Home » Warar »

Warsaxaafadeed – Madaxweyne Xasan “Hay’adda Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Somalia.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa tibaaxay in: Muqdisho, 09 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo xalay ka qeybgalay xafladii xuska sanadguuradii 44aad ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa yiri “Hay’ada Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.”

Xafladan ayaa waxaa kaloo ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Sii Hayaha Xilka
Ra’iisul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sii Hayaha
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha ciidamada,
Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo mas’uuliyiin kale. Xafladan oo si
heer sare ah loo soo agaasimay ayaa fannaaniinta Heegan ay ruwaayad
iyo madadaalo halkaas ku soo bandhigeen.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey xaflada ayaa yiri “Waxaan hambalyo
u dirayaa dhammaan shaqaalaha Hay’ada Nabadsugida, xaasaskooda iyo
dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo caawa u dabaaldegaya 44 guuradii ka
soo wareegtey maalintii la aasaasay hay’adan muhiimka u ah amniga
nabadeynta iyo xasilinta dalka. Dowladuna waxey ahmiyad gaar ah siisey
amniga oo dhaqaalaheeda kooban ay u hurtay. Waxaan ammaanayaa hay’ada
Nabadsugidda oo sanadkii la soo dhaafay howlo muhiim ah ka qabatay
dalka kana hortegtey falal amni daro lala damacsanaa shacabka
Soomaaliyeed, isla markaana ay ku guuleysteen inay falalkii ka dhacay
maxkamadda iyo xeradii QM ay si deg-deg ah u soo afjareen isla
markaana ay ku wada dileen kooxihii Al-Shabaab ee weerarka soo
qaaday.”

Madaxweynaha ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Garowe oo uu
yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku
guuleystay xilka Madaxweynaha Puntland, waxaana EEBBE uga baryayaa
inuu xilkiisa u sahlo. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey diyaar u
tahay inay wax allaale iyo waxii lala qaban karo Puntland lala qabto,
isla markaana aan si wadajir ah uga wada shaqeyn doono arrimo fara
badan oo ay ka mid yihiin sidii dalka Federaal looga dhigi lahaa isla
markaana dalka oo dhan loo xasilin lahaa.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii tacsi u direy reerkii, eheladii iyo
dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Abwaan Aw Jaamac
Cumar Ciise oo ku geeriyooday Djibouti. “Aw Jaamac waxuu ahaa qoraa
Soomaaliyeed oo taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed wax badan ka
qoray, waxuuna nooga wada baahanyahay inaan wada xasuusanno oo aan u
wada duceyno.”

-DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
+252615479911 yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.