Home » Maqaallo »

Hashii labo midigle dheelmay dhanna uma bed qabo.

Sida aan lawada socono marxalad kasta oo siyaasaded waxey leedahay xamaasad iyo xiise u gaar ah, taas oo noqota dhacdo lagu  xasuusto, dhacdooyinka hakala duwanaadeen oo midiba si wax ha usaamayso, oraah hore ayaa dhahda “muruqa labo suulle Ninba si ku ah” Inkastoo Puntland ey ka dheceen dhowr doorashgo oo baarlamani ah, isla markaana ey jirtey loolan iyo kala jiidasho xildhibaanada tirad yar Ee doorta madaxweynaha puntland iyo ku xigeenkiisa, taasoo ey ka qaybgalaan murashixiin farabadan, hadana waxaa muuqatey in sanadkaan uu ahaa midkii ugu adkaa marka laga eego dhinacyo badan sida, khilaafki ku salaysnaa gudigi xalinta iyo xulista baarlamanka, is qabqabsigi beelaha dhexdooda oo isku mari waaeyey qofki xubinta la siin lahaa,

sidoo kale khilaafka waxa uu saameeyey isimada Puntland oo markii ugu horaysay labo ukala jabay. Waxkasta arini ha cakiraatee, waxkasta warbaahinta hala iska weeraro, waxkasta fadhi ku dirirka hala isku hiifo, adigaa wax haleeyey iyo anigaa guusha helayaa waa hanjabaadda afkaa iyo hadal laysku yiraahdo, markaan waa 08/01/2014, waxaa lagu dhawaaqay liiska magacyada baarlamanka cusub Ee Puntland 2014-2018, qofkasta calaf iyo nasiibkiis, qofkii doonaa ha cartamo ( ha caroodo), waxaa bilaabatay waqtigi kaambeynka, ku kala orodka xildhibaanada “

Anigaa kis weyn haya, Anigaa koob buuxa ku siin, Reerkiina waan kaalin”  balan qaadka murashixiinta waxa uu buuxiyey dhegaha xildhibaanada, codsi aan kala joogsi lahayn, casumaad goorkasta taagan iyo mudane cod isii waa ciraab la isugu baaqo. Qofkasta kas iyo garashadii go’aankana isagaa leh, xidhibaanku wareeg kasta waxa uu leeyahay hal cod, musharixiintu wa labaatan (20) ku dhowaad inta madaxweyn keliya utartamaysa, Rag ma sinna,  ninba si wax ugu muuqde, Abwaan hore aya yiri Ninki talada garanwaaya gebi baa ku awdan, gibil aan da’ayn iyo gu’jinni ayaa u hillaaca” rag ayaa taladi seegay  oo dhawr meelood waxka gacan tugaaleeyey, iyagoo aan beer laf ka filan, illeen gu baas ayaa u hillaacaye! Murashax kasta waxa uu u ballan qaaday inuu cod siin doono isna jeebka loo buuxsho, waa kaaf iyo kala dheeri war isagu badanaa? Maah-maah cajiib ah ayaa tiri “ habeenki waxaa kortaga fogeeya qofki og in waagu beryayo”  taa waxan kawadaa  midka habeenki hadba meel waxka dafaya ma waxuu umaleeyey inuu berri shan (5) qof noqon, mise waxaanu ogeyn inuu xoolo rageed qaatay oo aan loo raacan doonin? Wixii la sugayo wax ka dhow waa 08/01/2014, waxaa loo dareeray hoolka baarlamanka murashixiinta waa 21, mid kasta qumanihiisa qoorta ugu jira, midkasta adigaa saaka u qorshe iyo saami fiican ayuu hoos ka qarsanayaa, xalay waxey ahayd riyo saaka waa runti. Gari labo nin kama wada qosliso, guushi rag baa qaaday, garoonkina lagu kala yaac.

Ninba meel hay ama howraari, midbaa masuuliyad qoorta loo suray, oo waxa madaxiisa ka guuxaya siduu ugudanlahaa masuuliyadda qaran ee laga sugayo.mid ayey boorsadiisi hungo (faaruq) tahay xilna aan goobta kasoo helin, kaas waxaa ku weyn xilma-dhibaanki xalay cayrnimada baday hadana aan cod siin, markaa ayuu haabanayaa “ Hotelkee deganyahay? Telephone-kiisa ma haysa? Hebel iyo ayan u xilsaaray halna yaanu ka calfan (gawsihiisa kasoo gura” .

inuu sidaa dhaho waa xalka keliya uu heli karo, arinku waa nin daad qaaday xunbo cuskey, baadi goob ayaa la galay, ninba gees ayuu udhaqaaqay, midba meel ayaa lagu gaarey, Gabalka kuu dhici maayo iyo geesna howla dhaqaaqin ayaa warkii ku gaba gaboobey.Nin axdi daran itaal darane si fudud aya looga soo ceshey lacagti uu xalay qaatay oo inta uu gorada (qoorta) hoos udhigay ayuu gumaarka kasoo baxshey geniyadii uu xalay guddoomey! Tan damaa daran.

Ayaan daranaa ma waalidkii aya habaaray? Eeddu intaa kuma dhamaan E jab waakan hada ubilowday. Bud walaal  ha qodin hadaad qodana ha dheerayn, xalay waxuu ku seexday hanti badan ururso codkagana hebel sii, inta kalena khiyaamay lakin arinki sidaa ma noqon, waxaa soo baxay war naxdin leh, ka dib markii loosheegay in qoladii uu codka siiyey ka rabaan xoogaagi kol hadaaney kursigi hanan, waa yaab iyo amankaag, waa lama arag iyo lama filaan, waa dhib iyo dhiilo hor leh, waa ceeb iyo calaf la’aan, waa go’doon iyo garna kuuma roona, Hashii labo midigle dheelmay dhanna uma bedqabo! Midkuu u hiiliyey  iyo kii uu ka hiiliyey labaduba waa haystaan, hunguri sixun loo raadiyo haybad la’aan ayaa laga dhaxlaa.Ugu damayn waxan qoraalkayga kusoo ururinayaa Laaluush aadan calfandoonin ha isku ceebayn hadaad xildhibaan sharafle tahay, hadaadse xilma-dhibaan tahay xalaal iyo xaaraan midkaad doonto xoogso, ka dibna  ceebta xanbaarso. 

Qore: said sheikh Isse,

Email: sciise235@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.