Home » Warar »

Somali CEWERU Qaar ka mid Guddiyada Nabada Gobolada Kulan uga Furtey Magaaladda Muqdisho.

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho ka Furmey Kulan Socon doono muddo Saddex Maalmood waxaana Kulankaan soo qaban qaabiyey Ururka Somali CEWERU oo inta badan isku Howla Khilaafyada ka dhex Dhaca Xuduudaha iyo Nabad ku soo Dabaalidooda , waxaana ka qayb galeya Ergooyinka ka yimid Gobolada Dalka gaar ahaan Guddiyada Nabadda ee Goboladda Xuduudaha Iyo qaar ka tirsan Hayadaha Dowlada Federaalka

Halkan ka daawo Sawirada.. RIIX

Cismaan Muxyadiin Macalim (Shaatax) oo ah Xiriiriyaha Somal CEWERU isna ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu ku dheeraadey Sababta loo qabtey kulankaan waxaana uu sheegey in marka hore warbxin laga Dhageysanyo Guddiyada Nabada ee ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo si ay u faafaahiyaan Xaaladda Nabadgelyo ee Goboldda ay ka yimaadeen , sidoo kale waxaa uu sheegey in ShIrka lagu martiqaadey Ergooyin ka yimid Gobolada Dhexe iyo Pundland si ay iyana u heleen Xog ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan Gudiyada Nabadda Gobolada Kale .

“Somali CEWERU waxay hore ugu Guuleysatey Xal u helidda Kiisas ka dhacay Gobolada Xuduudaha aan kala leenahay Kenya iyo Itoobiya”ayuu yiri Mudane Cismaan Muxyadiin (Shaatax) mar uu ka jawaabayey Su’aal ahayd intii Ururka uu jirey maxaa u qabsoomey sidoo kale waxaa uu sheegey in kulankaan looga hadli doono , Sharaxaada qaab Dhismeedka CEWERU ,ka Doodista Xubnimada .AnsaxintaQorshaha Shaqo iyo Ansaxintiisa iyo Soo Bandhista
Qorshaha labada Sanno ee soo socota.

Waxaa sidoo kale Kulankaas ka Hadley Cabdinaasir Seeraar oo ka yimid Gobolada Jubbooyinka ahna Afhayeen Jubbooyinkaa waxaana uu sheegey in Nabada ay tahay midda ugu Muhiimsan ee ay Bulsho u baahan tahay waayo waxaa uu sheegey in haddii aan la helin Nabad aan Hurumar laga gaari Karin Adeegyada Bushada Sida waxbarashada, Caafimaadka iyo wax kasta oo Baniaadamka u baahan yahay
Ugu Dambeyntii waxaa Kulankaas Furey Agaasimaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha DIbadda Xirsi Xaaji Culusow oo ugu horeyn u Mahadceliye intii isku soo dubaridey Kulankaan oo ay ugu horeyso Somali CEWERU waxaaana uu ka qayb galayaasha u soo jeediyey in ay soo saaraan Qorshe ku saleysan Nidaam si Gobolada Xuduudha ku yaal loogu soo Dabaalo Nabad Buuxada si Wadamada Deriska nala ah Nabad ugu wada Noolaano

Halkan ka daawo Sawirada.. RIIX

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.