Home » Warar »

Xarakada Shabaab oo ka hadashay ku Biiritaankii Ciidamada Itoobiya ee Amisom iyo Wasiirada Cusub.

Iyadoo dhawaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya ay shaaciyeen in ay ku biireen hawl galka lagaga soo hor jeedo Xarakada Shabaab ee Amisom ayaa arrintaa waxaa markii u horeeyay ka hadlay Dagaalyahanada xarakada Shabaab.

Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere Afhayeenka guud ee Xarakada Shabaab oo waraysi siiyay idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ee Al Andulus ayaa arrimahaa ka hadlay isagoona sheegay in ku biiritaanka Itoobiya ee Amisom ayan wax cusub soo kordhineyn.

somali154Af hayeenka ayaa dib ugu laabtay Taariikhda Xukuumadihii soo maray Soomaaliya burburkii kaddib isagoona sheegay in dhamaanba xukuumadahaasi ay ku lug lahaayeen dad ajaaniib ah kuwaasoo ka shaqaynayay sidii mar walba la isaga hor keeni lahaa Umadda Soomaaliyeed

Cali Dheere ayaa hoosta ka xarriiqay in cadowga Soomaaliya uu ka shaqaynayo sidii aysan Soomaaliya uga dhaqan geli lahayn Shareecada Islaamka sidaa darteedna uu mar walba ka shaqaynayo sidii uu dalka Madaxtinimadiisa gacanta ugu galin lahaa dad isaga taabacsan.

Afhayeenka Xarakada Shabaab ayaa sheegay inaysan joojin doonin dagaalka ay kula jiraan Ciidamada shisheeye iyo kuwa Dawladda oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo u shaqaynaya cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Shiikh Cali Dheere ayaa ugu dambayntii digniin u diray Golaha Wasiirada cusub ee haatan la magacabay isagoona ugu baaqay in y ka laabtaan oo Towbad keeneen mas’uuliyaddaas loo magacabay haddii kale ay la kulmi doonaan ama ay beegsan doonaan.

Hadalkan Afhayeenka ayaa imaanaya xilli dhawaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka uu shaaciyay in sanadkan 2014ka gebi ahaanba Xarakada Shabaab ay ka saarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.