Home » Warar »

Maraykanka oo shaaciyay in uu si Qarsoodi ah tiro Ciidama ah ugu Diray Soomaaliya

Xukuumadda Washington ayaa markii u horeeyay shaaca ka qaadday in tiro ciidamada Maraykanka ah oo Khubaro ah loo diray Gudaha Dalka Soomaaliya.Warbixin ay qortay Jariidada Washington Post oo soo xigatay Sarkaal ka tirsan Taliska hawl Galka Maraykanka ee Africom yaa sheegay in tiradan Khubarada Maraykanka ah ee haatan ku sugan gudaha Soomaaliya in shaqadoodu ay tahay talo bixinta iyo tababaridda Ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaaliya.

Khubaradan ayaa sidoo kale waxay talooyin ka bixinayaan qaabka loola dagaalamayo DagaalyahanadaXxarakada Shabaab oo dagaal joogta ah kula jirta Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom.Maraykanka ayaa Ciidamadiisa gebi ahaanba kala baxay Soomaaliya ka gadaal markii uu dagaalo kala kulmay xoogaggii Hawl galkii UNTAF ka hor yimid hawl galkaas oo uu Maraykanku ku sheegay inuu ahaa mid Musiiba ah.

Xiligaas wixii ka dambeeyay ayuu Maraykanku si weyn faraha kula jiray arrimaha Soomaaliya isagoo marar badana ku bixiyay Kharash aad u fara badan gaar ahaana hawl galka Amisom oo haatan Dhaqaalaha ku baxa uu inta badan Maraykanku bixiyo.Si kastaba khubaradan ka socota Dawladda Maraykanka ayaa waxa ay ku sugan Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo oo tababaro kala duwan bixiya in kastoo aan la ogeyn inta ay sii joogayaan Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.