Home » Warar »

Kulan ay soo Qaban Qaabiyeen Bulshadda Rayidka oo looga hadley Xal u helida khilaafka soo Noq-Noqdey ee Hogaanka Sare ee Dawlada.

somali91Maanta oo ay Taariikhdu tahay 17 November 2013 waxay Daladda SOSCENSA (Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya) ku qabatay Hotel Ramaada ee Magaalada Muqdisho kulan wada tashi ah oo ay ka soo qaybgeleen odayaasha Dhaqanka, Bulshadda Rayidka, Xirfadaleyaasha,Rugta Ganacisga, Siyaasiyiin, Culuma’udiin iyo Waxgarad waxaana uu Kulankaan u jeedkiisu ahaa kaalinta Bulshada Rayidka kaga aadan xal u helida khilaafka soo laa-laabtey ee Hogaanka sare ee Dawladaha 13 sano

Xubnihii halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi Shiikh Xasan oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Nabada waxaana uu sheegey in Khilaafka u dhaxeeya laba Mas’uul lagu dhameyn karo Hab Dastuuri ah gaar ahaan in ay kala dhexgalaan Baarlamaanka,waxaa uu ka digey in Khilaafka uu noqdo mid sii daba dheerada taasoo uu sheegey in aysan dan ugu Jirin Ummada Soomaalieed.

somali89 somali90Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Gudoomiyaha ku meel gaarka ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Cismaan Aadan Cadde oo sheegey in Dowladhii soo marey Dalka gaar ahaan Dowladii Lixdameeyadii uusan dhexmari jirin wax khilaafka waxaana uu sheegey in Bulshadda Rayidka ay Door muhiim ah ay ka qaadan karto si Xal looga gaaro Khilaafka soo noqo noqdey ee markasta ka dhex dhaca Masuuliyiinta Sare ee Dowladda .

Kulankaa oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Dalladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac ayaa waxaa kaloo halkaas Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed kana mid ahaa Xildhibaanadii hore Cabdi Abshir Dhoore waxaana uu yiri “Haddii aan kaashado Khibradeyda ku aadan Khilaafyada noocaan ah waxaa Xaqiiqo ah in Labadaan Mas’uul ay kala tagayaan waayo haddii aan dib u raacno ma jirto Khilaaf lagu Xaliyey in la wada joogo oo la wada shaqeeyo”

Dhamaan Xubnhii ka qayb galey Kulankaan ayaa waxa Hoosta ka Xariiqeen in Khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare lagu Xalin karo in Dastuurka Dalka sidoo kale waxay ugu baaqeen Xildhibaanada Baarlamaanka in ay Dhex-Dhexaad ka Noqdeen oo ay ku dadaalaan in Xal ka gaaraan Khilaafkaan soo noqo noqdey ee mar waliba ka dhex dhaca Mas’uuliyiinta Dowladda waxaana kulankas GabAgabadiisa laga soo saarey Baaqaan

BAAQ:

§ Waxay Ka qaybgalayaasha soo jeediyeen in Khilaafka Siyaasadeed lagu xaliyo Hab Dastuuri ah.

§ Waxay Ka qaybgalayaasha shirku soo dhawaynayaan hadalkii Gudoomiyaha Baarlamaanku u jeediyey Xildhibaanada ee ah ineysan kala qaybsamin iyo ineysan Warbaahinta uga hadlin khilaafka Siyaasadeed.

§ Ka qaybgalayaasha shirku waxay codsadeen in Madaxda sare ee Dawladu ay Dadwaynaha u fasiraan Sababaha Khilaafkooda si meesha looga saaro kutiri kuteenta.

§ Golaha Wasiiradu waa in ay sii wadaan hawlihii Adeega Bulshada oo sida sugiga Amniga iyo kaalmaynta Dadka dhibaataysan iyagoo ka fogaanaya Khilaafka.

§ In Beesha Caalimku ay sii wadaan Taageeradii Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Farsamo ee ay siinayeen Dawladda.

§ In Beesha Caalamku kaalmo deg deg ah la gaarto dadka dhibaateysan sida Gobolka Shabveeladda . Dhexe iyo Puntland.

§ Waxaan Madaxda Dawladda ugu digeynaa in aan Hantida Shacabka ee ay Mas’uulka ka tahay aan loo isticmaalin dano gaar ah lagana fogaado Musuq Maasuq nooc kasta uu yahay.

Shirku wuxuu gaban gabadii isku raacay in la magacaabo labo Gudi oo kale ah; Guddiga wacyigelinta iyo Gudiga Wada-xaajoodka

Wabilaahi Towfiiq

Waxaa soo tebiyey Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulan ay soo Qaban Qaabiyeen Bulshadda Rayidka oo looga hadley Xal u helida khilaafka soo Noq-Noqdey ee Hogaanka Sare ee Dawlada. "

  1. alcatiiqi says:

    ma xuma waa talooyin wacan waxaanse ku dari lahaa dhibaatadu sal ayay ledahay ee dadka aqoonta u leh meeshuu dhibkani ka socdo inay noo sharaxaan haday ahaan lahayd boskan raiisulwasaare oo isaguba u baahan in laga tanaasulo dalkuna madaxwayne kaliya uu yeesho iyo madaxwayne ku xigeen iyo hadii kaleba