Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare “Saacid” oo si kulul u cambaareeyey qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaaladda Boossaaso, tacsina u diray dadkii ku geeriyooday

Muqdisho, —Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka bahal nimada ee lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan
“Waan cambaareynayaa qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ee lagu laayay dadka shacabka aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, wuxuuna alle uga baryaya inuu janada geeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dadkii ay ka baxeen iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

“Kooxaha nabadiidku waxay mar kasta dhibaatada ugu badan u geystaan shacabka, mana ka daalayaan daadinta dhiiga shacabka” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon. “Saacid”

Ayuub Ismaciil Yuusuf

Press Officer Office of the Prime Minister

Tel: 00252616263434

Mogadisho-Somalia

media@opm.gov.so

December 5, 2013–

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.