Home » Faallo »

DIFAACA SHEIKH MOHAMED IDRIIS WAA WAAJIB

Video: Culimo badan oo ka hadlay difaaca Sheikh Maxamed Idris.

Video: Imaam Sheikh Axmed Nuur oo ka hadlay difaaca Sheikh Maxamed Idris – SOMTV-SEATTLE

Daawo Video-ga:

BAAQ KU SOCDA DHAMAAN BULSHADA SOOMAALIYEED

MAXKAMADDA MARAYKANKA KAGA FURAN SH. MAXAMED IDRIS AXMED

Mahad oo Dhan Allaah Ayey u Sugnaatay Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa

ha ahaato..Intaa ka dib:

Walaalayaal,

Meel Kastoo aad Joogtaan Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America, Saldhigiisuna yahay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnessota, wuxuu idinku war gelinayaa in mudda ahba iney socotey dacwad Dawladda Maraykanku ku soo oogtey Daacigeenna Macruufka ah ee bulshada Soomaaliyeed wada taqaan, Sh. Maxamed Idris Axmed, Taasoo Nuxurkeedu yahay : (In Maxkamaddu Dawladda u ogolaato iney kala noqoto Sheekha waraaqaha aqoonsiga Maraykanka (Citizenship), una ogolaato wixii kaloo talaaba ah iney ka qaaddo).

idris107

Dacwaddu wexey bilaabatay Oct 2012, wexeyna hadda maraysaa heerarkeedi ugu cuslaa.

Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America, oo Sheekhu raggii asaasay ka mid yahay, wuxuu Sheekha u Qabtay 2 Qareen oo Dacwadda Difaaca, ilaa haddana dacwadda waxaa ku baxday lacag gaareysa $ 50,000.. waxaana la odorosayaa dacwaddu iney dheeraato, kharashka ku baxayana lagu qiyaasay $ 250,000..

Hadaba Maadaama kharashku badan yahay, dadka Sheekha Jecelna adduunka ku baahsan yihiin, wuxuu Goluhu furay Sanduuq la yiraahdo: ( Sanduuqa Difaaca Sh. Maxamed Idris Axmed) wuxuuna u xilsaaray maamulka iyo ururinta xamladda guddi imaamya ah oo kala ah:

1) Sh. Axmed Nur! ! Gudd. ku xig. Golaha Shurada/Imamka Masjid Abubakr,S
2) Sh. Abdullahi Abulfadli Gudd. Golaha Fulinta Majliska
3) Sh. Cabdirisaq Xashi Imaamka Masjid Abubakar, Minneopolis
4) Sh. Adam Sh. Cabdille Imaamka Masjid Ibnu Taymiyah, Columbus, OH
5) Sh. Xuseen Guuleed Imaamka Masjid Taqwa, Columbus, OH

Waxaa Goluhu ugu baaqayaha Dhammaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee Jecel Sheekha iyo Dacwada Islaamka uu u adeego, Dhamaan Masaajidda Soomaalidu u quntay adduunka ee Sheekhu Qayb weyn ka qaatay, iney ka qayb qaataan Sanduuqa

Difaaca Sh. Maxamed Idiris, wexeyna kusoo Xawili Karaan:

Dhammaan Xawaaladaha Soomaaliyeed, ee Minneapolis ayadoo lagu soo qorayo:

1) Golaha Imaamyada Soomaaliyeed Waqooyiga America Tel, Xaf: 612-874-0665

2) Sh. Abdirahman Sh. Cumar Gudd Shuurada Golaha

3) Sh. Cabdullaahi Abulfadli Gudd Fulinta Golaha Dhammaan Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Minneapolis, Minnessota.

4) Bangiyada oo Toos loogu soo shubi Karo, Sanduuqa Difaaca Sheekha
North American Council of Somali Imams
Legal Fund
Wells Fargo Bank, Minneapolis
A/C. No. 9348152092
swift Code: WFBIUS6S

5) ONLINE qofkii usoo Tabarucaya Shakhsi ama Masjid, Credit & Debit CardsWuxuu booqanaya Bogga Difaaca Sh. Idris: shidrislf.com (http://shidrislf.com).wuxuu tegayaa meesha ay ku qorantahay: Donate, kadib, lacagta ayuu ku qorayaa, kadibna kaarka.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Sheekha Cimrigiisa Barakeeyo, Dacwadiisa iyo Camalkiisana Mubaarak ka dhigo meel kastoo uu joogo, isaga iyo dhamaan Culimadeenna Soomaaliyeed, Wixii shar la doonana Shartooda ku celiyo, Ducada oo ah Hubkeenna ugu weynna yaan laga daalin..

Wassalamu Calaykum Wr Wb,

Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America
Cabdullaahi Abdulfadli
Guddoomiyaha Fulinta
kulmiye99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " DIFAACA SHEIKH MOHAMED IDRIIS WAA WAAJIB "

  1. abdikarim says:

    waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu sheekh ka dhigo midaan dambi lahsyn

  2. Hassan says:

    Ihwaani waxaan idin xasuuninayaa xadiisa suubanah ahaa nina u feyda walaaliisa kurbo adduunyo Ilaahay waxuu kurbada akhero, sidaa adarteed u garab ustaaga walaaliinka islamarka ah sheekhi shacaba soomaaliyeed uu gacan cadow islaam uu ku jiro, sidoo kale ogaada gaal uma soocno suufi, xagjir,salafi iwm waa uu mid , laaiin xeeladdaddisa ah in uu idinku sifeeyo gacan , gacan bidix iyo qunyar , hal iimaan yeesha in gaal uu ruux muslim sheeganayaa u qalbi furneen