Home » Maqaallo »

Siyaasadda Xukuumaddu: Socon Weynaye aan Orodno?

aadamoDabacan Socon weeynaye ma Orodnaa Su’aashaas cid kasta ee mufakir ah ama Dareen garashaba leh wey dareemi kartaa in Ruux Socodkiiba gabay sida uu Orod u Hollin karo ama isugu dayi karo inuu Ordo.

Socon Weynaye aan Orodno marka aan hoos ugu daadago waxaa arrintaa iminka ka dhigan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xiligan isku hawleysa is bedelo Siyaasadeed ee la sameeyo. Xukuumadda Federaalka oo haatan Sanad iyo Maalmo Siyaada ah jirtay ayaa ugu horeynba waxaa is weeydiin mudan Hal Sano iyo Dheeraad maxaa uga qabsoomay Ballan qaadkeedii ahaa in ay wax ka qaban doonto Arrimahan.

Xukuumadda ayaa markii la dhidibada loo taagayba isla soo taagtay in ay wax ka qaban doonto.-

A- Dhamaystirka Dastuurka qabyada ah.

B-Hirgelinta Maamul Goboleedyada

C-Sugidda Ammaanka.

D-la Dagaalanka Musuq Maasuqa iyo arrimo kale oo ay Xilkeeda dusha u ridatay.
Wax qabadka iyo Fulinta Barnaamij Siyaasadeedkaas ay Xukuumaddu soo ban dhigtay maxaa uga qabsoomay dhamaana Qodobada aan kor ku soo sheegnay, si arrintaa aan wax uga ogaanana bal aan qodobayno.

A- Dhamaystirka Dastuurka Qabya Qoraalka oo ahaa barnaamijkii Siyaasadeed ee Xukuumaddu ballan qaadday ayaa wax badan ka qabsoomin iyadoo ay soo baxeen Warar sheegayay in Dastuurkii Dalku la lahaa la gac gacmeeyay isla markaana dastuurku uusan ahayn kii ay wada saxiixeen Saxiixayaashii Road-Mapka arrintaas oo ka caraysiisay Maamulka Puntland oo isagu ka mid ahaa Saxiixayaashii Dastuurkii qabya Qoraalka iyo Road Mapkii.
Arrintaas waxa ay keentay in Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed in ay Xiriirkii u jaraan Xukuumadda Soomaaliya ka gadaal markii uu mad madow soo kala dhex galay sida ay Maamulka Puntland ku doodayaan in la hareer maray Heshiiskii lagu Saxiixay Dastuurka.

B- Dhismaha Maamul Goboleedyada iyo Hirgalinta Nidaamka Federaalka

Ballan qaadkii Xukuumadda waxaa ka mid ahaa in inta ka horeysa 2016ka ay dhamaystiri doonto Nidaamka Federaaliisimka iyadoo Maamulo loo samaynayo Gobolada Dalka si ay u gaaraan Doorasho ugu dambayn Dadka Gobolada ay u soo dhistaan maamul ay u dhan yihiin ama u soo doortaan, taasina waxa ay noqotay mid shaqayn weyday.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay waqti badan ku lumisay Gobolada Jubbooyinka oo si aad ah ay ugu mashquushay iyadoo iska ilowdey Dalka intiisa kale iyo sidii maamul Goboleedyadu u noqdaan kuwo si isku mid ah looga hawl galo xilkaasina way gabtay Xukuumadda illaa Dal ka mid ah Dalalka Deriska ay ku qanciso Xukuumadda Soomaaliya in ay oggolaato Heshiis ku meel gaar ah kaddib markii wax xal ah ay u heli weydey Maamul u Sameynta Goboladaas.

Oggolaanshaha Xukuumaddu ay Oggolaatay Heshiiskaas ku meel gaarka ah waxa ay ka careysiisay qaar ka mid ah Gobolada Dalka oo iyaguna ku dhaqaaqay in arrintaa ay ka gadoodaan isla markaana ay ku dhawaaqaan in Kalsoonidii ay kala noqdeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay samaysan doonaan Maamul Goboleed ka madax banaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya tanina waa fashil mar kale soo wajahay Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Dr Saacid oo ku fashiliantay Ballan qaadkeedii ahaa in Maamul Goboleedyada ay diyaariso iyadoona tafaraaruq hor leh oo sii kala fogeynaya Goboladii Dalka uu halkaa ka abuurmay.

