Home » News »

QORAAL KU SOCDA GUDDIGA DHAQAALAHA GANACSIGA IYO WARSHADAHA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

WARSAXAAFADEED  

28/12/2013

                        Annagoo ah Milkiilayaasha Warshadda RAJO CONSTRUCTION AND TRANSPORTATION CO.LTD, waxaan cabasho ku aaddan in la buburiyay dhamman Warshaddii iyo qalabkii kale ee dhismaha ee Rajo Construction lahayd, taariikhdu markay ahayd 22/12/2013 ay ciidamo ka socda Booliska Soomaaliyeed oo watay wiishash ay si aan munaasib ahayn u rareen warshaddii taasoo keentay inay dhibaatoyin burbur oo baaxad leh ay gaarto Warshadda,  annagoo diyaar u ahayn inaan u hoggaansano sharciga iyo go’aanka Maxkamadda. Go’aanka maxkamadda oo uu ku socday shaqsigii horay dhulka Warshada nooga kireeyay, go’aankaas oo ahaa inuu shaqsigaas baneeyo uuna ku wareejiyo cidda maxkamadda u soo xukuntay.  INtaasi kaddib waxaan wada xaajood la galnay cidda la soo xukumay annagoo u soo jeedinay inay heshiis cusub nala galaan oo ay naga kireeyaan, markii ay naga diideen waxaan ka codsanay maadaama ay warshaddu tahay warshad weyn loona baahan yahay in la keeno engineeradii horay u rakibay sidoo kalena dhulka kale oo ay warshaddu u guurtana aysan diyaarsanayn inay na siiyaan muddo nagu filan oo aan ku guuri karno iyadana way naga diideen. Intaas  kaddib waxaa dhacday in aan Maxkamadda aan ka codsanay annagoo ah kireystayaal in Maxkamaddu na siiso waqti ku filan si aan uga guurno, nasiibdarro waxaa dhacday inay maxkamaddu diiday ayna amartay inay fulinta sii socoto, annagoo ka qaadanay go’aankaas racfaan qabsanayna qareen racfaankii oo socdana,   laba maalmood kaddibna waxaa si ula kac loo burburiyay warshada qaybaheedii kala duwanaa iyadoo wixii ka soo haray warshadana loo qaaday Saldhigga booliska ee Deg. Xamar Jabab iyadoo Dhismaha Warshaduna ay ku tiilay Degmada Waaberi.

Warshadda oo ah warshad baaxadeedu weyn tahay ayna ka shaqaynayay ilaa 25 shaqaale, iyadoo warshaddu ay ku timid xilli adag baaqii madaxda dowladda ee uu ugu horreyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in ganacsatada qurbo-joogta ah ay maalgashi ku sameeyaan dalkooda, annagoo noqonay ganacsatadii ugu horreysay ee ka jawaabta baaqa Madaxweynaha, waxaan filaynay in dowladda dhankeeda aan ka helno dhiirigelin iyo taageero dhan walba ah balse  nasiibdarro waxaa dhacday in si sharidarro ah loo burburiyay Warshadii iyo dhammaan qalabkii kale ee ay Shirkaddu lahayd.

Go’aanka lagu burburiyay Warshada wuxuu ka yimid Maxkamada Gobolka Banaadir, sidaas darteed go’aankaas ay maxkamaddu gaartay waxaan guddiga Dhaqaalaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka oo u xilsaaran u kuurgalka shuruucda ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee ganacsiga  si naxariis leh uga codsanaynaa annagoo ah dhibanayaal inay baaritaan ku sameeyaan sabibihii keenay in Warshada la burburiyo.

Baaritaanka kaddib waxaan diyaar u nahay haddii aanu nahay Milkiilayaasha Warshada inaan u hoggaansano natiijada ka soo baxda baaritaankaas.

Waxaan Guddiga Dhaqaalaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka ka rajaynaynaa in ay tixgelin doonaan codsigeena.

somali124

Guddoomiyaha Rajo Construction

Abdiaziz Mohamed Hassan

 

Maamulaha

Abdikarim Mohamud Ibrahim

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.