Home » Faallo »

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo Bosaso ku soo Bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed

Xaflad Lagu Soo dhaweenayay Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo u sharaxan Doorashada Madaxtinimadda Puntland ayaa shalay lagu qabtay Hoteelka Juba ee Magaaladda Bosaso, Halkaasoo uu ka jeediyay Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee Doorashadda.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Ganacsato, Cuqaal, Nabadoono, Aqoonyahan, Culuma’udiin Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haweenka ayuu musharuxu wuxuu ku soo bandhigay Barnaamijkiisa siyaasadeed ee Doorashada Madaxtinimadda Puntland ee la filayo inay dhacdo 8 January 2014.

Musharax Maxamed Cabdinuur ayaa ugu horrayn waxaa si weyn uga mahadnaqay sidii Meeqaamka Sare lahayd ee Dadweynaha Reer Bosaso ay u soo dhaweeyeen, Waxaana uu sheegay inuu filayay madaama uu yahay nin ganacsade ah oo muddo farabadan ka ganacsanayay Magaaladda Bosaso.

Musharaxa oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey Xaflada ayaa sheegay intii Puntland dhisnayd wax badan oo la qaban karayay aan la qaban, Waxaana uu tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee Maanta Puntland haysataa ay tahay Maamul xumo,

“ Waxyaalaha innaga khaldan waxaa ka mid ah Maamul xumo innagu raagtay, markasta maamul ayaynu samaysanaa, Afartii Sanno marbaynu isku nimaanaa.waxaan inoo dhisnayn Nidaamkii hoggaamiyaha lagu xakamayn lahaa,Waxaa loo baahan yahay inaynu dhisano Nidaam ninka aynu hoggaanka u dhiibaynayno, aynu beri u heli karno inaynu ka qaadno, oynu niraahno Nidaamkaas ayaanu kugu doornay, kaas ayaana kaaga qaadaynaa,” ayuu yiri

Musharax Maxamed Waxaa uu Tilmaamay in Dadweynaha Reer Puntland ay Haystaan Fursad ay ku bedeli karaan Hoggaanka Puntland Maanta ka taliya. Waxaa kaloo uu sharaxaad ka bixiyay Sifooyinka Hoggaamiyaha Reer Puntland ay u baahan yihiin

“ Rag saaxiibaday ah Waxay yiraahdaan Shaatigaagu waa cad yahay ee ha iska wasakhayn, waar ma waxaynu Masiirkeena ku aaminaa dad shaatigoodu wada wasakh yahay. Macquul ma ah inaynu shaatigeena ku aamin dad shaati wasakhaysan, Waxaynu u baahan nahay mid shaatigu cad yahay oo aan masiirkeena ku aamino” ayuu yiri, Wuxuuna Sii Raaciyay

“ Waxaynu u baahan nahay Hoggaamiye hiraal leh oo ay u muuqato Mustaqbalka meesha uu ummada u wado ay u muuqato, Laakiin yaa iga soo horjeeda, yaa I xantay, Reer Hebel Reer Hebel muxuu ka rabaa, Nin hoggaamiye ah oo ku mashquulsan ma rabno.Waxaan u baahan nahay hoggaamiye ku adag inuu musuqmaasuqa la dagaalamo, Waxaanu u baahan nahay hoggaamiye ku adag inuu la dagaalamo Dambiilayaasha, Waxaan u baahan nahay hoggaamiye ku adag qorshaha Dowladnimo, Waxaan doonaynaa Hoggaamiye ku baaburugsan arrimaha Bulshada, Sida Waxbarashada, caafimaadka” ayuu yiri

xirsi107

Musharax Maxamed Cabdinuur wuxuu khudbadii uu ka jeediyay Xafladii ka dhacay Bosaso, kaga hadlay Mushahar la’anta shaqaalaha Dowladda , Waxaana uu yiri

“ Waligay ma arag,mana maqal Dowlad Hal Bil mushahar bixin wayday oo nool, oo Haddana ku oronaysa Mar labaad I dooro”

Gees kale, Musharax Maxamed C/nuur Wuxuu sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay Muqadisnimada Jiritaanka puntland iyo Gobolada Maqaan ee dalka, Waxaana uu sheegay in Puntland ay u baahan tahay Hoggaamiye Aamisan Midnimada Puntland

“ Waxaan u baahan nahay Hoggaamiye Aamnisan muqadasnimada Jiritaanka Puntland iyo gobolada ay ka koobnayd, maamul baanu dhisanay, Dastuur ayaanu samaysanay, Xuduudaheena ayaynu qeexnay in su’aal ay timaado la yiraahdo gobol Hebel muxuu yahay Wax sax ma ah, Ninka aynu dooranayno waa inuu aamisan yahay Puntland waxaa ku bahoobay 5 Gobol iyo Gobolka Buuhoodle (Cayn)”

somali106

Musharax Maxamed C/nuur oo ah Nin Ganacsade ah, shirkado Waaweyn oo dalka iyo Dibadiisaba ka jira Maamula, Waxaa sheegay inuu aamnisan yahay inuu leeyahay 80% Sifooyinka Hoggaamiyaha Reer Puntland ay u baahan yihiin. Waxaa kaloo uu sheegay in haddii loo doorto Jagada Madaxtinimada Puntland uu dhisi doono xukuumadda Tiro yar

“Haddii aan ku guulaysto Jagadaas waxaan damacsanay inaanu dhiso xukuumad aad u yar oo aan ku soo xulu Aqoon iyo Daacadnimo” ayuu yiri

Ugu dambayntii Musharax Maxamed Waxaa khudbadiisii ku soo gunaanaday haddii ku guulaysto Doorashada Madaxtinimada Puntland uu mudnaanta kowaad siin doono sidii uu magaalada Bosaso wax weyn ugu qaban lahaa

“Bosaso waa rugtii Ganacsiga Puntland, Meel weyn bay igaga taalaa, Waayo Ganacsade ayaan ahay, Bosaso waxaan abaalgud uga dhigayaa inaan ishooda dhaqaalaha nadiifiyo” ayuu yiri

Xafladii lagu soo dhaweeynayay Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi waxaa kaloo ka hadlay, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Cuqaal, Ganacsato, Haween iyo dhalinyaro , Waxaana ka mid ahaa Gen Cali ismaaciil, Wasiir K/xigeenkii hore ee Maaliyada Yaasiin cartan, Axmed Xaaji Maxamuud oo ka mid ah odoyasha Magaaladda Bosaso iyo Pro Yaasiin C/laahi beeldaaje oo ka mid ah Aqoonyahada Puntland.

Waxaa soo tebiyey
Omar Siciid Mohamed
isse80@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.