Home » Warar »

Golaha Wasiirada: “Xeradayadu waa wada Ulo Ul la Qaatana ma laha”?

Waxaa ka mid ahaa dadkii ku Dhafrey ku Dhawaaqista Golaha Wasiiradda , waana mid ka mid ah Dhacdooyinka Cusub ee ku soo biirey Taariikhda Siyaasadda Soomaaliya waayo Weligeed ma dhicin in waqti Ummada Soomaaliyeed Hurdaan lagu Dhawaaqo Golahii Wasiirada oo muddo Dheer la sugayey

Nin odey ah oo ka mid ahaa Dadkii Habeenkaa u soo jeedey in uu Dhageysto Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa waagu markuu Baryey ayaa wax ka weydiiyey Sida uu u arko Magacaabista Golaha Wasiirada isagoo Careysan waxaa uu yiri “ Aan Dhafree hadii aan Maqli lahaa Wasiiro Tayo leh Dhafarkeyga waxba uma arkeen laakiin waxay dhagaheygu Maqleen wax aysan ku Farxin oo weliba aan ogahay in dad badan oo ila mid ah ay sidaa ugu Farxin waayo Dad hore Siyaasada ugu Fashilmey ayaa loo Magacaabey Golaha Wasiirada oo soo taagnaa ilaa Dowladdii Cali Mahdi waxaa ka sii yaab badan in intooda badan ay yihiin Xildhibaano waxayna Soomaalidu Tiraahdaa “ Qofkii wax haysta ayey wax ugu Daraan marka waxa halkaa kaaga soo baxaya in Dad kale dalka uusan lahayn”

gurbaan8Nin kale oo Siyaasada u Dhuun Daloola ayaa waxaa uu yiri “ Buur baa Foolatey markaasey waxay Dhashey Cirbad , waxaan sugeyney Dowlad tayo leh waxaa soo baxay wax aanan Fileyn marka waxaa Xaqiiqo ay Dalka uusan weli ka bixin ku meel gaarkii ,waxaa la Magacaabey dad hore ugu Fashilmey Dowladihii ku meel gaarka ahaa , marka waxaan leeyahay “ Xukuumadii Saacideey Xaal qaado” waxaa Dhab in Xukuumadaas ay ahayd Xukuumad tayo Wanaagsanayd oo aan dhihi karo waxay reebtey Taariikh ma Hadho ah”

Wiil Dhalinyaro ah oo isna si aad ah u sugayey ku dhawaaqista Golaha Wasiirada ayaa isagoo aad uga Murugeysan waxa meesha ka soo baxay ayaa yiri “Wallee Tanina ma noo Harsanyd waxay Soomaalidu tiraahdaa marka ay Googaaleysiga isu marinayaan “ Xeradayadu waa wada Ulo Ul la qaatana ma laha” oo aan ula jeedo in Xubnaha la magacaabey ay yihiin kuwa aan waxba is Dhaamin oo Shacabka hore u arkey marka waxaa leeyahay Ilaah ha na Dhaafiyo

Bulshadu Dhegta uma wada taageyn oo keliya Magacaabista ee waxay u Dhaga taagayeen in Golaha Wasiirada lagu soo daro Wasiiro Calaamatu Su’aal Saarneyd hase yeeshee markii ay maqleen in ay ku jiraan ayey sii niyad jabeen waxay doonayaan in dhamaatood aan la soo celin marka laga reebo Dhowr Wasiir oo wax qabadkoodu muuqdey marka waa Jug- Jug meeshaada Joog, waxaa rumowdey in Dowladda kasta oo Dalka soo marta ay Xukunkooda Gacanta u galaan kooxo Isbahaystey sdiaa darteed Ummadda Soomaaliyeed ha iska sugaan inta ay helayaan Doorasho Madax-banaan iyo Baarlamaan Daacad ah

Dad kale ayaa iyana qaba in Golaha Wasiirada cusub ay yihiin kuwa aad u tira badan hadana waxay sheegeen in looga fadhiyo in ay la yimaadaan isbedel la taaban karo haddii kale waxay mari doonaan kuwa ka horeeyey halkii ay mareen ka dib markii qaarkood ay sheegeen ama isku caddeeyeen in ay ku Fashilmeen arrimihii loo Xilsaarey ee ahaa Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasada hadaba waxaan u joognaa waa waxay ku soo Kordhiyeen arrimaha siyaasada hadii kale iyana Wajihi doonaan in Mooshin laga keeno

Magacaabistaan ayaa Dadka Siyaasada Odorosa waxay leeyihiin wax fudud ma aha in Magacaabis Gole Wasiiro lagu Dhawaaqo waqti Saqda Dhexe ah waxayna sheegeen in Khilaaf uu jiro oo u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowlada oo qaarkood ay wateen Xubno ay la doonayeen in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada iyadoo Xitaa ay gaartey in la si yiraahdo “Xagee Marsiin doonaa”

Hadaba waxaa ku soo Gunaanadayaa Dad badan ayaa qaba Faanoole Fari kama Qodna arrrinkuna wuxuu ku Biya Shubanayaa “Gurbaankii la Xadey halkee lagu yeerin doonaa” oo u jeedku yahay halka la marsiin doonaa Golahaan Wasiiro ee Tirada badan, iyadoo la ogyahay Xildhibaano gaaraya 100 ay Kursiga Keydka u fadhiyaan kuwaa ooo hore uga Caroodey Mooshin ay ku diidanaayeen in dib loo soo celiyo Wasiiradii hore ka dib markii laga horgeeyey Mooshin kale hadaba waxaa noo Balan ah Golaha Baarlamaanka oo Xukuumada Cabdiweli Shiikh Axmed laga doonayo in uu Codka Kalsoonidu weydiisto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Golaha Wasiirada: “Xeradayadu waa wada Ulo Ul la Qaatana ma laha”? "

  1. waberi Ali says:

    waxay ila tahay waa doogiye yaan la dacaroon.
    yaan la deg degin samirka badiya ducadana badiya
    waayo dawladuna xisbi kuma iman oo waa qabiil waxaana qasab noqonaysa in la qanciyo qabiil walba taas ayaa ka dhigtay tiro 50 wasiira
    fiiri xibaadna waa 275.
    allaw nabad iyo caano.aamiin aamiin

  2. Xaqiiqaddu waxay tahay hoganka Soomaaliya ee Muqdisho Fadhiyaa ma doonayaan hormar Soomaali gaarto waxaana xaqiiqa qaabka ay u soo dhiseen Xukuumadda

    Bal fiir Wasiiradii ugu firfircoona ee Abiid soo mara Soomaaliya ayaa daaqada laga saray waxana ugu horaysa DRS Maryam Qasim.

    Low sahal amuuraha wad mahadsan tahay Amiin waxaad ka hadashay waa xaqiiq jirta waa Buurtii foolatay ee Irbadda dhashay

  3. Ali Roble says:

    A.C walalayaal ilma ahaan iniga kuwii habeen hore lagu dhawaaqay in ay somaliya samata bixinkaraan ilaahbaa wax samatabixiyee kuwaani uma muuqdaa kuwii somali dhibta iyo gumesta duugan oo aysan ummada hada aysan u jeedin laakiin mardhow ay dareemidoonaan ayadoo waxba lagaqabankarin, ilaahbaan baryenaahe ilaah ha na badbaadsho maanta xaalku ma fiicnee!!!!!!!!!!!!!!!!!!