Home » Warar »

Mudane ka Tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku Geeriyooday Magaalada Nairobi

somali41

Xildhibaan Cumar Isloow oo geeriyooday –

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Dalka kenya ayaa sheegaya in Isbitaal ku yaala Magaaladaas inuu ku Geeryooday Xildhibaan ka Tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaankaas oo lagu Magacaabi jiray Cumar Islow Maxamed oo muddo ku Xanuunsanayay Magaalada Nairobi ayaa habeenkii xalay ahaa ku Geeryooday halkaas.

Fadhigii caadiga ahaa ee maanta Barlamaanku isugu imaan lahaa ayaa baaqdey Geeridaas darteed sida uu xubnaha Baarlamaanka u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka. Mahad cbdalla Cawad Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo Geerida marxuumkaas ka hadlayay ayaa u xaqiijiyay Xubnihii uu la hadlay in Xildhibaan islow uu Geeryooday una Geeryooday Xanuun muddooyinkii dambaba uu halkaa ku Xanuunsanayay.

Xildhibaan Cumar Islow ayaa hore uga mid ahaa Xildhibaanadii barlamaankii ku meel gaarka Soomaaliya isagoona ka mid ahaa raggii ugu cad caddaa Khilaafyada soo kala dhex gala Xukuumadda iyo Barlamaanka.Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka ayaa Tacsi u diray guud ahaan Xildhibaanada Soomaaliya Qoyskii iyo Eheladii uu ka baxay Marxuumka isagoona Ilaaheey uga rajeeyay in Naxariistii Janno ka Waraabiyo.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaankaas Geeryooday loo samayn doono Aas Qaran iyadoona loo saari doono Guddi ka shaqaysa Aaska Marxuumka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ku simaha Madaxweynaha Dalka Oo Gudi U Saaray Aaska Qaran ee Xildhibaan Cumar Isloow,kana tacsiyadeeyey geeridiisa… WARSAXAAFADEED

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, maanta oo ay taariikhdu tahay 29ka bisha October waxaa nasoo gaaray war naxdin leh oo ku saabsan inuu geeriyooday Allaha u naxariistee Walaalkeen Cumar Isloow Maxamed oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana uu ku geeriyooday isbitalka Agar Khan ee magaalada Nairobi oo mudooyinkan uu ku xanuunsanayey,waxaan tacsi tiiraanyo leh halkaan uga dirayaa anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed”

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa tacsi gaar ah waxa uu u diray qoysaska iyo ehellada marxuumka oo uu Alle uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo,marxuumkana uu Alle janadii Fardowsa geeyo waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka ku tilmaamay Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed Allaha u naxariistee inuu ahaa nin shaqooyin badan usoo qabtay dalka.

Dhinaca kale Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gudi u saaray qaban qaabada Aas Qaran oo loo sameeyo Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed ayadoo gudigaasina ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gudagaleen qaban qaabada Aaska Marxuumka oo Muqdisho ka dhici doona.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo saakay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu ka mid ahaa Mudaneyaasha ugu firfircoon XIldhibaannada Golaha Shacabka isagoo Xildhibaanna ahaa 14kii sano ee lasoo dhaafay,sidoo kalena waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.