Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday in Khilaaf u dhaxeeya Isaga iyo Madaxweynaha

Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed –

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu dhab yahay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, waxana uu sheegay “Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.”  Waxana uu intaas raaciyey in “Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayaa leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.”

Warsaxaafadeedkii waxa uu u qornaa sidan:

12 Nofeembar 2013

Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed

Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013, ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.

shirdoon70Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.

Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.

Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho – Soomaaliya

Phone: +252 (0) 616 44 00 28
Email: media@opm.gov.so

Khilaafkii u Dhaxeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Saacid oo Cirka isku Shareerey.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday in Khilaaf u dhaxeeya Isaga iyo Madaxweynaha "

  1. Abdulkadir ali says:

    waxaan isleeyahay in aaney filanwaa ahayn arintu sababtoo ah dadku isku faham ma wada aha.Waxaase aniga filanwaa ila ah qaabka ay dadka ka shaqeeya siyaasadda soomaaliya ay u dareemi la,a yihiin meesha ay ka bilaabato dhibaatada jirtaahi!.Anigu haddii la I weydiiyo si fudud ayaan uga jawaabi lahaa runtii jawaabtuna ma aha mid fog ama khatar ku ah qofka sheegaa uu ku dambaabaayo.Soomaaliya waxay u baahantahay in loo helo dad ama madax isku faham ah qabiilkeydoonaan ama mabda,a ay doonaan ha wataane!Laakiin hadii la yiraahdo 4.5 ayaa xukumka lagu qaybsanayaa waxaa isu imanaaya madax iyo baarlamaan aan isku aragti ahayn oo aan isku mabaadii,ahayn oo qofwaliba rabo inuu guusha isagu dhaliyo si uu qabiilkiisa ama kooxdiisa magac ugu helo.Soomaaliya waxaa dhisi kara team isku mowqif ah oo hal mabda,a wadata oo isku xisbi ah oo aan madhabkooda isku diidi Karin oo aan cilaaqaad la lahayn dawladaha deriska ah ee taageeradadooda ka hela shacabka.Taageerada beeshacaalamka waxaa loo baahan karaa marka la helo amni iyo istiqraar lamana heli karo xasilooni inta hal qol laysugu keenaayo bisad iyo jiir(TOM AND JERRY)waayo qofkastaa wuxuu rabaa inuu amar bixiyo.Anaa amiir wa anta amiir man yasuuqal ximaar?Waxaa sababaaya isku dhacyadan hari waayey ee u dhexeeya madaxda waa in aan la falanqeyn marka hore waxa nabad lagu gaari karo.maxaa shacabka u dan ah;maxaa diinteenu tahay,maxaa dalka u mustaqbal ah,Yaa soomaali ah,yaa madax noqonkara,halkee noo xuduud ah,maxaa noo xeer hoosaad ah,Yaa noo miciin ah,maxaa noo manhaj ah,Markii intaas oo dhan laga doodo ee laysku afgarto ee xeer loo dejiyo ayaa la heli karaa team shaqeeya iyo team leader.marka khuburo loo saaro oo shacabku ay soo xulaan qabiilkasta cidda uga qayb geleysa xeer dhaqankaas ayaa lasoo saari karaa xeer hoosaad soomaalida u dhexeeya oo ay ku heshiiyaan.laakiin haddii qofba sida ay isaga/iyada latahay uu yiraahdo anigaa iri sidaas wax hagaagaaya ama la hagaajin karo ma leh.Beryahan dambe waxaaba muuqaneysey in wasaaradaha qaar ay go,aano ka gaarayeen masiirka dalka iyo ummadda iyadoon baarlamaanka la soo war gelin.Sagaaro qoorqabad biyo kuma cabto.