Home » Warar »

War saxaafadeed: Golaha Wasiirada ayaa maanta dood adag ka yeeshay miisaaniyada sanda 2014

Muqdisho,24, Nov.2013…Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga dhagaystay warbixino gudiyo wasiiro oo loo kala diray gobolada shabellooyinka iyo Hiiraan, Miisaaniyada sanadka 2014. Waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

somali100Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku aamany gudiyadii wasiirada ahaa ee goluhu magacaabay todobaadkii hore, shaqada wanaagsan oo ay ka soo qabteen gobolada Gobolka Hiraan.

“Waa shaqo fiican oo bilow ah howsha ay soo qabteen gudiyadii kala aaday shabeelooyinka iyo Beladweyn, waxayna dowaldu ka shaqyn doontaa in colaadhaan oo kale lagu xaliyo qaab wada hadal ah, lana xoojiyo kalsoonida shacabka, si wada shaqayn buuxda loola yeesha shacabka, ciidamadana kaalintoodu noqoto sugida amniga muwaadiiinta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Dhanka kale wasiirka maaliyaada iyo qorshaynta mudane Maxamud Xasan Suleiman ayaa ka warbixiyey miisaaniyada ay qorshaysay wasaaradiisu sanadka 2014, taas oo ay ka muuqatay koror siyaado ah marka loo fiiriyo miisaaniyadii sanadkan 2013.

“Miisaaniyada sanada 2014 aan qorshaynay ayaa gaaraysa 219.Malyan oo doolar, , miisaaniyadan ayaa ah mid ka badan tii sanadkii hore, 128 malyan oo ka mid ah waxay ka imaanaysaa dakhliga gudaha dalka, halka 91 milyan ay ka imaanayso kaalmada caalamiga ah, waxaa miisaaniyada cusub qayb ka ah 137 maylan oo loogu tala galay dhank horumarinta oo aan dowlada soo maraynin” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta .

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikarin Xusein Guleed oo hogaaminayey gudigii aaday magaalada Beladweyn ayaa ka warbixiyey kulamadii ay la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan.

“ Kulankii aan la yeelanay dadka reer Beladweyne waxay noo muujiyeen sida ay u jecel yihiin dowladnimada, waxayna noo balan qaadeen in ay xoojinayaan isku xirka dadka iyo dowlada, dhankayaga waxaan soo dhaweeynay kuna taageernay shacabka reer Hiiraan dadaalkooda ay ku doonayaan inay ku samaysataan Maamul ay shacabku soo doorteen, taas oo ka turjumaysa siyaasada dowlada, si meesha looga saaro maamuladii la soo magacaabi jiray” ayuu yiri wasiirku oo dhanka kalana xusay in qaraxii ka dhacay Beladweyn ay ku dhinteen ciidamo boolis ah oo isu diyaarinayey inay tukadaan salaadan duhur, taas oo muujinaysa in kooxda nabad diidka ah aysan xurmaynayn salaada iyo diinteena suuban.

Ugu danbayntii golaha ayaa sheegay inay sii wadi doonan ka doodi miisaaniyada, taas oo sii socon doonta usbuucayada fooda nagu soo haya, si loo turxaan bixiyo loona helo miisaaniyad la jaan qaadi karta dhibaatoyinka dhaqaale ee horyaal dalka.

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.