Home » Warar »

Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow ( Ashhad ) iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow oo Codkooda ku Biiriyey Joojinta Dagaalada iyo Fatahaada Webiga.

Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad ) iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow oo ka mid Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxay ka hadleen dagaalo ka soo Cusboonaadey Gobolka iyo fatahaada Webigga Shabeelle kuwaa oo geystey Dhibaatooyin kala duwan , waxayna u soo jeediyeen Waxgaradka , Odoyaasha , Siyaasiyiinta Culimada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay u istaagaan Joojinta Colaadahaas islamarkaana dadka ku waxyeeloobey Fatahaada Webiga loo Gurmado.

somali66“Diyaarada wax yar lagu qaado waxba ka tarimeyso Dhibaatada weyn ee ka jirta deegaankaas , waa in ay Dowladda gargaar la taaban karo ay gaarsiisaan Gobolka , sidoo kale waan Dowladda ay gacan weyn ka geystaan sidii loo joojin lahaa dagaaladaas” ayey yiraahdeen Siyaasiyiintaas oo u soo jeediyey Ciidamada Amisom ee ku sugan Gobolka in ay kala Dhex galaan dadka Walaalaha ah ee halkaa isku dilaya maadaama ay yihiin dad u soo gurmadey Shacabka Soomaaliyeed

“waxaan si gaar ah fariin ugu Direynaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud in uusan yareysan waxa ka dhacaya Gobolka Shabeelada Dhexe loona baahan yahay in uu il gaar ah uu ka eego , sidoo kale Maamulka Gobolka waxaan leenahay waa uu ka gaabiyey wax ka qabashada dagaalada iyo Fatahaada ee ka jira Gobolka Shabeelada Dhexe “ ayey yiraahdeen siyaasiyintaas oo sheegey in Dagaalada ka soo Cusboonaadey Gobolka uu salka ku hayaan wax ay ugu yeereen New Deal Kaasoo keeni kara in soo Cusboonaadaan Dagaaladii Sokeeye ee ka jirey Soomaaliya .

Ugu Dambeyntii waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka in ay magacaabaan Guddi Dhex dhexaadin ah oo qabta Shir lagu heshiisiinayo labadaas Beelood ,waxay kaloo ugu baaqeen Hayadaha Samafalka in ay deg deg Gargaar ah la gaaraan dadka ku Barakacay Dagaalada iyo fatahaada Webiga .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaar@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.