Home » Warar »

Warsaxaafadeed : Ra’iisul Wasaare C.weli Sh. Axmed oo maanta kormeeray Dekedda, iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo, xarigana ka jaray Dugsigii sare ee Macalin Jaamac

Muqdisho, December 28, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeerkiisii ugu horeeyey ku tegay Dekedda Caalamigaah ee magaalada Muqdisho, Xerada Barakacayaasha ee Rajo, waxaana sidoo kale uu xariga ka jaray Dugsigii sare ee Macalin Jaamac oo dib u dhis iyo qalabeyn dawladdu ku sameysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ka qeybgalay munaasabad kooban oo xariga looga jarayay dib u furida Dugsigii sare ee Macalin Jaamac oo ku yaala degmada Xamarweyne, kaasoo burbursanaa muddooyinkii dagaalada, waxaana Dugsigan dayactirtay Wasaaradda Addeega Bulshada. Oo ka duuleysay qorshaheedii aada Dugsiyada oo dib loogu furayay dhamaamba Dugsiyadii waxbarasho ee ku burburay dagaalada, si ay fursad u helaan Hal Milyan oo caruurta Soomaaliyeed.
somali129
Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu xariga ka jaray Dugsigan waxa uu xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay waxbarashada dalka iyo bulshada Soomaaliyeed, isla markaana xukuumadiisu balan qaadeyso horumarinta iyo bobcinta adeegyadii waxbarasho iyo tayeynta macalimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerkiisan sii wata ayaa tegay Dekedda weyn ee Muqdisho, waxaana uu halkaasi kula kulmay maamulka Dekedda iyaga oo warbixin ka siiyay howlaha Dekedda iyo kor u kaca Dakhliga ay sameysay Dekedda sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay dawladda Soomaaliyeed habsami u socodka howlaha Dekedda iyo aruurinta dakhliga, maadama buu yiri ay tahay Isha kaliya ee ugu ballaaran ee ay dakhli gudaha ah ka helaan.

“Xukuumadda aan soo dhisayo waxay dardargelin doontaa kaabayaasha dahqaalaha iyo kobcinta illaha Dakhliga ee dawladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo xusay in si dhow ay ula socon doonaan dhamaan Dekeddaha dalka.

Ra’iisu Wasaaraha ayaa sidoo kale, booqday Xerada barakacayaasha ee Rajo oo ay ku noolyihiin qoysas tiradoodu gaareyso 2,400, waxaana halkaasi uu ugu kuurgalay xaaladda nololeed ee dadkan ku nool xeradan. Iyadoo howlwadeeno u dhashay dalkaTurkiga, gacantana ku haya xeradan ay warbixin ka siiyeen qaabka ay kaalmada ugu fidiyaan barakacayashan.

“Waxaan halkan mahadnaq ballaaran uga jeedinayaa dawladda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo runtii noo muujiyay gargaar iyo garab istaag walaaltinimo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo dhanka kale xusay in dawladda Soomaaliyeed ay xooga saari doono sidii dadkan ay u heli lahaayeen adeegyada aas aasiga u ah nolosha sida waxbarashada, caafimaadka.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli SheekhAxmed Maxamed ayaa gurigiisa ku booqday Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame oo in muddo ah xanuunsanaya. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu aad uga murugooday xaaladda adag ee Cabdi Tahliil, wuxuuna Alle uga baryay Caafimaad deg deg ah. “

“Fankeena Soomaaliya wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay wacyigelinta bulshada, waana laf dhabarka horumarka iyo is dhexgalka bulshada, waxaan halkan ka bogaadinayaa dowrkoodii wanaagsanaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo salaan diiran u diray dhamaamba Fanaaniinta, Abwaanada iyo howlwadeenada fanka.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Press officer, PM office
Mob.+252-61-6263434
Mogadishu, Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo laabtay

Muqdisho, 28 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo ay ka mid aheyd Ra’iisul Wasaare Ku xigeeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa maanta Muqdisho ku soo laabtay ka dib markii ay Nairobi shalay uga qeybgaleen Shir Madaxeedka dalalka IGAD oo looga hadlayey arrimaha dalka South Sudan.

Madaxweynaha ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Fowzia Yusuf Haji Adam oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa ka warbixisay Shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay Nairobi oo ay sheegtay in Madaxda dalalka IGAD ay isku raaceen in si deg-deg ah wax looga qabto collaadaha iyo dagaalada ka jira South Sudan, isla markaana ay IGAD madaxdeedu ku guuleysteen inay la hadlaan Madaxweyn Silva Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenkiisii hore oo ay khilaaf ba’an oo dhiig ku daatay soo kala dhexgalay. Wasiir Fowzia ayaa tiri “Madaxda IGAD waxey soo dhoweeyeen sida ay madaxda South Sudan diyaarka ugu yihiin inay wada hadlaan oo khilaafka lagu dhameeyo si nabad ah. Madaxdu waxey ammaaneen doorka uu Madaxweyne Museveni ka qaatay oo uu ciidan dhigay goobaha muhiimka ah ee dowladda South Sudan oo ka badbaadisay in hay’adahaas ay dhibaato soo gaarto.”

Fowzia ayaa sidoo kale tiri “Madaxweyn Xasan Sheekh Maxamud waxuu shirka ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay waxii khibrad ah iyo waayo aragnimo ah diyaar la tahay, isla markaana ka codsaday madaxda IGAD in xaalka si deg-deg ah wax looga qabto oo laga hortago inay collaadahu sii fogaadaan. Madaxweynahu waxuu sheegay inay muhiim tahay in Madaxweyne Salva Kiir iyo dowladdiisa sharciga ah ay hormuud ka noqdaan dadaalada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta oo la xoojiyo dowladnimada sharciga ah ee ka jirta South Sudan. Firka Madaxweynaha aad baa loo soo dhoweeyey laguna ammaanay.”

Shirkan madaxda IGAD ayaa waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemarian Deselegn, waxaana marti geliyey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jibuuti Ismail Omar Gelle, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee Sudan, Wasiirka Arrimaha dibedda ee South Sudan, Madaxa Xogheynta IGAD Eng. Mahboub, iyo madax ka socotay Midowga Afrika, waxaana goobjoogayaal ka ahaa diblomaasiyiin ay ka mid ahaayeen ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alex Rondos.
– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.