Home » Faallo »

Howlaha ugu muhiimsan ee horyaal madaxweyanaha cusub ee Puntland

Hordhac

abdirisaaqSida lawada ogsoon yahay waxaa 8-dii janaayo 2014-ka madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland loo doortay prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Doorashada ayaa u dhacday si aad iyo aad u saraysa, taasoo soo jiidatay indhaha guud ahaan caalamka iyo weliba soomaaliya. Goobjoogayaashii ka socdey guud ahaan aduunka waxaa ay isku raaceen in qaabka doorashada loo agaasimey ay ahayd mid sharaf weyn iyo sumcad usoo hoydey Puntland iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waxaa isagana amaan iyo bogaadin gaar ah loo soo jeediyey madaxweynihii hore ee Puntland mudane Cabdiraxmaan Faroole. Waxaana aad loogu amaanay sida sharafta leh oo uu u aqblay natiijadii kasoo baxday doorashada. Madaxweynaha la doortay prof. Cabdiweli Gaas waxaa sugaaya howlo aad iyo aad u balaaran. Haddaba waa maxay howlahaas kuwa ugu muhiimsan? Sidee ayaa ku haboon in loo kala hormariyo? Waa maxay waxyaalaha uu u baahan yahay madaxweynaha cusubi si uu howshiisa ugu guuleysto?

Amaanka guud ee gobolada Puntland

Amaanka guud ee gobolada Puntland ayaa u baahan in si fiican loo sii adkeeyo. Waxaa dhacay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Boosaaso  caasimada ganacsigaPuntland. Waxaa jirey weeraro badan oo lagu qaaday meelo ka mid ah magaalooyinka iyo  goobo kale oo muhiim ah. Meesha u baahan in si wanaagsan amaankeeda xooga loo saaro waa magaalada Boosaaso oo ah magaalada ugu weyn uguna dad badan deegaanka Puntland. Waxaa kaloo jira amni xumo kale oo ka dhaca meelo kale oo gobolka ah. Dhamaan arimahaas waxaa la doonayaa in loo dejiyo qorshe balaaran oo qoto dheer oo wax lagaga qabto.

Middaynta Puntland

Waxaa waayadaan dame khilaaf iyo jahwareer siyaasadeed ka jirey qaar ka mid ah goboladii Puntland wax ka dhisay. Waxaa jira magaalooyin Puntland ah oo maanta aan gacanta dowlada Puntland ku jirin. Waxaa jira deegaano kale oo qarka u saaran iney ka baxaan Puntland. Waxaa jira jira gobolo ka mid ah Puntland balse tabanaaya cadaalad xumo iyo in maamulkii uu ku soo koomay magaalooyin tirsan. Waxaa Madaxweynaha cusub laga doonayaa in isagoo kaashanaaya isimada, dowlada uu dhisi doono iyo shacabka Puntland uu ka shaqeeyo sidii markale Puntland loo mideyn lahaa, loogana gudbi lahaa khilaafyada jira. Waa in laga shaqeeya sidii deegaanada Puntland ay dhamaantood u hoos imaan lahaayeen dowlada Puntland.

Kobcinta dhaqaalaha iyo tixgelinta gobolada oo dhan

Dhaqaalaha guud ee Puntland ayaa ah mid aad hoos ugu dhacsan. Waxaa aad u hooseeya kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka,  dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo weliba suuqyada waaweyn. Waxaa aad u jahwareersan qorshe cashuureedka degan, kaas oo ah mid ay dadweynaha iyo ganacsataduba aad uga cabanayaan. Waxaa jira ganacsato badan oo ka huleelay Puntland, aadeyna gobolo kale si ay faa.iido ganacsi u helaan. Waxaa loo baahan yahay qorshe dhaqaale oo aad looga fekeray kaas oo dan u ah dhamaan dadweynaha Puntland. Qorshahaas waa in saldhigiisu yahay in dadku dareemaan in cashuurta ay bixinayaan iyaga ruuxooda dan u tahay,. Waa in cashuurtu dib ugu noqotaa horumarka wadanka. Waana in dadweynaha reer Puntland loo sheegaa halka ay cashuurtoodii ku baxday. Waana in cashuurtu tahay mid aan dhib dhaqaale u keeni karin qofka ganacsadaha ah. Kolka si wanaagsan loo habeeyo dhamaan cashuuraha kala duwan ee dalka waxaa taasi saamayn ku yeelan doontaa arimaha waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan hay;aadka u shaqeeya bulshada. Waxtarka dhaqaalaha dalku waa inuu gaaraa dhamaan gobolada iyo degmooyinka Puntland. Dowladii hore ee uu hogaaminaayey madaxweynihii hore Dr C/raxmaan Faroole ayaa ahayd mid ku koobnayd magaalooyinka waaweyn ee Laamigu maro. Waxaa dowladaan cusub laga doonayaa in maamulkeeda kobcinta dhaqaaluhu gaaro magaalooyinka yar yar iyo tuulooyinka ka fog laamiga. Arrintani waxaa ay ka mid ahayd balanqaadyadii uu bixiyey madaxweynaha cusub kolkii uu ku jirey ololihiisa tartanka madaxtinimada.

Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan

Si horumar la taaban karo iyo dimoqraadiyad rasmi ah loo gaaro waa in laga gudbaa nidaamka beelaha ku salaysan loona talaabsadaa nidaamka xisbiyada ku salaysan. Dowladii hore ayaa arinkaas si deg deg ah ku bilowday balse ma mira dhalin arimo jirey awgood. Nidaamka xisbiyada ayaa waxaa uu u baahan yahay shaqo badan iyo diyaarin xoog leh balse waxaa haatan la haystaa wakhti dheer oo lagu diyaarin karo qorshahaas. Waa in si wanaagsan loo dejiyaa sharciyada nidaamka xisbiyada badan, waa in dadweynaha puntland ee doorashada ka qaybgeli kara la tiro koobaa, waana in hay`ad dowli ah loo xilsaaraa nidaamka xisbiyada badan. Doorashada tan ku xigta waxaa lagama maarmaan ah in lagu galo nidaamka xisbiyada badan. Nidaamkaas ayaa shacabka Puntland waxaa uu u suurtogelinayaa iney doortaan qofka ay doonaan halka haatan 66 wakiil ay madaxweynaha doortaan. Howshaan waa in dowladu la kaashataa hay`adaha caalamiga sida qaramada midoobey iyo ururka midowga yurub. Waa in dhamaan shacabka Puntland loo diyaariyaa nidaamka xisbiyada badan. Waa in loo gudbaa in qofka kartidiisa iyo aqoontiisa lagu doorto lagana gudbaa habka beelaha ku salaysan oo ah mid aad cadaalada uga fog.

Xiriirka Puntland iyo dowlada Federaalka

Puntland waxaa ay ka mid tahay dolwada federaalka ee Soomaaliya. Waana dowlad goboleedka keliya ee u shaqaynaaya sida waafaqsan tastuurka federaalka ah ee soomaaliya. Maxaa yeelay sida uu dhigaayo tastuurku, waa in dowlada federaalku ay ka koobnaataa dowlada goboleedyo. Dowlada goboleedka Puntland ayaa qayb weyn ka qaadatay dhisitaanka dowlada federaalka iyo weliba tastuurka fedraalka ah. Waxaa jira nidaam qeexan oo sheegaaya waxyaalaha ay dowlada federaalku xaqa u leedahay iyo waxyaalaha dowlad goboleedyadu xaq u leeyihiin. Waana in qolo weliba ay waajibaadkeeda fulisaa. Haddii taasi dhacdo waxaa imaanaaya isfaham iyo wada shaqeyn dhex mara dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada. Sanadihii la soo dhaafay waxaa jirey isfaham la`aan ka dhex taagnaa dowlada federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland, taasoo keentay in madaxweynihii hore ee Puntland mudane C/raxmaan faroole uu xiriirka u jaray dowlada federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sh. Maxamuud. Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in xiriir wanaagsani dhexmaro Puntland iyo  dowlada federaalka balse waxaa lagama maarmaan ah iney jirto daacadnimo iyo dhaqan ku salayasan waxqaybsi iyo cadaalad. Madaxweynaha dowlada Federaalka waxaa lag doonayaa in aanu u dhaqmin sidii madaxdii keligood taliyayaasha ahaa ee soomaaliya soo xukumi jirey. Waa inuu Xasan sheekh fekerkiisa balaariyaa  kuna saleeyaa dalka oo dhan. Waa in dhaqaalaha iyo mucaawinooyinka aduunka ka yimaada lagu baahiyaa gobolada soomaaliya ee nabada ah ee puntland ugu horeyso. Waa in mashaariicda horumarineed ee aduunka laga soo helo sida turkiga oo kale laga qaybgeliyaa Puntland. Waa in dhisitaanka kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka iwm lagu baahiyaa gobolada nabada ah oo dhan oo puntland hormuudka ka tahay. Dhisitaanka ciidamada qalabka sida iyo booliiskaba waa in Puntland ku yeelataa qayb lixaad leh. Tababarada ciidamada ee dibada loo aado waxaa laga  hirgelin karaa Puntland tusaale ahaan xerada tababarka ciidanka booliiska ee Carmo iyo xerada weyn ee banaanka magaalada qardho ee gobolka karkaar.  Qaybo ka mid ah ciidamada cirka ee soomaaliya waxaa la degjin karaa laguna tababari karaa garoonka soomaaliya ugu weyn ee ku yaal magaalada Iskushuban. Garoonkaas waxaa isticmaali jirey dowlada talyaaniga kolkii ay soomaaliya joogeen, waxaa kaloo isticmaali jirey ciidamadii cirka ee Soomaaliya. Waxaa uu u baahan yahay dayactir balse waa garoon diyaaradeed oo rabaani ah, waxaana uu qaadi karaa diyaarado aad u badan. Haddii dowlada Puntland ay aragto in cadaalad iyo sinaan ay dowlada federaalku wax ku maamusho, waxaa iyadana waajib ku noqoneysa in ay fuliso waxii waajibaad ah ee laga rabo.

Mahadsanidin 

Qore: C/risaq Maxamed Xuseen. ( ina-xuseen dheere)

Master degree in economics and Business Administration

habdirisak@hotmail.com

Eskilstuna, sweden

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Howlaha ugu muhiimsan ee horyaal madaxweyanaha cusub ee Puntland "

  1. ascwrwb waxaad tahay nin jecel horimarinta pundland ee xagee ku ilwday
    gobalada kale ee soomaliya.horaa loo yiri nin walba caqligiisu hadlaa

  2. Waa fikrad sax ah oo daruuri ah arrimahaas iyo kuwo kale oo dadka puntland tabanayaan yaa looga fadhiyaa mr gaas.