Home » Warar »

Xarunta Macluumaadka iyo ka Hortagga Burcad-Badeednimada ee SAPIC oo kulan Wacyi-gelin ah ku Qabatay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Xarunta ka-Hortagga Brcadbadeedda Soomaaliya ee(SAPIC) ayaa kulan looga hadlayay dhibaatooyinka Burcad-Badeednimada ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoo kulankan ay hadallo u badan wacyi-gelin ay ka jeediyeen waxgarad iyo Mas’uuliyiinta xarunta SAPIC.

Kulanka ayaa waxaa ugu horreyn Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furay, Sheekh Carmiye C/qaadir oo ka mid ahaa xubnihii kulanka lagu casuumay, iyadoo intaas kaddibna ay billowdeen hadallo ay xubnaha kulanka ka soo qayb galay jeediyeen.

Madaxa  Barnaamijyada SAPIC, Cabdullaahi Maxamed Xasan (Black) oo kulanka hadal ku furay ayaa ka hadlay sababta loo aasaasay Xaruntan iyo hadafkeeda, wuxuu intaas ku daray in xaruntu u taagan tahay in dhallinyarada laga wacyigeliyo nooc kasta oo Burcadnimo ah, lana dareensiiyo dhibaatooyinka ka imaan kara Burcad-badeednimada.

somali132“Reer Baydhabo waa inay Dhallinyaradooda ka wacyi-geliyaan Burcadnimada iyo Dhibaatooyinkeeda. Haddii Gobollada Xeebaha ay ka jiraan Bucad-Badeed annagu waxaan qabnaa Burcad Dhuleed, waana in xoogga la wada saaro sidii Dhallinyarada ay uga fogaan lahaayeen wax walba oo Murcadnimo ah,” ayuu yiri Madaxa Hay’adda SAPIC ee Baydhabo, Cali Macallin Isaaq oo hadalkiisa ku daray in xarunta SAPIC ay u taagan tahay sidii Dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa dhibaatooyinka Bircadnimada nooca ay doonto ha ahaadaane.

Sidoo kale, Sheekh Miiris Maxamed oo ka hadlay waxay Diinta Islaamku ka qabto dhibaatoyinka Burcadnimada ayaa sheegay inuu islaamku reebay gebi ahaan nooc kasta oo Burcadnimo ah, wuxuu soo qaatay dhowr Aayadood oo kuwaasoo qaarkood tilmaamayay in ruuxii Burcadnimo ku sifooba ay banaan tahay in la dilo ama lug iyo Gacan is-dhaaf ah laga jaro ama la Masaafurinayo iyadoo loo eegayo hadba Xaddiga Dambiga uu geystay.

Sheekhu wuxuu sheegay in Gobolka Bay aysan ka jirin Burcad-Badeed balse ay ka jiraan Burcad-Dhuleed, nooc kasta oo ay tahayna ay isku dambi yihiin iskuna ciqaab yihiin. Wuxuu ku boorriyay Bulshada inay u kacdo sidii looga waanin lahaa Dhallinyarada Burcadnimada iyo Isbaarada oo ah kuwo aan Adduun iyo Aakhiroba lagu liibaanayn.

Intaa kaddib waxaa isna hadlay GuddoomiyahaUururka Dhallinyarada Gobolka Bay, Nuur Shariif oo xusay in Dhallinyadu ay yihiin kuwa meel kasta ay ku haysato dhibaatooyin , loona baahan yahay inay ka waantoobaan howlaha Burcadnimada ah ee ay ku jiraan, wuxuu xusay in Dhallinyaradu ay noqdeen Mashiin lagu adeegto oo loo dirsado meel kasta oo xun, waxaa loo baahan yahay buu yiri in Dhallinyaradu Caqligooda kaashadaan kana baxaan falalka xun-xun sida Burcadnimada iyo Isbaarada.

Malaaq Axmed Xaaji Xasan (Kaskey) oo ku hadlayay magaca Odayaasha Dhaqanka ayaa xusay in Waaliddiinta iyo Waxgaradka looga baahan yahay inay u istaagaan sidii Dhallinyarada ay uga wacyigelin lahaayeen arrimaha Burcad-Badeednimada iyo wixii la Hal maala.

Dhanka kale, Cabdi Cali Macallin oo ka mid ah waxgaradka Magaalada oo halkaa ka hadlay ayaa isna sheegay in Dhallinyada looga baahan yahay inay ka haraan falalka xun-xun oo ay ugu horreyso Isbaarada iyo Burcadnimada.

Sheekh Xasan Cali Hilowle oo ka mid ah Culummada Ahlusunna Wal-jamaaca ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa xusay inay gacan ka gaysanayaan sidii Dhallinyada looga waanin lahaa falalka xun-xun sida Burcad-badeednimada iyo Isbaarada.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadashay, Hodan Maxamed Xasan oo Afka Haweenka ku hadlaysay iyadoo tilmaanatay in waxyeello badan ay Haweenka kasoo gaareen howlaha Burcadnimada, sidaas darteed ay soo dhaweynayaan in la joojiyo Dhallinyaradana laga wacyigeliyo sidii ay isaga dhaafi lahaayeen howlaha Burcadbadeednimada iyo Isbaarada waxaana Kulankaas uu ku soo Gabagaboobey sidii loogu talagaley.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.