C-Sugidda Ammaanka.- Qodobkan ayaa ahaa midka ugu muhiimsan loogana fadhiyay Xukuumaddu inay wax badan ka qabato isla markaana ay soo af jarto Colaadihii Gobolada dalka ka jiray. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaan la oran 100% waa mid sugan waxaana dhacda mararka qaarkood Qaraxyo, Dilal, Tacaddiyo iyo xad gudubyo loo gaysto qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxaa dib uga bilowdey Gobolada dalka Dagaalo inta badan lagu Eedeeyo in Xukuumaddu ay ka dambeysey sida dagaalkii ka dhacay Gobolka Jubada Hoose, Dagaalkii Shabeelaha Hoose, Dagaalkii Shabeelaha dhaxe iyo Dagaalada ka soconaya Gobolka Hiiraan. Dagaaladaas dhamaantooda ayaa eedeeda waxaa loo soo jeediyaa Xukuumadda oo la sheego in ay abaabulayso Dagaaladaas isla markaana Rag ay iyadu taagaareeyso ay ka dambeeyaan dagaalaas arrintana waxay Indhaha ku godeysaa sida ay Xukuumaddu ugu guul daraysatay wax ka qabashada ballan qaadkeedii ahaa Sugidda ammaanka.

D-La Dagaalanka Musuq Maasuqa.- Qodobkani wuxuu ka mid yahay ballan qaadkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hore ugu ballan qabatay markii la dhisay, Runtii horaa Suugaanyahan Soomaaliyeed u yiri “Musuq Maasuq waa Soomaali Meheradeeda” Arrintan wax iska weeydiin ma laha dhacdadii ugu dambaysey waxa ay ahayd Is Casilaaddii Guddoomiyihii Bankgiga Dhaxe ee Soomaaliya iyadoona is casilaadeeda sal dhig uga dhigtay Maamul Xumo iyo wax is daba maryeen ka jirta Bangigaas sidaa darteedna ay ka door bidday Xilkaas in ay faraha kala baxdo.

Musuq Maasuqa waa mid baahsan gaar ahaana marka aynu fiirino Shaqaalaha Dawladda oo marka aad la sheekaysato kuu sheegaya in muddo dhowr bilood ah aysan helin wax Mushaar ah oo ay heleen, dhinac kale kale Diiradda saar Ciidamada dawladda oo aad arkayso Dariiq walba in ay taagan yihiin isla markaana Gaadiidka halkaa maraya Gacmaha u taaganaya. Ciidamada ayaa ka cabanaya in wax Mushaar ah aysan helin muddo taasina waxaa loo aanayn karaa sababaha Xukuumadda ku kaliftay in ay wax ka qaban weeydo Musuq maasuqa la sheegay inuu ka jiro inta badan Hay’adaha Dawladda.

Socon weynaye ma Orodnaa Dhinac kale marka aan u fiirino Xukuumadda oo muddo Sanad iyo dheeri ah wax ka qaban weeydey qodobadaas aan soo sheegnay bay misana waxa ay hollinaysaa isku shaandheyn la sameeyo iyo Wasiirada oo la kala qaad qaado, taasoo iyaduna ka dhigan “Timirtii Horeba Dab Loo Waa” maadaama Wasiiradii hore u jirayba aysan wax qabad muuqda la imaan Mudadii sanadka iyo Siyaadada ahaa.

Khilaafkan soo kala dhax galay Labada mas’uul ayaa sida la sheego waxa u sal dhig ah qodobada aan kor ku soo sheegay oo badanaaba ah marka xukuumad ay meesha ka bixi rabto waxyaabaha ay Ersato ama sababsato.Bal Dib u Raac Sababihii bur burka Xukuumadaha keeni jiray maxa ay ka bilaaban jireen Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaarihiisa oo is qabta dabeetana is jiid jiid badan kaddib uu meesha ka baxo Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisa.

Dhinac kale marka aan eegno Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xiligan Taageero aad u wanaagsan ka haysata Beesha Caalamku haddii ay Rumowdo Eedeymaha Xukuumadda lagu Eedeynayo in ay ku Fashishay wax qabadkii looga fadhiyay maxay noqonaysaa Kalsoonida Beesha caalamka ee Soomaaliya.

Aan ku soo af jaro Maqaalkeygan aan hal ku dhigga uga dhigay Siyaasadda Xukuumadda ma Socon weynaye aan Orodnaa marba haddii Gaabis badan uu jiro, wax qabad yari ay jirto Musuqu uu weli taagan yahay, is qab qabsigii uu bilowdey oo astaan u ahaa dhicidda Xukuumad, maxaa u haray Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Dr Saacid in ay sii xajisataa Maqaamkeeda mise waa in ay meesha isaga baxdaa, taasi jawaabteeda dad weynaha ayaan u deynayaa


W/Q. Ustaad Aadan Macalim Aadaamo

E-Mail.aadaamo2@hotmail.co.uk

Tel 00252615511863

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.