Home » Warar »

Ciidamada Itoobiya ee Shaarka loo Bedel Maxaa ka Imaan Doona ?

Raiisul Wasaarahii Hore ee Itoobiya Melles Zanawi waxaa u diidanaa in Ciidamadiisa ay ka mid Noqdaan Ciidamada Amisom ee Soomaaliya isagoo markasta oo loo soo bandhigo Arrimaha ku saabsan ku Biiritaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ay u ahayd Go’aan aad u Qaraar waayo waxaa uu Melless kaga hortagayey in ay Burbur uu ku yimaado Ciidamadiisa , sababta uu arrintaa u diiday ay ahayd in Ciidamada ay helaan Mushaar ka tira badan midka ay ku shaqeeyaan oo la sheegey in uu yahay mid aad u yar.

Askari itoobiyaanka waxaa uu ku Qanacsnaa in uu Mushaar ahaan u qaato Laba Boqol oo Bir oo loogu dar jirey Xoogaa Raashin ah si ay uga dhigtaan Ugaali (Canjeelo) ,waxaana uu Melles uu ogaa in hadii Ciidamada helaan Mushaar gaaraya Kun iyo Shan Boqol oo Doolar (1500) ay Ciidamadiisu u keeni karto Burbur waayo Askari ku qanacsnaa Mushaarkaas yar haddii uu helo mid ka sii badan waxaana uu qabey ama Aaminsanaa in ay keeni karto in kala daadasho iyo in la Xakameyn waayo Howlaha Ciidamada islamarkaana uu ku qanci waayo Mushaarka Dalkiisa uu siiyo .

Go;aanka uuu qaatey Melles Zanawi ayaa la qabay Madax badan oo Caalamka ka mid oo iyagu diidan in Mashaar aad u tira badan ay qaataan Ciidamadooda kuwa oo ka baqey in ay kala daadaan Ciidamada maadaama Ciidamadooda ay qaataan Mushaar aad u yar waxaana arrimahaan ku dhaqama Wadamada ay Xukumaan Madaxda Diktooriyadda ku dhisan kuwaa oo qaba Ciidamo aad u tiro badan oo lagu maamulo Mushaar aad u yar.

Marka la fiiriyo Caalamka Ciidamada ka soo laabtey Howlgalada ay abaabulaan Qaramada Midoobey , Midowga Afrika iyo ururada kale ee Caalamka ka jira ayaa la sheegey in ay adkaatey in Ciidamadas ay dib ugu laabtaan Mushaarkii hore oo aadka u yaraa,waxayna Dowladaha qaar Ciidamaas ka saareen dhamaan qaybha kala duwan ee Ciidamamda ka dib markii laga dareemey in ay kiciyan Ciidamadii kale ee Qaranku lahaa maadaama ay soo arkeen Nolol ka duwan midka ay ku jiraan.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay Soomaaliya soo galeen Sannadkii 2006 iyagoo taageerayey Dowladii Cabadulaahi Yuusuf, hase yeeshee Ciidamadaas ayaa waxaa lagala hor yimid Dagaal aad u Qaraar oo Aakhirkii keeney in Guud ahaan dalka ka baxaan hase yeeshee maanta ayaa Ciidamadaas oo ay Dharka soo badesheen waxay ka mid noqdeen kuwa Amisom waxayna dadka qaar ay sheegeen in aan wax isbedel ah la imaaneyn Ciidamada Itoobiya maadaama la soo arkey waxa ay dalka Soomaaliya ka geysteen iyadoo weli uu muuqdo raadkii ay ka tageen ciidamadaas.

