Home » Maqaallo »

Wasarada Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya waxay u baahan tahay Miisaaniyad wanaagsan

Dowladdi dhexee ee Soomaaliya intii aysan bur burin 1991, Dalka Soomaaliya waxay laheyd 39 Safaaradood waa inta aan hubo waxayna kala yihiin:
daahir
USA, United Nations, Canada, Italy , Japan, India, Germany, China, UK , France ,United Arab Emirates, Saudi Arabia, Kuwait, Iraq, Iran, Qatar, Belgium , Sweden, Romania , Russia , Switzerland , Yugoslavia , Turkiya, Syria, Pakistan, Yemen, Oman , Libiya, Tunisia, Algeria , Kenya, Uganda , Masar, , Zambia , Senegal , Nigeria , Sudan, Djibouti, Ethiopia.

Dhammaan Safaaradaha aan soo sheegay waxay hoos tagan Wasarada Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya waana wasaradda ugu shaqadda badan marka loo fiiriyo Wasaradaha Dalka Soomaaliya ay leedahay hase yeeshe hadda oo ay Soomaaliya yeeleatey Dowlad rasmi waxa loo baahan yahay in ay wax laga qabto dhaqaalo xumida heysato Wasaradda arrimaha Dibadda.

Safaaradaha Soomaaliya ee hadda shaqeeyo waxa heysta daruuf adag maxa yeeley ma heystan Miisaaniyad ku filan oo ay howlaha ay u baahan yihii ay ku fuliyaan tan kale Safaaradaha Soomaaliya waxay u baahan yihiin Qalabeyn xagga Guryaha ay deggen yihiin , Qalabeynta Xafiisyada sida Computerada wanaagsan in la siyo, Misaska iyo Kuraas wanaagsan, in Safaarad walba ay hesho website u gooni ah Safaarada oo la booqan karo iyo in la siyo Isgaarsiin wanaagsan oo xagga telefoonada iyo emailo laga heli karo ama Post Address.

Sidoo kale wasiirka , wasiir ku xigeenka , Safiiradda, Xoghayaha Joogtada , Agaasimaha Guud ee waxyaha iyo dhammaan shaqalaha waxay u baahan yihiin mishaar iyo guno ki filan in ay helaan maxaa yeeley Wasaaradda Arrimaha Dibadda waa Muraayadda Dalka Soomaaliya uu leeyhaay.

Dhammaan Shaqalaha ka shaqeeyo Wasaaradda arrinmaha dibadda iyo Diplomasiyiinta ka shaqeeyo Safaaradaha waa in kor lo Qaado Aqoontooda Diplomasi si ay u noqdaan dad karti iyo hufnaan leh shaqada ay qabanayaaan.

Mida kale ee waxa loo baaahan yahay in saafaradaha la geeyo shaqaale ku filan waa haddi dhaqaalo loo heli karo:

Diplomatic Rank

1- Ambassador
2- Counselor
3- First Secretary ( Hal ama laba ruux )
4- Second Secretary (laba ruux haddi loo bahdo)
5- Third Secretary ( laba ruux haddii lo baahan yahay)
6- immigration Officer,
7- Attache
8- assistant attache

Dowladda Soomaaliya waa in ay mar walba la socota xaladda ay ku sugan tahay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradaha Somaaliya ee Dibadda ay ku leedahay.

Fadlan iga raali noqda haddii aad Qoraal keyga ku aragtaan wax Qalad ah maxa yeeley waan Qaldami Kara.

Mahad Sanadiin,

Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Email; mr.dahir@msn.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.