Home » Warar »

Hayadda SCAC iyo Agaasinka Caafimaadka Wasaaradda Adeega oo si Wadajir ah u Xustey Maalinta AIDS-ka Adduunka 2013

Halkii maalin oo kasta waxaa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS uu ku dhacaa 7,000 qof oo ku nool dunida dacaladeeda, taas oo ka dhigeysa in halkii saac oo kasta uu qiyaastii cudurkaasi asiibo 300 qof. AKHRI

Sida ay sheegtay Hay’adda WHO iyo UNAIDS, 35.3 million ayaa qabay cududrka dilaaga ah ee AIDS/HIV sannadkii 2012, dadka sannadkaas u geeriyoodey cudurkaas waa 1.6 million oo qof.

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…


Hayadda SCAC iyo Agaasinka Caafimaadka Wasaaradda Adeega oo si Wadajir ah u Xustey Maalinta AIDS-ka Adduunka 2013

(Halku Dhiga Sannadka)

.Dawee Dad Badan , Una Dawee si Wanaagsan

Xaflad si Heer sare ah loo soo Agaasimey isla markaana lagu Xusayey Maalinta Aids-ka Adduunka kuna beegneyd 1-da December 2013 ayaa waxaa lagu qabtey Xarunta Agaasinka Caafimaadka ee Wasaarada Adeega Guud ee Bulshada ee Magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin ka Tirsan ee Dowladda Federaalka , Masuuliyiin ka socotey Hayadaha Caalamiga ah,kuwa la shaqeeye Hayadda South Central Aids Commission (SCAC),Culamaudiin, , Dhalinyaro , Haween , dadka la Nool Xanuunka HIV iyo Marti Sharaf kale .

somali104

Ugu Horeyn waxaa halkaa Warbixin ka soo Jeediyey Gudoomiyaha Hayadda South Central Aids Commission (SCAC) Axmed Maxamed Jimcaale oo si faahfaahsan ugu dheerdaadey Waxyaabihii u qabsoomey Sannadkii tagey iyo Caqabadihii ka Horyimid isagoo sheegey in Dadka la nool Xanuunka HIV ay u baahan yihiin Daryeel Dheeraad isagoo farta ku fiiqey Dowlada Federaalka oo uu sheegey in ay si aad ah uga gaabiyeen Wax u qabashada dadkaas aad ugu Nugul

Mudane Jimcaale Waxaa uu sheegey in Sannadkaan uu Halku dhigo uu yahay in Saddex Qodob Xooga la saaro waa mida u horeysa, in la waayo Dad Cusub oo uu ku dhaco Xanuunka HIV-ga , In la waayo Faquuqid iyo Takoor loo geysto dadka Xanuunka Xamabaarsan iyo In la waayo dad u Dhinta Xanuunka HIV , Sidoo kale waxaa uu sheegey in loo baahan yahay in lagu dhaqmo Oraahda Oroneysa ( Dawee Dad Badan , Una Dawee si wanaagsan ) waxaa uu Dowladda Federaalka u soo jeediyey in ay Gacan ka geysato sidii Dib loogu furi lahaa Isbitaalka Degmada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose oo lagu Daweyn jirey dadka la Nool Xanuunka HIV waxaana la sheegey Isbitaalka u Xirmey Arrimo Siyaasadeed

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Nasteexo Faarax Cilmi oo ka mid ah Dadka la nool Xanuunka HIV waxayna sheegtey in Dowlada Federaalka Soomaaliyeed aysan meel marin balan qaadyo ay hore u sameeyeen , waxayna u soo jeedisey Dowlada Cusub in ay Il gaar ah ku eegto Dadka la nool Xanuunklaas maadaama ay yihiin dad aad u jilicsan una baahan daryeel Joogto ah , waxay si gaar baaq ugui jeedisey Xildhibaanada Baarlamaanka maadaama ay yihiin Wakiilada Shacabka Soomaaliyeed iyadoo ugu baaqdey in ay Mushaarkooda qayb aad u yar ugu Tababrucaan Bahda la nool Xanuunkaas.

Sacdiya Cabdisamad oo ah Madaxa Agaasinka Caafimaadka Wasaarada Adeega Guuud ee Bulshada Qaybteeda Xanuunka HIV oo ka hadashey Munaasabadaas ayaa waxay balan qaadey in Cabashada ka soo yeertey dadka la nool Xanuunkaas wax laga qaban doono gaar ahaan sidii loo Daryeeli lahaa , waxay kaloo Sheegtey in Dowladda Federaalka ay gacan ka geysan doonto sidii Dib loogu Furi lahaa Isbitaalka Magaalada Marka oo ay ku Tilmaantey mid Muhiim u ah Dadka la Nool Xanuunka HIV

Waxaa Gabagabadii Munaasbadaas ka Hadley Aagaasimaha Caafimaadka ee Wasaaradda Adeega Guud ee Bulshada Mudane Ducaale oo ugu Horeyn u Mahadceliyey intii isku soo Dubaridey Munaasabadaan lagu Xusayo Maalinta HIV, waxaa uu halkaas ku canaantey Hayadaha Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha oo uu sheegey in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka la nool Xanuunka HIV waxaa uu intaa raaciyey “ Inta lagu Guda jiro Bisha December waa in Akoonka Dalladda Dadka la nool Xanuunka HIV Lacago tabarucaad ah ugu Dhacaan”

Agaasimha waxaa uu Amrey in Isbitaalka Magaaladda Marka la furaa maadaama uu ahaa isbitaal la Tacaalayey dadka la nool Xanuunka HIV waxaauu ugu Dambeyntii Agaasimaha halkaas ka Balan qaadey in Agaasinkooda uu shaqaaleeyey Nin Cuuryaan ah oo la Nool Xanuunka HIV, taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyey dadkkii ka qayb galey Maunaasabaas lagu Xusayey maalinta AIDS-ka Adduunka , waxaa Dadkii ka qayb galey Munaasabadaas waxaa ay Daawadeen Ruwaayada ka hadleysa Xanuunka HIV waxaana soo bandhigey Kooxda Iftin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

War-Saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Hay’adda UNFPA Dr. Babatunde Osotimehin oo ku aaddan Maalinta AIDSka Adduunka ee 2013.

