Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala dareeray kulan la doonayey in kalsoonida lagala laabto Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya

Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Axadii Nov 24, 2013 ku kala dareeray kulan loogu qaybiyey Mooshin la doonayey in xilka looga xayuubiyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Mooshinkaas oo aan lagu soo lifaaqin magacyadii xildhibaanada saxiixay ayaa baarlamaanku buuq badan kaddib lagu kala dareeray. Waxaana la sheegay in dib la isugu soo laaban doono Sabtida Movember 30, 2013.

12-kii Nofeembar 2013 ayey ahayd markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu warsaxaafadeed ku soo saaray in khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka, khilaafkaas oo uu ku qeexay in uu yahay mid kusalaysan arrimo dastuuri ah, waxana uu yiri “Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.” Waxana uu intaas raaciyey in “Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayaa leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.”

Warbixinta daawo:


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo booqday xarumaha Wasaaradaha Warfaafinta iyo Kheyraadka, kana dhegeystay warbixin sanadeedkooda

Muqdisho, November 25, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqday xarumaha Wasaaraddaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka iyo Wasaaradda Kheyraadka dalka, waxaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay howlwadeenada iyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradahaasi, isaga oo ka dhegeystay waxqbadkooda mudada sanadka aheyd ee ay Wasaaradahani shaqeynayeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Kheyraadka Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo agaasiyemaasha wasaaraddahan, waxayna igu horeyntii booqdeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaana Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyey, waxaana xilligaasi ka soconeysay halkaasi howlo ku aadan tabinta iyo qabashada barnaamijyo kala duwan.

somali101
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku ammaanay Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge is bedelka iyo horumarinta ballaaran ee uu ka sameeyey mudada sanadka aheyd ee ay Xukuumadani jirtay, wuxuuna xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dawladnimada warbaahinta Qaranka oo ah halka looga tabiyo shacabka waxqabadka iyo horumarka dawladdu sameyneyso.

“Waxaan ku ammaanayaa Wasiirka Warfaafinta talaabooyinkii ay qaaday Wasaaradiisa ee dib loogu howlgelinayay hay’addaha dawladda, sida Boostadii dalka, Soomaali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay waxqabadka mudada sanadka ah ee Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa booqday xarunta Wasaaradda Kheyraadka dalka, isaga oo warbixino ka dhegeystay qaar ka mid ah agaasimeyaasha wasaaradaasi, waxayna tilmaameen in mudada sanadka ah ay qabteen howlo baaxad leh oo ku aadan horumarinta kheyraadka sida Beeraha, waxsoo saarka gudaha, kalluumeysiga, waxayna xuseen inay heshiisyo wax ku ool ah la gashay Wasaaradu shirkado Caalami ah oo ay ka mid tahay Shirkadda Soma Oil and Gas oo sahmin ku sameyn doonta shidaalka dalka, gaar ahaana qeybta Badda.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha oo booqashadiisan kadib, warbaahinta la hadlay ayaa xusay in intii uu ku guda jiray booqashada Wasaaradahan uu ku soo arkay waxqabad ballaaran oo ay sameeyeen mudadii sanadka aheyd, wuxuuna xusay in dhamaan Wasaaradaha Xukuumada ay sameeyeen horumaro baaxad leh, isaga oo balan qaaday in ay sii laban laabi doonaan waxqabadkooda sanadaha soo socda.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf

Press officer, PM office

Mob.+25261-6263434

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala dareeray kulan la doonayey in kalsoonida lagala laabto Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya "

  1. Abdihafid says:

    scw aniga waxaan ku baaqi lahaa in nabadda laga shaqeeyo iyo midnimada dalka iyo dadka Somaliyeed

    Mahadsandi
    ahfomar