Home » Faallo »

WAXTARXUMIDA JAWAARI IYO BAARLAMANKA UU HOGGAAMIYO

Haddi dowladi xumaato mar ama labo waxaa caado u ah baarlamaanka dalku leeyay in ay dib u baaraan waxa dhacay ee dowladdu u xumaatay si aysan mar labaad u dhicin xumaantaasi.

Soomalida muddoyinkaan dambe waxaa soomaray 4 madaxweyne iyo 12 Rasii’sul Wasaare oo maamulka ku heshiinwaayey. Arrintaas waxay ragaadisay howlihii qaranka burburay oo loo baahnaa in dib loo dhiso.

Yaa marka laga sugaayey in ay xal u helaan oo wax cad ka qabtaan madaxweynayaasha iyo R/W-yaasha marwalba dagaalamaya. Madaxweyne Hassan Sheykh iyo R/W Saacid kuwii ka horeeyey waxay ku dhaqmayeen “Charter” lakiina hadda waxaa naloo sameeyey Dastuur uu hoggaminayey dad uu madax u ahaa Maxamed Osman Jawari oo ay ku baxday diyaarintiisa $60.000.000 ($60 millions) 800 oo qof oo shacabka Soomaali degma-walba laga keenay, afhayeenna uu u ahaa Prof. Xussein Warsame ayaa ansaxiyey.

Dastuurkaa waa kii lagu doortay Goddomiyaha barlamanka kaddibna lagu doortay Madaweynha, sal-dhigna u ahaa ictiraafkii beesha caalmku ay aqoonsatay dowladdaa. Maxaa yeelay waxaa loo arkay in madaxda Soomalidu xeer iyo dastuur kala haga qofkasta oo madax ahna qeexaya hawshiisa yeelaty, si aanay u dhicin isqabasho iyo iska horimaad maamulka khuseeya, loona badabaadiyo danta ummad iyo hantida qaranka. Yey ahayd in ay dhowraan “gate keepers” ku dhaqanka dastuurka? Waxay ahay baarlamanka Soomalida in uu xukuumada la xisaabtamo oo kula xisaabtamo wax qabadka iyo fulinta howlaha ummadda. Lakiin nasiibdarro waxaa caddaatay in Madaxweyne Xassan Sheykh uu u yeeriyo tilaabo kasta oo Jawari iyo barlamaakiisu qaadayaan.

Bal u fiirsada R/W hore Saacid markii uu Xassan Sh. xushay wuxuu u keenay Jawaari, koox baarlamanka ka tirsanna wuxuu u sheegay in uu saaxiibkiis uu jecelyahay oo aan dagaal marna dexmaridoonin uu ka xushay murashaxiintii R/Wasaarah. Aan isweydiine ma qaran burburay baa lagu dhisikaraa nin jecleysi mise maamul dowla logu wadikara saxiibtinimo. Jawari iyo baarlamankiisi sacab bay u garaceen sidii cadada u ahayd kuwii ka horreyey. Waxtar, karti iyo in ay hawshaan balaaran ee Soomaali sugeyso ka bixikaaran Saciid iyo wasiirdiisii loo xulay “labo cali ismaweydii” ee sacab baa lootumay.

7 bilood kaadib xubno barlamanka ka tirsan ayaa isku dayey in mooshin ka keenan Saacid iyo dowladiisa in la casilo. Madaxweyne Xassan baa sidii caadadu ahayd u yeeriyey Jawari in uusan aqbalin moshinkaas. Dowr bilood kaddibna Mwayne Xassan wuxuu markale u yeeriyey Afhayenkii barlamanka Jawari in uu aqbalo mooshinka uu xubnaha barlamanka u soo dhibidoono si loo rido Saacid.

Waxaa Saacid lagu soo eedeeye waxtarxumo ayada oo aan halkaas sano oo uu R/W -ahaa maalinna looga yeerin xarunta barlamanka si loola xisaabtamo waxtarxumidiisa, ama waxqabadkiisa, markii uu damcay in uu baarlamanka kala hadlo in aysan xaq ku fadhido eedayntaasi iskana difaaco baarlamaanka hortiisa waa loo diiday maxaa jira Mwayne Xassan baan ogolaan.

Saacid markii la casilaynna, Mwayne Xassan, Cabduweli Sheykh Axmed buu R/W u magacaabay Jawari meeshii uu suaaloo soo hordhigi-lahaa RW cusub ka tirjumaya waxa shacabku gocanayo iyo si ay san mardame u dhicin isqabqasi, sacabkii lagu yaqaaney buu tumay.

