Home » Warar »

Taliska Ciidamada Amisom ee ku sugan Baydhabo oo la Wareegay Ammaanka Xarun Maamul Goboleed loogu Sameynayo Lix Gobol

Iyadoo Xarunta ADCda Magaalada Baydhabo ay ka socdaan abaabulka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Koofureed ee Soomaaliya ayaa waxaa arrintaa ka warbixiyay Malaaq Shiino oo ka mid ah Odoyaasha Beelaha Digil iyo Mirifle oo haatan ku hawlan abaabulka Shirkaas.

Malaaqa oo waraysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in iminka Gabogabo ay marayso Hawlihii u diyaargarowga Shirweynaha dhawaan la filayo inuu halkaa ka furmo. Malaaq Shiino oo ka hadlay dhinaca Erggooyinka shirkaas ka qayb galaya ayaa sheegay in illaa iyo iminka ay halkaa soo gaareen in ka badan laba Boqol oo Erggo oo ka kala yimid Lixda Gobol oo uu sheegay in maamulkaas ay wada dhisanayaan.

Mar uu ka hadlayay ammaanka Goobta Shirku ka dhacayo oo ah Xaruntii ADCda ee Magaalada Baydhabo oo mar Barlamaanka Soomaaliya Fadhi u ahayd in iminka ay la wareegeen CiidamadaAamisom isagoona hoosta ka xarriiqay in dhawaan halkaa uu soo gaaray Taliyaha guud ee Ciidamada Amisom isagoona u kuur galay qaabka halkaa wax uga soconayaan.

somali102

Malaaq Shiino ayaa farta ku fiiqay in Ergooyinka ay haatan ka harsan yihiin oo keliya Beesha Sade ee Gobolka Gedo kuwaas oo saacadaha soo socda la sugayo in ay halkaa soo gaaraan maalin kaddibna la filayo inuu shirku si rasmi ah u furmo
.
Ugu Dambayntii ayuu malaaqu u Mahadceliyay dhamaanba Erggooyinka shirka soo Xaadiray iyo Shacabka Reer Baydhabo oo si diiran u soo dhaweeyay Martida ku sugan Magaaladooda isagoona ballan qaaday in shirku uu ku dhammaan doono si Raali laga wada yahay isla markaana lagu dhisi doono Maamul la isku raacsan yahay oo ka dhaqan gala Gobolada Koofurta Soomaaliya. Hase yeeshee waxaan la is weydiin sida ay Beelaha ku nool Lixdaas Gobol u qaadan Doonaan Maamul Goboleedkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.