Home » Warar »

Xildhibaano ka soo jeeda Deegaanka Taleex oo Cabdiraxmaan Faroole ku Eedeeyey in uu ka Dambeeyey Dagaalkii ka dhacay Degmada Taleex

Iyadoo Dhawaan uu Dagaal ka dhacay Degmada Teleex ayaa Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobollada Sool, Sanaal iyo Cayn ee maamulka Khaatumo State of Somaliya ayaa cambaareeyey dhibaatooyinkii ay shacabka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in uu masuul ka yahay Madaxweeynaha maamulka Puntland Mudane C/raxmaan Faroole.

Cali Khaliif Galary oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya oo ka mid ahaa Xildhibaanno shirk u qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole inuu masuul ka ahaa dhibaatooyinkii ka dhacay Taleex, wuxuuna xusay in shirka looga tashanayo aayaha maamulka Khaatumo uu dhici doono.

somali103

Xildhibaankaan  ayaa sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata dhibaatooyinkii ka dhacay Taleex uu masuuliyadooda qaadan doono Madaxweeynaha maamulka Puntland Mudane C/raxmaan Faroole.Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid C/laahi Max’ed ayaa isna si kulul uga hadlay dhibaatadii ka dhacday Degmada Taleex, isagoona eeda dusha uga tuuray Maamulka Puntland oo uu xusay in uu masuul ka ahaa dagaalladaasi ka dhacay Degmada Taleex ee ay dadka badani ku dhinteen.

Xildhibaan C/waaxid,oo isna ka Hadley Shirkaas Jaraaid ayaa sheegey in Dhibaatada ka dhacadey Degamada Taleex uu Masuuliyadeeda uu qaadn Don Maamulka  Punland ee uu Hogaamiyo Cabdiraxmaan Faroole sidoo kale Xildhibaanadaas  waxa ayna dhamaantood si isku mid ah uga tacsiyeeyeen dadkii ku dhintay dagaalladaasi, iyagoona sidoo kale caafimaad u rajeeyay dadka ay dhaawacyada kasoo gaareen.

Dagaal dhawaan magaalada Taleex ku dhexmaray ciidamo ka tirsanaa Maamulka Puntland iyo kuwo kale oo taabacsanaa Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Khaatumo Max’ed Jaamac Yuusuf (Indho-Sheel) ayaa sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 10 qof iyo dhaawacyo intaas ka badan, waxaana sidoo kale ay sababeen burbur xooggan oo gaaray qeybo kamid ah dhismayaasha ku yaallada magaalada Taleex ee gobolka Sool sidoo kale Dowladda Fedraalka ayaa ku baaqdey in la joojyo Dagaalkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaano ka soo jeeda Deegaanka Taleex oo Cabdiraxmaan Faroole ku Eedeeyey in uu ka Dambeeyey Dagaalkii ka dhacay Degmada Taleex "

  1. Abdi Hassan says:

    SCW
    Marka hore salaan ku socota Somalitalk oo aan ahay akhriste macuumaad badan ka qaata webkan.Marka xigtana Allaah ha u naxariisto dhamaan dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay taleex Allaahna janatul Firdows ha ugu bedelo dulmiga adduunka loogu geystey.
    Ugu dambaynna waxaan ka xumahay in dadka shicibka ah oo la laayey warbaahinta qaarkood u fasireen in labo ciidan oo Punland iyo khaatumo meesha ku dirireen oo dadkani yahiin askar khaatumo u dagaalamaysey taasoo noqonaysa war xaqiiqda ka fog iyo dulmi markale loo geysanayo,kuwa maanta ciidda hoosteeda ku jira.
    Waxaan saxayaa in Horta ciidan khaatumo oo taleex ka dagaalamay aanay jirin sida uu qirtay ku xigeenka Madaxweyne faroole,waxa meesha lagu laayeyna ay shicib ahaayeen waliba aan hubaysnayn oo ay tusaale ku filan tahay labada odoy ee 80 jirka dhaafay oo guryohooda loogu tegey laguna toogtay iyo Ardada Schoolka.
    Gebagabo.
    Arintan uu maamulka faroole ka shaqeeyey way fashilantay,waxaana uu damacsanaa in khaatumo iyo puntland isku dhacaan,dabadeedna doorashada Puntland uu dib u dhigo oo wadanka lageliyo xaalad dagaal,walina taas kama aanay samrin.
    Mahadsanidin