Home » Faallo »

DOOWLADAANEEY MA WAXA AAN KU MOODNEY, MISE WAXA AAD INAGU NOQOTEY!

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, akhristaha sharafta badanoow, aan ku bilaabo’e, waxaan in badan oo ummada Soomaaliyeed ka mid ah aan kala simanaa xaga niyad wanaaga, rajo ku qabida, iyo ku faraxsanaanta dowlada maanta jirta iyo madaxda xilka qabatey, oo igala duwanaa kuwii aan kasoo daalney.Waxaan ka mid ahaa Soomaali badan oo aad u taageertey dowladan Madaxweynaha uu ka yahay mudane Xassan Sh. Maxamuud, sababo badan oo jira darteed. Waa mide dareenkaa waxaa in badan igaliyey xaalada dalkeena iyo dadkeenaba eey ku jiraan. Waan ka wada dharagsannahay in aan nahay ummad bislaatey, qax iyo dagaallo sokeeye oo dabadheeraadey ku baaba’day, dhagahoodana waxkasta oo liita ee xumaanba ah eey usoo yeereen, oo eey ka dhargeen, kadibmarkii aan noqonney, waa sida Soomaalidu tiraahdo’e, “Wixii xunba xaawaa leh!”.

Madaxda caalamka midkastoo raba in uu Ummadiisa u digo, waan u noqonney halqabsi, “Hadii sidaa iyo sidaa aadan yeelin, waxaad noqoneeysaan Soomaaliya oo kale, ama Soomaalida oo kale IWM”.Waxaan caan ku noqonney ka ummad ahaan iyo ka dal ahaanba, ereyada niyadu dhibsatey,ee warbaahinta caalamka inala baratey ee ah:Somaali oo ah Dowlada aduunka ugu guuldarada badan, “World’s Most failed State!”, illaa Passport-geenii caalamka waxbayahay uu ka noqdey, kadib markii midkastoo Daroogo iyo waxkastoo sharcidarro caalamka ka ahba, ka ganacsigood loogu isticmaaley.Waxaa xumaan ka sheeg iyo sumcad ka dilid si caalami ah inoola dabakacey Hollywood-ka, kadib markii la inaga sameeyey filimo Hollywood-ka caan ka noqdey sida: Black Howkdown, iyadoo xooga la saarayo Askartii Mareeykanka aheyd ee dagaalkaa wax ku noqotey, balse cidi aaney ka hadleyn boqolaalka kun ee Koonfurta Soomaaliya eey ku xasuuqeen, gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho. Waxaa intaa inoo sii dheer in la inagu shaabadeeyey Burcad-Badeednimo filimaan bahdilaad ah oo Burcad-Badeednimada kusaabsanna la inagu sii sumcad diley sida:Midkii Captain Philips la magacbaxay, iyadoo cidina aaney ka hadleyn, Film kasameeyn iska daaye Sunta Nuclear-ka ee Xeebaheena qashin-qubka looga dhigey, ee ummadeenu eey ugu dhamaanayaan cudurada dilaaga ah ee uu ugu horeeyo Kansarka (Cancer), iyo kuwa aan laba garaneyn, ee marba iska dilaacaya.Badaheenii kheyraadkii ku jirey oo lakala boobayo, iyadoo loo isticmaalayo Shabaagyada Mallaayga/kallunka yaryar iska daaye Ugxanta qaada ee caalamka ka mamnuuca ah lagu xaalufinayo, iyadoo Maraakiib dagaal oo tiro dhaafey oo waxbaan ilaalineeynaa dhahayana Badeena buuxdhaafiyeen. Waxaan sidaa si la mid ah caan ku noqonney waxa Reer Galbeedku ugu yeeraan “Argagixisonimada”.Cuqaashii, Aqoonyahankii, Culimadii,marrastii iyo Birimageeydadii, iyo dhamaan indheergaradkii ummadeenu laheydna maalinkasta dilal qorsheeysan, qaraxyo, isqarxin, duqeeymo iyo waliba dagaallo isdabajoog ah eey ku wada maranayaan, ku darso inta qiimaha leh ee sirdoonada caalamka, shirkadaha calooshood-u-shaqeeystayaasha iyoSirdoonka wadamada darisku ugaarsiga eey ku khaarijinayaan, iyadoo waxkasta si fudud la isaga saarinayo Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale la inagu shaabadeeyey in aan aduunkoo idilba Musuqmaasuq koobka u qaadney, oo aduunka kuwa ugu liita in aan nahay xaga Musuqmaasuqa la inagu sheegay.
somali126
Sanadkasta warbixita hey’ada Transparancy International ayaa kaalinta 1-aad Musuqmaasuqa inaga galisa.Waxaa sidoo kaletiiraanyo, murug, ciil iyo caloolyoow inagu wada dileyin qarnigan la joogo ee Aduunku horumarka baaxada weeyni uu ku tillaabsadey, eeymudo markii la joogaba,dadkeenu macluul iyo gaajo iyagoo u dhimanaya, oo hooyadu ilmaheeda iyagoo nool wadada uga tageeyso TV-yada caalamka lagasoo siideeynayo taasoo xaruun iyo tiiraanyo, ceeb, caay iyo bahdilaadba ugu filan qofkastoo Soomaali ah aduunka meeshuurababa haka joogee, horumarkuu rabana ha gaaree. Waxaa iyana jirta in dhalinteenii oo aheyd mustaqbalkii dalkeenana eey Badaha iyo Saxaraha rafaad iyo darxumo, gaajo, Oon iyo silicba si joogto ah ugu baaba’ayaan, iyagoo xabasiyada aduunkana ka wada buuxa oo cidina aaney u maqneyn.

