Home » Warar »

Aqoon is weydaarsi lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingriiska.

somali84somali85Waxaa maalintii shaleyeey ee ay taariikhdu ahayd 15ka November lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingriiska kulan aqoonisweydaarsi iyo dood cilmiyeed ah, kulankaasoo cinwaankiisu ahaa (Hayyaanka horu marinta afka hooyo iyo hiil doonkiisa maanta) ayaa waxaa marti ku ahaa Professor Maxammed Daahir Afrax oo ka tirsan hay’adda horumarinta afka soomaaliga ee PEN, ahna (gudoomiyaha Akadeemiyad goboleedka Af-soomaaliga). Aqoon is weydaarsigaas ayaa waxaa suurta galiyay ururka HADAF kaasoo ah urur ka dhisan waddanka Ingriiska. Aqoon is weydaarsigaas ayaa waxaa kaloo kasoo qeyb galay aqoonyahanno ku xeel dheer Afka Soomaaliga.

Professorku waxa uu dul maray taariikhdii iyo maraaxishii uusoomaray afsoomaaliga isagoo xussay in afkeenna hooyo uu marayso marxalad khatar ah taasoo u baahan in loo hiilliyo lagana badbaadiyo khataraha ku yimid iyo duullaanka ay ku hayyaan luqada waaweyn sida Ingriisiga iyo carabiga taasoo ay sababtay qaran jabkii iyo burburkii ku yimid dowladdii dhexeee Soomaaliya.

Wuxuu Proffesor Afrax intaas ku daray in inkastoo ay jiraan dadaallo ay wadaan dowladaha Jabuuti iyo ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia haddana ay dhab tahay in Afka Soomaaligu uu wali ka muuqdo dayac fara badan iyo koboc yari.

Aqoonyahanadii ka soo qeyb galay aqoon is weydaarsigan ayaa waxaa ay kulligood isku waafaqeen  in af soomaaligu u baahanyahay hiil dhinac waliba ah hanoqotodhinacyada erey bixinta, naxwaha, qoraalka farta, suugaanta iyo in ubadka ku koray qurbaha la baro afkooda hooyo.

Ugu danbeyntii Ururka Hadaf ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Proffesor Afrax taasoo lagu tix galinayo doorka hormuudnimo ee uu noloshiisa inteedii badnayd ku bixiyay kobcinta iyo u hiillinta afka soomaaliga.

C/Fataax C/Qaadir Cilmi (Shuxle)

Birmingham UK.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.