Dadka qaar ayaa Aamisan in ku biiritaanka Ciidamada itoobiya ee Howgalka Amisom uu yahay Qorshe ay wataan Dowladha reer galbeed oo ay sheegeen in ay doonayaan in Somaaliya loo qaybiyo Shan qaybood oo kala ah Somaliland , Puntland , Gobolada Dhexe , Gobolada Jubooyinka ,Gobolada Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir , waxana ay sheegeen in Itoobiya oo markii horeba Madax ka haysatey Maamulada Somaliland iyo Puntland in la doonayo in loogu daro kuwa Koonfur Galbeed , Kenya ayaa la sheegey in ay Maamuli doonto Gobolada Jubbooyinka ,Jabuuti ayaa iyna lagu wareejin doonaa Gobolada Dhexe iyadoo Madaxweynahooda Ismaaciil Cumar Geele uu sheegey in Soomaaliya ay u diri doonaan Ciidamo hor leh kuwaa oo la geyn doono Gobolada Dhexe halka ciidamada Uganda iyo Burundi loo Xilsaarey Gobolka Banaadir..

itoob6

Hadaba ku Biiritaanka Ciidamada itoobiya Howlgalka Amisom ayaa dad badan ay Rumeysan yihiin aysan wax Isbedel ah la imaan doonin maadaama dadka Soomaaliyeed ay Xasaasiyada weyn ka qabaan Ciidamadaas hadda oo ay soo badesheen Shaarkii ayaa dadka Mucaaradka ku ah Dowladda Itoobiya ayaa igu qaba in la raaco Go’aanii Melles Zanawai uu ku diidey ku biiritaanka Howlgalka Amisom waayo waxay sheegeen in Mustaqabalka Ciidamada itoobiya la kulmi karaan Burbur uu sababa u yahay Dhaqaalaha laga helo Amisom oo Ciidan kasta oo itoobiya uu ku qanci waayo Mushaarka yar ee uu Dowladiisa uu ka qaato sidoo kale kooxaha Mucaaradka ayaa aaminsan in ciidamada Itoobiya loo arkey islamarkaana hore ugu soo fashilmeen Gelitaankii Soomaaliya.

Guntii iyo Gunaanadkii ku soo Biiritaanka Ciidamada ayaa waxay dad badan ay qabaan in aysan wax ku soo Biirineyn Xaalada Murugsan ee ka taagan Soomaaliya iyadoo sidoo kale dadka qaar ay sheegeen in ay sii dhiiragelin karto dadkii Soomaaliyeed ee markii hore ka soo horjeedey hadaba la arki doonee waxa Ciidamada Itoobiya ku soo biiriyaan arimaha Soomaaliya ,waxaana dadka kale ay qabaan in Ciidamadaas faraha badan ee ku soo qulqulaya Soomaaliya uu dib u dhac uu u keeneyo Dhismaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo haatan aad u liito sidoo kale waxaa dalka jooga Ciidamo Shisheeye oo Booliis ah , waxayna dadka qaar ay qabaan maadaama Booliis iyo Milatari la keeney in ay ku xigi doonaan Munashiibiyo oo Canshuurta kuu qaada , marka waa Dal aan la dooneyn in ay Cidamadiisa Dhismaan .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ciidamada Itoobiya ee Shaarka loo Bedel Maxaa ka Imaan Doona ? "

  1. Adam says:

    Dowlad somaliya wax la yiddho ma jiraan wayo dowlad casimmadadi ku ilalinayan Uganda iyo Burundi oo musharadkadi bixinayan UNSom waa dowlad magac uun ka jirta. Si kasto axato dalki illah uu ba imika ilalin kara , waayo somali ummad badan oo cadow bey leyahin somali waa isku cadow. Alshebeb waa ku cadow . Markas ruunti waa xaal adag .

  2. Jamiil says:

    Qaladka uGu horeeyey oo ya sameyso dowladda Federaalka Soomaliya. Ciidamadda itoobiya uma baahna iney cagta soo dhigaan ciidda Soomaliya. Waxay soomalida dhamaan ka dheregsan tahay Dhibatadii iyo bur burkii ka dhalatey Ciimadda itoobiya fara gelintii 2006, Waxaan ka codsaneynayaa iney dowladda ka noqoto. waayo dadaalkii iyo howhsii ay u qabteen ayay ciideyneysaa. ” waa hal bacaad lagu lisey oo kale ” Ciidamadda itoobiya uma baahna iney Soomaliya soo galaan. Ciidamadda AMISOM.

    Shacabka Ma ogola Mana ogolaanayo in Ciidamadda Dowladdaha Safka hore gaar ahaan Itoobiya iney Soo galaan meel kamid ah Ciidda Soomaliya.