Home » Warar »

Aabbaha Dhalay Wariye Tima-Cadde oo Xukuumadda Federalka Soomaaliya ka Codsaday Gargaar Wiilkiisa Dibadda Loogu Qaado.

Maxamuud Cali Faarax oo ah Aabbaha Dhalay Wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo ka hadlay xaaladda caafimaad ee Wiilkiisu ku sugan yahay ayaa baaq u diray Hay’adaha Warfaafinta, Xukuumadda iyo Cid kasta oo gacan ka gaysan karta Sidii Wariyahaas Gar gaar deg deg ah oo Dibad u qaadis ah loogu samayn lahaa.

Aabbaha oo hadalkiisa sii wata ayaa u Mahad Celiyay dhamaanba Qaybihii kla duwanaa ee Bulshada ee Gurmadka u Fidiyay Wiilkiisa markii Kooxaha hubaysan ay weerarka ku qaadeen.Wariye Tima cadde oo Iminka xaaladdiisu ka soo reyneyso ayaa haddana qaba Dhaawacyo Culus ka gadaal markii Jirkiisu ay ku dhaceen Illaa Dhowr Rasaas ah.

Maalintii Shalay ayaa isbitaalka uu yaalo Wariye Tima Cadde waxaa booqday Guddoomiyaha Maamulka Degmada wadajir Axmed Daaci kaasoo Ilaaheey uga baryay inuu siiyo Caafimaad deg deg ah. Axmed Daaci oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay jiraan kooxo kale oo aan Shabaab ahayn oo Dadka Dil u gaysanaya isagoona intaa raaciyay in Saxafiyiinta oo keliya aysan ahayn waxa la Bar tilmaameedsanayo balse Cid kasta oo Dawladda u shaqaysa la Bartilmaameedsanayo.

somali31

Guddoomiyaha ayaa xusay in Degmada Wadajir ay ku nool yihiin Weriyayaal fara badan waxa degmadaas lagu dilana aysan ahayn oo keliya Wariyaasha balse dadka la beegsaday ay ka mid ahaayeen Rag ka tirsan Maamulka Degmadaas.Ugu dambayntii ayuu Gudoomiye Axmed daaci ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha ku hawlan Falalka amnidarro ee maalmahan dambe ka jirtay Degmadaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.u

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.