Home » Faallo »

Shiikh Cabdi Cismaan Cumar oo ku Geeriyoodey Boqortooyada Sacuudiga.

Dhamaan Beelaha Jareer weyne sida Ugaasyada , Culama’udiinka , Nabadoonada , Cuqaasha iyo qaybaha kala duwan Bulshada Waxay u Tacsiyadeyayaan Eheladii iyo Qoyaskii uu ka Geeriyoodey Shiikh Cabdi Cismaan Cumar oo ku Geeriyoodey Dalka Sacuudi Caraabiya
Sidoo kale waxaan halkaa Tacsi uga Diraya
Dr Maxamed Qaasim
Shiikh Mukhtaar Cabdi Rooble
Ugaas Cabdi Xasan Xujaale
Suldaan Dhiirane Maxamed Mowliyoow
Ugaas Xasan Axmed Xasan
Suldaan Cali Muuse Xasan iyo

tacsidaDhamaan Odoyaasha Beelaha Jareer weyne waxayna leeyihiin Qouyskii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyoodey Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo isagana Janadiii fardowsa Ilaah ha ka Waraabiyo Aaamiin….. Aaamiin

Haddii aan dib u Qooraansano Taaariikhda Shiikh Cabdi Cismaan Cumar Waxaa uu dhashey Sannadkii 1946 , wuxuu ku dhashey Magaalada Qalaafe , Dugsiga Sare waxaa uu uga soo baxay isla Magaaladda Qalaafe , waxaa uu u gudbey Machadka Degmadda Qalaafe waxaa uu si Wanagaasan ugu hadli Luqadaha Carabiga , English-ka , Amxaariga iyo Soomaaliga

Shiikh Cabdi Cismaan Cumar Xillalka uu soo qabtey waxaa ka mid ahaa , Madaxa Maaliyadda Dowladii Kacaanka ee Magaaladda Baydhabo, ka dib waxaa uu u wareegey Dhinaca Ganacsiga , waxaa uu noqdey Nabdoon , ka dib waxaa loo doortey Madaxa labada Webi ee Beesha Jareer weyne,Marxuum Shiikh Cabdi Cismaan Cumar waxaa uu Ifka kaga tagey Saddex Xaas iyo 14 Caruur ah

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.