Jawari, Maxamed Siyad Barre buu wasiir u ahaan jiray wuxuuna ku soo barbaaray madaxweyne milateri ah oo aan laga dabahadal, marka dhaqankii kacaanka ayu miskaxda ku hayaa bay ilatahay ee in uu madaxwena ka saareeyo isumaba-haysto, kuna diidikaro wixii dastuurka qilaafsan, bil cagsi wixii madaxweyne Xassan uu u yeeriyaba wuu u sacabatumaya.

DARDAARAN KU AADAN SADDEXDA MADAX OO DALKA UGU SARREYA:

Madaxnimada waxaa loo doontaa 4 shay midkood:

1) In aad xukun jeceshaya (power hunger)

2) In aad xoolo jeceshay oo maal aad xaddo ka raadineysid (corruption)

3) In aad xoolo badantahay oo aad xoolahaga ku ilaashaneysid (Wealth protection)

4) Iyo in aad isbadal doontahay oo aad degaankaas dooneysid in wax ka badasho xaladda uu ku suganyahay.

Soomaaliya maantay waxay u baahantahay qof isbadaldoon ah ee haaddeydaan ahayn isbadal doon xaaladda wax ka badala xaaladda soomaalya isagata meesha.

R/barlamaanka Jawari waxaan leeyahay is dabaqabo arrinwanaagsan baad maalindhaweyd ku dhawaaqaday oo aad leedahay dowladda waan la-xisaabtamaynaa hadda kaddib oo waa in ay soo bandhigto waxay qabaneyso, waqtigay qabneyso iyo maalka ku baxaya. Allow run ka dhig. Waxaa laga garandoona ansixinta wasiirada la soo xulidoono: sida in aad waydiisaan kartida iyo aqoonta uu u leeyahay wasaaradda loo magacaabay wasiirwalba ee aan duuduub loo ogolaan wasiirada. Ilaalinta Dastuurkana waa wajibka ugu horreya ee saaran Jawari iyo barlamanka.

Madaweyne Xassan waxaan leeyahy Dastuurka akhri qodobada 90 iyo wixii ka dambeeye ee qeexan howshaada madaweynenimo, kuna dhaqan, oo taariikhna sameyso oo hormuud u noqo ku dhaqanka Dastuurka, boorsadaan kuu xirxiran ee aad casimadaha addunka ku wareygeysidna jooji waa lagaa xiiso dhacay oo airport-dambe loguma soo dhaweyn doone sidaa safarkaagii ugu dambeeyey kuu caddatay. Hadda safar jeceshahay ku wareeg xafadaha iyo degmooying Soomaalida ayagaa kuu bahan, madweynahoodiina tahaye.

R/W Caduweli waxaan leeyahay isbaddal la taabankaro oo cad muuji laga bilaabo Wasiirada aad xulaneysid. Dad aad hubtid kartidooda, aqontooda iyo hufnaantooda magacaw waxaana kuu caddeynkara wasiiradaas kartidooda marka ay midmid u hor-fariistaan baarlamanka oo imtixaan dhab ah laga soo bilaabo tariikhda wasiirwalba leeyahy iyo in uu caddeyo sida uu wax u qabankaro ama ay u qabankarto.

Haddikale adiga ayaa waxtarxumi lagugu soo eedan doonaa marka wasiirku howshisa ka soo bixiwaayo. Ha ogolaan wasiir madaweynuhu kuu soo magacaabo ama Jawari, haddad ogolaatid ku tala gal sidii Saacid in laguu gelidoona oo aysan Golaha wasiirada shirkooda imaandoonin, dabadeedna markaad dhaliishid casilaadaada ay u ololeyndoonan; sidaas darteed marka horaba yey-ku soo gelin, haddad ogollaati Soomaalina waxba uma-qaban doontid magacaaguna siddii Saacid buu ku dhammandoona waxmatare.

Ugudamayntii SOOMAALI IN AAD U HIILISID DASTUURKEEDANA KU DHAQANTID IYO IN AAD MADAXWEYNE XASSAN SHEYKH AAD OGOLAATID YEERISKIISA MID DOORO IYOXADGUDUBKIISA DASUURKA.

 

Cabdulqaadir AAden “Jangeli”

Jangelione@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.