Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii Beledweyne, tacsina u diray dadkii ku geeriyooday

iyo Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdi ka socday OIC iyo hay’ad laga leeyahay dalka Sucuudiga

iyo Madaxweyne Xasan oo yiri “Dowladda waxaa ka go’an in la cirib tiro Al-Shabaab.”

Warsaxaafadeed

Muqdisho, November 19, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii fuleynimo ee lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Waan cambaareynayaa weerarkaasi fuleynimada ah ee lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne oo aheyd halka lagu kala garsooro dadweynaha, maalin kastana laga fuliyo howlaha adeega dadweynaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, wuxuuna alle uga baryaya inuu janada geeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dadkii ay ka baxeen iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

“Kooxaha nabadiidku waxay mar kasta dhibaatada ugu badan u geystaan shacabka, mana ka daalayaan daadinta dhiiga shacabka” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Garad Salad
Press Officer
Mogadishu

Madaxweyne Xasan “Dowladda waxaa ka go’an in la cirib tiro Al-Shabaab.”

Muqdisho, 19 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u direy dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartey qaraxii maanta ka dhacay saldhiga Booliiska ee Beledweyne.

Ciidamada Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa baaritaan wada oo ku aadan sida falka u dhacay iyo khasaaraha inta uu la egyahay iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa sababta keentay falkan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeeladu ka soo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay wadaan kooxahan nabad-diidka ah. Al-Shabaab bacdamaa looga adkaaday dagaalka ayaa waxey ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah. Dowladda waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.”

– DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, media@presidency.gov.so, +252615479911

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdi ka socday OIC iyo hay’ad laga leeyahay dalka Sucuudiga

Muqdisho, November 19, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday ururka Islaamka iyo hay’ad lagu magacaabo Al Raya International, waxayna wafdigani uga warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha qodista ceelel biyood gaarayay 50 oo ay ka qodeen gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

somali92

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Rami Al Shamsi, waxaana sidoo kale ka mid ahaa xubaha wafdiga Dr. Ahmad Mohamed oo ah wakiilka Soomaaliya ee ururka Islaamka, iyo sidoo kale Mubarak Bakramun oo ka socday hay’adda Al Raya, iyaga oo xubnaha wafdigani sheegay in wajiga hore ee ay ku qodeen 50 ceelal, balse wajiga labaad ay qodi doonaan 100 ceel, dadka ku nool goboladu ay u helaan biyo ku filan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna uga mahadceliyay wafdigan howsha baaxada leh ee ay ka wadaan dalka, isaga oo kula taliyay in si deg deg ah ay u bilaabaan wajiga labaad ee qodista ceelashan, maadaaba buu yiri baahi weyn ay u qabaan dadka ku dhaqan gobolada helista biyo.

“Dagaalada iyo isku dhacyada ugu badan ee ka dhaca dhulka Miyiga ah waxay salka ku hayaan biyo yaraanta iyo goobaha biyaha sida ceelasha wara-biyoodyada, sidaasi owgeed waa muhiim in loo helo ceelal biyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in haddii dadku ay helaan biyo ku filan la helayo nabad iyo deganaanshiyo.

Garad Salad
Press officer
Mogadishu

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.