Iyadoo intaa oo dhib ah ee aan tixidooda ku dheeraadey jiraan, ayaa hadana dowladihii xilligii burburka inoo dhismayey mas’uuliyiintoodii ugu sareeysey ee dalka samatabixin laheyd, gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’isulwazaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaankaba waxeey ka dhamaan waayeen iskhilaaf siyaasadeed, isku dhac, iyo is eryasho. Intaa iyadoo eey jiraan ayaa ugu dambeyn,waxaa la inagu rajo galiyey in aan dowlad ku meelgaar ah, oo aan heshiisyo caalami ah galikarin ugu yaraan “Magac ahaan”laga baxay.Meeshaa waxaa inbadan uga soo muuqatey rajo wanaagsan oo silicaa xanuunka badan, ee aan kor kusoo tixney looga bixikarayo. Waxaana sidoo kale ummad badani dowladanku taageerrtey in Madaxweyne uu u noqdey ruux  aqoon yahan ah, bulshada rayidka ahna ka tirsan,  ee waliba kaalin ku leh badbaadinta tacliinta dalka iyo da’yartaba ee xilligan burburka, dalkaiyo dadkana aan dhiig ka galin. Iyadoo intaasi jirto, ayuu in badan ku qudbeeyey Madaxweynaha, kuna celceliyey in Liiskaa xanuunka badan ee aan kor kusoo xusney in uu yahay wax aan inoo qalmin, aanna inoo cuntamin ka ummad ahaan iyo ka dal ahaan intaba.Alleylahe aad baa loogu riyaaqey ereyadii boogihii ina xanuunayey taabanayey. Madaxweynaha wuxuu ballan qaadey in is khilaafka Madaxda qaranka uu dhamaadey, oo uu soo doortey Raisulwazaare eey wada shaqeynkaraan waqtigii  RW Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid”.Wuxuu ballanqaadey in uu Musuqmuusuqa la inagu shaabadeeyey ee ummadeena aan u cuntamin uu la dagaallami doono, si kaalintaa 1-aad ee aan musuqmaasuqa caalamka ka galney aan isaga tirno.Wuxuu inoo sheegey in sharciga iyo kala dambeeynta uu ilaalindoono, oo dhaqamadii hore ee foosha xumaa laga gudbey. Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, bal maxaa is badaley?

HAL XAARAAN AH, NIRIG XALAAL AH MA DHASHO!

