Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Madaxweyne Xasan “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.”

Nairobi, 27 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka IGAD loogana hadlayey xaaladda dalka South Sudan ayaa yiri “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.”

Shirka madaxda IGAD oo lagu soo gabogabeeyey xarunta madaxtooyada ee Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omer Gelle, Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailamarian Deselegn, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Sudan Bakri Xasan Saleh iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee South Sudan.

somali128

Kulankan ayaa warbixin looga dhageystey booqashadii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD ay ku tageen magaalada Jubba, South Sudan 19kii ilaa 21kii December 2013. Dr Tedros oo ku hadlayey magaca wasiiradda IGAD ayaa sheegay in Dowladda South Sudan iyo kooxaha ka soo horjeeda ay oggolaadeen dhexdhexaadin iyo xabad joojin si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay muhiim tahay in IGAD ay si wadajir ah oo deg-deg ah ugu tafaxeytaan sidii xal deg-deg ah looga dhalin lahaa collaadaha ka jira South Sudan. Madaxweynaha ayaa yiri ” Waa inaan muujinaa dadaal kasta oo aan u joojineyno dhiiga daadanaya isla markaana aan u dhexdhexaadin laheyn kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo dowladda si nabad iyo amni looga dhaliyo South Sudan. Soomaaliya 22sano oo collaado iyo rabshado ah baan soo aragnay, sidaas daraadeed, waxaan ka digeynaa in collaadaha ka bilowday South Sudan ay sii dabo dheeraadaan, waana in Dowladda lagu taageeraa qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay hormuud ka noqotaa bacdamaa ay heysato sharciyadii dalka. Soomaaliyana diyaar bey u tahay inay waayo aragnimadeeda uga faa’iideyso South Sudan.
– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
+254786326587

Warsaxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka IGAD ee looga hadlayo South Sudan

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada DFS ayaa u qornaa sidan:

Muqdisho, 26 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa galabta u ambabaxay Nairobi si uu uga qeybgalo Shirka aaan caadiga aheyn ee Madaxweynayaasha dalalka IGAD oo looga hadlayo arrimaha South Sudan.

Jimcaha 27ka December 2013 ayaa madaxweynayaasha IGAD ay ku shirayaan Nairobi oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka South Sudan oo dagaallo ay ka socdaan. Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dowladaha IGAD oo dhowaan gaaray magaalada Jubba ee caasimada South Sudan ayaa u soo kuurgalay xaalada dalka isla markaana soo dhex dhigay heshiis iyo xabad joojin kooxaha isku heysta siyaasadda dalka.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ayaa kulan ay la soo qaateen Madaxweynaha South Afrika Silva Kiir ayaa waxuu u caddeeyey inuu diyaar u yahay inay heshiis aan shuruud laheyn la galo kooxaha ka soo horjeeda isla markaana dib u heshiisiin ay ka dhacda dalka South Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxweynayaasha dalalka IGAD isla markaana khudbad ka jeedin doono shirka ayaa diirada saari doono sida ay lagama maarmaanka u tahay in IGAD ay door hoggaamineed ka qaadato xaaladda South Sudan oo laga hortago inay collaadaha sii socdaan oo ay dalka South Sudan geliyaan dagaallo sokeeyo. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ugu baaqo madaxda IGAD in dowladda South Sudan lagala shaqeeyo sidii ay dib u heshiisiin ugu xallin laheyd arrimaha ka jira dalka South Sudan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamada uu la yeelanayo madaxda IGAD kala hadli doono xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya isla markaana xoojin doono sida loogu baahanyahay in IGAD ay xoogga saarto in dalka South Sudan uu noqdo dal xasilan oo nabad ah.
– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so ama engabdirahman@gmail.com
+252615479911

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.