Home » Faallo »

Hooyo Cunugaan laga soo saarey Qaliin Dheer ka dib oo Gargaar Deg Deg ah u baahan.

somali67Waxaa ii suurtagashey in aan Gurigooda ku Booqdo Hooyo Fardowso Maxamed Geedi oo Shan Maalmood ka hor ku Dhashey Isbitaalka Haweenka iyo Caruurta ee Banaadir Cunug wiil ah Madaxiisu aad u weyn yahay islamarkaana Dhaqaatiitu sheegeen in Madaxa ugu Jiraan Biyo hase eyeshee in tii uu socdey Qaliinka Hooyada ee looga soo saarey Canugaas ayey Dhaqaatiirtu aad ugu dhibtoodeen waayo Cunuga oo Madaxiisu aad u weyn taasoo loo baahadey inHooyada la jeexo meel aad u weyn.

Canuqaan oo lagu Magacaabo Cabdifitaax Mahdi Cumar ayey Dhaqaatiiirtu sheegeen in aan waxba looga qabn Karin Dalka gaar ahaan marka ay timaado in Biyaha Madaxa laga saaro sidoo kale waxay sheegeen Dhaqaatiirtu haddii aan Deg deg wax looga qaban Dhibaatada haysta Canugaas in ay Biyahaas ku jira Madaxa ay u keeni karaan Naafanimo,iyadoo taasi jirto ayaa Qoyska uu ka soo jeedo Canugaas ay yihiin kuwa aan Awoodin in ay la Taacaalaan canugooda.

Hadabna Qofkasta oo Naxaariis iyo damqasho Baniaadanimo ku jirto ha noqdaan Dowladda Federaalka, Hayadaha Samafalka iyo qof kasta oo hanta Ilaah siiyey in ay gacan siiyaan Hooyo fardowso iyo canugeeda maadaama ay yihiin Qoys Sabool ah ooo aan waxba haysan
Hadaba Cidii Dooneysa in ay Caawinto Qoyskaas ha kala soo Xiriireen

somali68

Bashiir Cumar Jaamac
Tel 00252615589213 ama

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaar@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.