Soomaalida ayaaa tiraahda, “Hal xaaraan ah, nirig xalaal ah ma dhasho”, Madaxweynihii Musuqmaasuq baan la dagaalayaa, oo ceebtaa aduunka iyo hey’adaa Transparemcy International eey inagu sheegeen baan inaga dhaqayaa taagnaa, waxaa UN-ku ku sheegeen in uu isaguba musuqmaasuq iyo laaluush bixin Madaxweyne ku noqdey!Oo $5Million (Shan Milyan oo Doolar), oo eey bixiyeen Carabta, gaar ahaan dowlada Qatar uu codadka Xubnaha Baarlamaanka “Xil-Dhaamayaasha” uga gatey.Ogoow Iyana waa kuwii la amaanayey oo la lahaa kuwii hore wey dhaamaan.Waxaan maqli jirey, “Jugjuge meeshaada joog!”

Waxaa inoogu xigtey in  Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Marwo: Yusur Abraar ee uu u dhiibey xilka Gudoomiyaha Bankiga dhexemudo aad u gaaban eey warqadeedii iscasilaada u gudbisey madaxweyna, kuna eedeeysey in eey taageero ka weysey kadib markii “kooxdiisa” eey cabur badan saareen, iyagoo waliba nafteedaba handadey, kadib markii eey ka diidey musuqmaasuqeeynta lacagtii eey ka tagtey dowladii hore ee Madaxweyne Maaxamed Siyaad Barre.

Waxaa inoogu xigey hal sano iyo wax yar kabacdi, in isagii lahaa khilaaf waa laga gudbey iyo Ra’isulwazaarihii uu ku xushey in eey wada shaqeeynkaraan, eey isku dhacaan, kaba siidarane waliba eey isugu dhacaan arin dastuur ahaan uu kunjeer madaxweynuhu ku khaldanyahay, ogoow hade waa ninkii lahaa sharciga iyo kala dambeeynta baan ilaalinayaa. Waxaan ka qorey qormo dheer oo ciwaankeedu ahaa “SIRTA KA DAMBEEYSA IS KHILAAFKA “MADAXDA QARAN” – “KOOXDA” XASAN SH.”Taasoo aan si faahfaahsan ugu falanqeeyey sirta arinta sharcidarada iyo nidaamdarada madaxweynaha iyo kooxdiisaba eey ku heeysteen Ra’isulwazaarihii horeMudane; Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid”. Waxeey ugu darneyd markii baarlamaanku si sharcidarro ah ugu diidey Ra’isulwazaaraha in loo ogolaado difaaca xukuumadiisa. Waxaa codsiga RW Saacid kasoo horjeestay 141 Xildhibaan, halka 8-Xildhibaan ay ogolaadeen inuu yimaado Golaha shacabka, 75-Xildhibaana aysanba codeyn. bal kawaran eedeeysane Maxkamadu aaneey u ogoleyn in uu horyimaado oo isdifaaco,rabtana in eey xukunto oo kaliya iyada oo aan waxfursad ahba la siin eedeeysanahaa!  Waxeey daliil cad u aheyd nidaam darrada gaamurtey, ee ay isku baheeysteen Gudoonka Baarlanka iyo “Kooxda Madaxweynaha”.Hadafku ma aheyn xukuumada guud ahaan, shaqsi baa loo socdey, muhiimaduna waxeey aheyd in laga taqaluso, waxa kale micno weyn uma sameyneyn inta howsha isla wadatey.