Zeroing in on the Needs of Women and Young People –
World AIDS Day 2013

Agaasimaha War-Saxaafadeedkiisa wuxuu ku yiri:-

Maanta oo aan u dabaal dageyno maalinta AIDS ka aduunka sanadka 2013, waxaan tilmaami karna in aan tilaabo hormarineed oo muhiim u ah dhamaan addunka lagu tilaabsaday dhanka ka jawaab bixinta faafifida cudurka AIDSka.

Dhamaan dunida waxaa tiro ahaan hoos u dhacay dadka la nool HIV, kaddib markii ay heleen daawada lagula dagaalamo xanuunka AIDSKA ee loo yaqaan (antiretroviral).

Weli, horumarku waa mid gaabis ah, waxaana jira caqabado ku aaddan badbaadinta nafta sida kala soocid, takoor bulshada dhexdeeda ah iyo faquuq inta badan saameeyay dhibanayaasha cudurka qaba oo u badan dumarka iyo dhallinyaro.

Si fudud haddi aan u qeexno deeganada aan la awoodiin ayaa waxay caqabad ku noqonayan awooda qof walba in u firfircoonado xaquuqdooda si dhameeystiran oo macquul ah gaar ahaan dhalanyarada iyo kuwa bulshada dhexdeeda ugu nugul.

Ku dhawaad 40% ka mid ah 6,300 oo uu maalin walba uu saameeyo cudurka ADISka waa dhlanyaro da’dooda u dhaxeyso 15 -24 inta badana waa haween.

HIV/ADIS wuxuu horseedaa dhimashada haweenka ku jira xilliga wax soo saarka (ay dhallinyarada yihiin) sidoo kale wuxuu sababaa ugu yaraan 20% dhimashada haweenka xilliga dhalmada.

Inta u dhexaysay sanidihii 2005 iyo 2012 dhimashada lala xiriiryo AIDSka ayaa waxay sare u kacday 50% oo inta badan dhalinyaro ah, halka 30% oo dunida oo dhan uu hoos u dhacay.

Saacad walbo 50 dhalinyaro gabdho ah ayuu saameeya HIV. Gabdhaha qaan gaarka ah ee uurka leh ee meelwalba jooga aya inta badan waaya fursada noolasha. Maalin walbo 20,000 kun oo gabdhood oo ka hooseeyo da’da 18 ayaa waxay ku dhalaan wadamada soo koraayo.

UNAIDS waxay ku qiyaastay inta badan Khilaafaadka kuwa wada nool in ay sababaan in 50% oo dumarka ka mid ah in uu ku dhaco HIV, bulshada dhexdeeda waxaa jira dumar isticmaalo noocyada kala duwan ee maandooriyeyaasha, kuwo ka ganacsada jirkooda.
Sido kale haweenka iyo gabdhaha ku nool goobaha ey ka jiran isku dhacyada iyo masiibada waxay inta nadan wajahaan sarakac u nuglaansho dhanka xad guduka galmada, kaas oo u horseedi kara qatarta cudurja HIV/ADISka.

UNFPA, waxay rumeeysan tahay sida ugu dhaqsiyaha badan ee eber loogu dhigi karo cudurkaan ay tahay in la daboolo hela baahida caafimaad ee dhamaan haweenka iyo Dhallinyarada, in laga shaqeeyo ciribtirka sinaan la’ aanta Jinsiga ku saleeysan, rabshadaha kala qoqobida iyo faquuqida kaaso isku haaya intabadan in la helo ka hortaga HIv bulshada waa in la hela baahida caafimaad ee Galmoodka iyo taranka.

Ugu yaraan 67 wadan oo keliya ayaa leh sharci iyo xeer u fasaxaya dhallinyarada in ey fursad u helaan adeegyada ka hortagista HIV, iyo sido kale 60% wadamada caalamka ayaa waxeey leeyahiin sharciyo iyo xeerar ilaalinaya xuquuqda bulshada, iyo kuwa bulshada dhexdeeda ee cudurku ku dhacay inay helaan daawo iyo daryeel.

Is dhexgalka galmada iyo taranka adeegyada caafimaad iyo HIV waxeey xaqiijin karan in la helo fududeyn caalami ah oo qof walbo uu helo warbixino iyo adeegyo caafimaad oo uu wax ku kala dooran karo taasi waa talaabada ugu weyn ee ka hortaga HIV iyo xanuunada lagu kala qaado gamalmada.

In la dhigo eber Cudurka ADISka waxay ka dhigan tahay in sare loo qaado xeerka caalamiga ee xaquuqul aadanaha, caafimaadka iyo faya qabista qof waliba taasoo macnaheeda rasmigaa uu noqonayo inaad ka fogaato HIV/ADISka.

Tani waxaa ka mida isku hoowlida lagu xaqiijinaayo xaqa iyo baahida dhamaan haweenka iyo dadka dayarta ah kuwaas oo ah ajeendaha hormarka halboowlaha noolasha ee aduunka. Waxaa la xaqiijinaya in qof walbo uu tirsan doono in uu ka badbaado cudur kasta, dhamaan aan u istaagno in aan gaarno hadafkaasi.

Agaasimaha Hay’adda UNFPA Dr. Babatunde Osotimehin

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.