Home » Warar »

Daladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan Dood Wadaag ah ku saabsan Dib u Habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka.

Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtey Dood ku saabsan dib u habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka waxaa dooddii maanta ka qayb galey GudoomiyAha Maxakamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuure iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Garsoorka waxayna Bulshada Rayidka ay weydiiyeen Su/aalo ku saabsan Xadgudubyada Kufsiga ,is qabsiga Dhulalka, Dilalka iyo Xadgudubyo kale waxayan Masuuliyiintaas ay uu Su’aalahaas u uga jawaabey sidoo loogu talagaely sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey waxa ka qabsoomey Qodobadii ka soo baxay shirkii dib u habaynta Nidaamka Garsoorka dalka ee Dhacay Bishii Abriil ee Sannadkaan .

Shirkaan oo uu qaban qaabadiisa ay lahaayeen Kooxda Dib u Dhiska Nabadgelyada iyo Dowlad Wanaaga ee Dallada SOSCENSA oo uu Gudoomiye u yahay Csimaan Muxyadiin Shaatax ayaa ka qayb galayaasha waxay sid aad ah uga Doodeen qaabka ugu haboon ee loo heli karo Garsoor Cadaalad ku dhisan waxaana ka qayb galayaasha loo qaybiyey Dhowr Kooxood si ay u so saaraan Baaq ku Aadan dib u habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka

somali130
Sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Dallada SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo sheegey in Sababaha ay u qabanayaan Doodaha Noocaan oo kale ay tahay sidoo loo heli lahaa Garsoor cadaalad ku dhisan iyadoo uu sheegey in ay taasi ku imaan karo iyadoo laga Tala geliyo Bulshada Rayidka waxaana Gabagabdii Dooddaas dib u habaynta Nidaamka Garsoorka dalka laga soo saarey Qodobada Hoos ku Qoran

War-saxaafadeed:
28 December, 2013
Ujeedada Shirka Dib u Habaynta Garsoorka Dalka.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 28 December,2013 waxay Daladda SOSCENSA ku qabatay Hotelka Jazeera Palace ee Magaalada Muqdisho kulan dood Wadaag ah oo ku saabsan dib u habaynta Nidaamka Garsoorka dalka. Kulaankaas oo ay ka soo qayb galeen qaybaha Bulshada ay ka kooban tahay sida: Hay’adaha Cadaaladda Dowladda, Ururada Bulshada Rayidka, Dhalinyaro, Haweenka, Culumaa’udiinka iyo Aqoonyahanka.
Doodaan ayaa waxaa lagu lafa guray caqabadaha xaga Garsoorka ah ee jira iyo waxyaabaha Dowladdu ka qabatay talooyinkii ka soo baxay shirwaynihii Qaran ee dib-u-habaynta Garsoorka ee Bishii Aapril lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Dood dheer iyo falanqeyn ka dib, waxaa kulanka laga soo saaray baaq ka kooban Saddex Qodob.

1. In Dowladu Faderaalku soo bandhigto rabitaan Siyaasadeed oo ku aadan fulinta talooyinkii shirwaynihii Qaran ee dib-u-Habeynta Garsoorka dalka.

2. In Bulshada rayidka kula xisaabtanto Dowladda fulinta balan qaadkeedii ahaa Bayaankii ka soo baxay Shirwaynihii Qaran ee April 2013 ee dib u habeynta Garsoorka dalka.

3. In Dowladdu la timaado rabitaan siyaasadeed oo ku aadan tayeynta Hay’adaha Garsoorka dalka Maxkamadaha iyo Booliiska si sare loogu qaado amaanka iyo Nabadgelyada Shacabka.

4. In Bulshada rayidka qayb ka qaadato tayeyda hay’adda garsoorka iyo sare u qaadida kalsoonida shacabka iyo garsoorka.

5. Ugu danbeyntii ka qaybgalayaashu waxay u mahadceliyeen Daladda SOSCENSA oo markasta ku howlan fududeynta wada hadalada qaybaha muhiimka u ah bulshada.

Wabilaahi Towfiiq

W/D Amiin Yuuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.