Waxeeyse arintu xargaha goosatey, kadib markii la ogaadey dhaqaalihii lagu bixiyey ridista Ra’isulwazaarihii hore Mudane; Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid”., iyo ansixinta midka lasoo magacaabey Cabdiweli Sh. Axmed Sh. Maxamed.Waxaaillaa 184 Xildhibaan midkastoo ka mid ah gacanta loo galiyay Labaatan Kun oo Dollarka Mareykanka ah ($20,000/=),iyadoo halka 10 Kun isla markiiba la siiyay, 10-ka kalena loo balanqaaday in la siinayo kadib marka eey u codeeyaan/ansixiyaanRaisulwasaaraha cusubMudane:Cabdiweli Sh. Axmed Sh. Maxamed.Aqristoow bal adigaba isku dhufso (184×20,000=3680,000).Waxaa intaa dheer in xildhibaannada qaarkood laga balanqaaday in Jagooyin dowladda laga siin doono, waloow marhadii dantii la lahaa laga gaarey, laga daneeysankarayo.Waxaa kaloo intaas dheer 26-dii maalmood ee uu buuqan socday, qarashyadda ku baxay hoteellada kala ah Palast Hotel iyo Jaziirra ayaa markii lagu darro lacagta la siiyay Xildhibaanadda,waxeeygaareyesaa kow iyo toban Milyan oo Dollarka Mareykanka ah ($11000000/=).Ugudambeyna  maalin Isniin ah taariikhduna ku beegneyd 2-da December 2013 ayaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonidii kala noqday Ra’iisalwasaare Saacid iyo golihiisa Xukuumadda. 249 xildhibaan ayaa codeyneysay, waxaana diiday 65 Xildhibaan, 184 ayaa ogolaatay Mooshinka. Mooshinkiina sidaa ayuu ku gudbay. Ogoownawaxeey lamid tahay miisaaniyadda Sanadkii lasoo dhaafay ay kusoo wada shaqeeyeen xukuumadii la ridey iyo madaxda kalee sare ee dowlada’e.

Waxaan isweydiiyaa, tollow lacagtaasi soow ma aha tii ummadan tabaaleeysani laheyd?Ma kuwan danahooda gaarka ah laaluushka ugu bixinayabaa si gaar ah u leh, oo usoo shaqeeystey, una soodhididey? Dhaqaalahaasse hadii ummadeena diifta lihi,ee magacooda lagu soo qaadayo wax loogu qabto sow waxbadan uma tarteen? Musuqmaasuqii uu madaxweynaha la dagaalamayey, ee uu kaalinta 1-aad inooga saarayeyse halkee warkiisa ku dambeeyey, hadii sidan eey isaga iyo kooxdiisa u dhaqmayaan? Warbixinta soo socota ee kooxta UN Monitoring group-kasemaxeey noqondoontaa? Iyo tan musuaqmaasuqa ee Transparency International-ka? Ugu dambeeynse, mudo intee la eg ayeyse “Madaxweynaha, kooxdiisa” iyo Ra’isulwazaaraha cusubi wada shaqeeyndoonaan, afka waxkasta oo eey qudbooyinkooda inoogu sheegaanba?

AFEEF

Horta waxaan ka afeefanayaa in aanan ku jirin kuwa Dowlada maanta jirta ku mucaarada, ku neceb, dacaayadahana uga fidiya qabyaalad darteed sida:“Kooxda S-A-H-A-L”, iyagoo dowlada ummada Soomaaliyeed, ee Soomaali oo dhami kuwada jirto, ku tilmaama erey qabyaaladeedka,eey u xushaan ee  ah “Doowlada Xamar ama Doowlada Muqdisho”, taasoo hadafku yahay in waxmagaradka loogu shaabadeeyo in dowladuba tahay mid hal Reer oo xamar dagaleeyihiin.Waaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo jecel in sharaf dhaca, sumcad xumida iyo bahdilna caalamka inoo yaalla in mar uun ummadeeydu ka baxdo, si shaqsi-shaqsi ah, ama reero-reero ahna inaga saarimeeyso, sidaa daraadeedna waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo jecel, aadna u taageera dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeeynta ku dhisan “Danta guud ee inaga wada dhaxeeysa”, iyo “Cadaalad dhab ah oo madaxda dalka eey hormuud ka yimiin”.

Writing only for SOOMAALINIMO

Wabillaahi Toowfiiq

 

W/D:C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor

Maamule ku xigeen ahna Bare/Macallin Jaamacadeed (Deputy Dean & Fulltime Lecturer) Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com. Sawirrada: Google images search

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.