Home » Warar »

Qaar Kamid ah Ganacsatada Qurba Joogta ah ee Muqdisho Ku Sugan oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Amaanka Magaalada Muqdisho

Ganacsatada ku Dhaqan Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa Qurbaha ka yimid ayaa qaylo dhaan ka muujiyey xaalada Amni xumo oo ay sheegeen inay kusoo korortay Caasimada Muqdisho taasoo ay sheegeen inay Dowlada Soomaaliya mashquul ku noqtay waxyaabo dantooda ah oo aan u adeegayn Bulshada soomaaliyeed

Ganacsade Liibaan Xasan Cabdi oo Saxaafada kula hadlay gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobtiisa Ganacsi ee uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dalka gaar ahaan Muqdisho ka abuureen Shaqo ,Bilic soo celin iyo weliba Adeegyada Bulshada balse ayuu sheegay inay si weyn uga liitaan waxqabadkii dowlada Federaalka Soomaaliya ooay uga fadhiyeen Amni soo celin Shaqo abuur iyo weliba Hogaan Wanagsanaan .

liibaan45

Ganacsadahan ayaa intaasi sii raaciyey “in Amni xumada ay ka abuurantay Muqdisho ay salka ku hayso shaqo la,aanta Gaajada iyo weliba Sicir Bararka kusoo kordhaya dalka taasoo uu sabab uga dhigay dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inaysan uba soo jeedin dhinaca shacabka oo ay dano hooda gaarka ah wataan taasina ay keenayso Amni xumo iyo habacsanaan ku timaada guud ahaan Nolosha

Ugu dambaytiina ganacsadahan ayaa ugu baaqay Hogaanka sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya inay wax ka qabtaan dhibaatada ku dhacaysa dadka shacabka ah ee shaqo la,aanta amni xumada keenaysa iyo weliba Sicir bararka Gaajada salka ku haya isagoo tilmaamay hadii ay Dhegaha ka furaystaan hadalada kasoo baxaya waxgaradka Bulshada inay dib u dhac iyo amaan xumo baahda ay ku noqon doonto Magaalada Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.