida cad u garab istaagay maamul u samayntii Jubbaland, sidoo kalena, maamulka madaxwaynaha cusub Dr. Abdiwali Gaas, laga filaayo in uu ka qaybqaato midaynta maamulka GalMudug iyo Ximan iyo Xeeb iyo gobolada kale ee haray maamul u samayntooda, waxaa la gudboon in iyaga ay ka foojignaadaan in Puntland maamulkiisa cusub ee la filaayo in lagu dhawaaqaayo dhawaan uu noqdo sida gudiga qabanqaabada xaflada ka dhici doonta magaalada Minnepolis, ee gobolka Minnesota, mid ay hal jifo oo keli wadato.

Puntland iyo maamulka Dr. Gaas, waxa la gudboon in ay u dirto jaaliyada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana reer Puntland, fartiin ah in wadajirka uu muqadas yahay, marna uusan magaca Puntland ahayn mid u gaara hal jifo oo keli ah.

Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Puntland: Ma loo dhan yahay. "

  1. ahmed says:

    Puntland looma dhamo, deegaan ahaan Puntland qabiilo badan baa dagaan, waxaa moodaa hal beel “daarood” kaliya inay xukuumada isku koobtay, beesha Madhibaan oo dagto gees ka gees gaalkacyo ilaa boosaaso hal xildhibaan xataa malaha!