Home » Warar »

Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Saameynta Burcad Badeeda ay ku Reebtay Bulshada oo lagu qabtey Gaalkacyo

Dood Cilmiyeed ku saabsan Saameynta Burcad Badeednimada ku reebtey Bulshada Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisey Xarunta Macluumaadka iyo ka Hortaga Burcad Badeedka oo lagu magacaabo SAPIC oo ah Urur ku Howlan arrimaha Wacyigelinta Burcad Badeednimada isla markaana ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan Bulshada iyo Madaxda Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa lagu qabtey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug

Dooda oo inteeda badan ahayd mid looga hadlayay Dhibaatada iyo Saamaynta ay Bulshadu ku yeesheen Falalka Burcad Badeednimada iyo Dhibaatadii Dhaqaale ee Bulshadu ay u keeneen Dhalinyaradii Burcad Badeeda ahayd,taasoo si weyn looga Dareemey Guud ahaan dalka gaar ahaan Deegaanada ku Xeeran Xeebaha

Gudoomiyaha Ururka Sopic Xasan Macalin Cabdulaahi ayaa Sharaxaad ka bixiyay waxqabadka Ururkooda iyo Goobaha uu ka howlgalo waxaana uu sheegey in Mudadii uu Ururka jirey uu qayb weyn ka qaatey sidii Dhalinyaradaas looga soo celin lahaa Falalka Guracan ee Burcad Badeednimada isagoo sheegey in Dhalinyaro fara badan markii la wacyi geliyey ay dib uga soo laabteen falalkii ay ku jireen ee ay Maraakiibta ku Afduubi jireen ,

Sidoo kale waxaa halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Haweenka Galmudug Maymuun Cali Nuur Geefane waxayna kulanka ka sheegtay in dhibaatada ugu badan ay soo gaartay Haweenka Kadib markii Dhal Dhalaal lacageed oo aan meesha Oolin la tusay Dumarkii Dan yarta ahaa

Waxaa ka hadlay Dooddaas Wasiir Ku xigeenka Kaluumaysiga Iyo Dekadaha Galmudug C/risaaq Maxmuud Axmed ayaa sheegay in Dhibaato ay ku hayeen Dhalinyarada Burcadda Badeedka ah Deegaanada Galmduug taasoo saameyn weyn ku yeesheen Bulshada halkaa ku dhaqan ka dib markii ay Deegaanadaas ku soo dhiiran waayeen Hayadihii Samafalka oo doonayey in ay Bulshada waxtaraan.

Madaxweyna Kuxigeenka Galmudug C/samad Nuur Guuleed oo lahaa Gunaanadka Hadalka ayaa sheegay in Dhalinyadu ay dhibaato ku ahaayeen Deegaanka Galmudug wuxuu sidoo kale Dhalinyaradii Horay uga midka ahaa Burcad Badeeda sheegay in loo abuurayo Xirfado shaqo oo Bulshada ay kula noolaadaan .

somali48 somali49

“Sababta ugu weyn ee ay ku noqdaan Dhalinyarada Galmudug Burcad Badeed waxaa sabab u ah fursado shaqo la,aan ioo ka jirta Magaalooyinka iyo Deegaanada Xeebaha ku xeeran , mana helin Dhalinyaradaas Xirfado shaqo ay ku abuuran karaan kadibna waxay ku Qamaameen xeebaha si ay u soo Afduubtaan Maraakiibta Shisheeye si ay Noloshooda ku maareeyaan”ayuu yiri madaxweyne ku Xigeenkas Galmudug waxaa uu intaa ku darey

“Waxaan baaq u direynaa dhamaan Hay,adaha Hormariya Dhalinyarada in kaalin weyn ay ka qaataan sidii loogu jiheyn lahaa Shaqooyin ay uga maarmaan falalka Burcad Badeednimada islmarkaan loo siin lahaa Qalab ay ku abuurtaan shaqo si ay u yaraato saameynta Burcad Badeednimada oo Khatarta weyn ku heysa Deeganada Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed oo u Mahadceliyey Xarunta Macluumaadka iyo ka hortagga Burcad Badeeda SAPIC oo uu sheegey in ay wax weyn ka qabatey Falalkii Guracnaa ee Burcad Badeednimada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinklhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.