Home » Maqaallo »

Wax Soomaali yaa arkay?

Dad iyo dal aanu aqoon markuu yimaado cidda ugu horaysa ee uu la kulmo salaan ka dib wuxuu weydiiyaa wax Soomaali ah ma joogaan?. Jawaabtaas hadalka xigana waa igu raadi meel Soomaali joogto.

Haddii dhib qabsado ama uu wax garan waayo hadalka u horreeya waa yaa Soomaali arkay?. Xilligaas isaga Soomaali waa u il iyo aragti. Ishuu ku dhuftana qabiilkee tahay ma jirtee waa soomaali ma tahay, haahdana waxaa ku xiga dhibkaas baa i haysta iyo qoladaan igala hadal!.

Alla Soomaalidu soomaali jecelaa oo ku kalsoonaa oo u daacadsanaa!!!

Gabar si xun u labisan, wiil meel xun maraya, muuqaal aan wacnayn oo magaca Soomaali lagu lamaaniyay way ka wada murugoon, wayna ka wada caroon. Haday gartaan qabiilka ama gobolka uu kasoo jeedo qofkaas xun ama ficilka xun sameyey ee magac xumada usoo jiiday way wada haaraamaan oo waxay ku hadaaqaan kuwaasaa magacii soomaaliyeed dilay!.

Kolkii mid soomaali ah magac fiican soo hoyiyo ama tartan ummado kale ku guulaysto way wada farxayaan, wayna isu wada bishaarayn, tartankaas ahddii laga qaadana way is wada galayaan oo ninkii sababta lahaa ayay haaraamaan, mararna inay guuldarada gacan kaga jawaabaan baaba dhacda ama waa ku sigtaan.

Mar Dubai lagu qabtay tartan Qur’aan oo ay isugu wada yimaadeen baa kii u tartamayey eber keenay!! waana si caadada soomaalida khilaafsan. Goobtii oo la gadhiyo ayay buuq iyo kacdoon bilaabeen. waxaa la ii sheegay ninkii sababta lahaa (Qunsul) in la qixiyey si aysan ugu shahiidin; waayo sumcadoodii ayuu dhulka dhigay!!.

Gabagabadii bal daya say isu jeclyihiin, isugu kalsoonyihiin, sharaftooda u wada difaacanayaan!! waa yaabe maxaa ka dambeeya, waa inoo qormo dambe oo aynu dhinac kale kaga eegno.

alwaqaar1
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wax Soomaali yaa arkay? "

  1. Maxamed says:

    asc
    salaam kadib walaal c/samad aad ayaad ugu mahadsatahay
    qor madan xiisaha badan
    runtii aad beey ii saameysay waa run soomaalida inta aad ka sheegtay
    oo aad ku xustay qor madaada
    waxaan ka sugeynaa qor mada kale iyo waxa ad ku so qaadato
    mahadsanid