Home » Faallo »

Kacaankii Oktoobar: Taariikh Mahadho ah

( F a a l o )

Maanta Waxa ay ku Beegan Afartan iyo Saddex Guuradii ka soo wareegatay Markii Kacaankii ay Hoggaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida uu Dalku ka Hana Qaaday kaacaankaas oo Macno badan lahaa isla markaana Maraaxiil kala duwan Dalka Soomaaliya la Jibaaxay.
In kastoo Kacaankaasi uu lahaa Dhaliilo iyo ammaan haddana Soomaalida Ammaanta kacaankaasi waxaa kala Cuslaa Dhaliisha uu lahaa oo markii is bar bar dhuig lagu sameeyay waxtarkiisii iyo waxyeeladiisii Waxyeeladiisii ay badatay Taariikhduse waa Dhaxal ma guuraan ah oo u baahan Dhigaaladeeda in wax badan lagala baxo.

Xigmad baa jirta Tiraahda Sida Nabadda loo Dumiyo way Fududahay sida loo dhisase way adag tahay dabacan taasi waxaa u daliil ah Soomaalida oo Ridistii Rajiimkii hore kaddib muddo Laba iyo Laabatan sana ah la daalaa dhacaysa Dar Xumo, Dagaalo Sokeeyee, Qaxootinimo. Degganaan la’aan iyo Dhibaataba Dhibaatada ay ka culus tahay.
Bal aan yer jaleeco Kacaankii Oktoobar 1969kii Dalka ka Curtay… In kastoo aan ahaa Kuray yer haddana inta badan waxaan ku soo bar baaray Kacaankaas oo dawladnimada la sheegaba iigu horeeyay in badana aan ka arkay Nidaamka dawladnimo iyo kala dambaynta micnaheedu waxa uu yahay.

Waa sanadkii 1969kii.. Galab ka mid ah galbaha ayaan arkay Ciidamo lagu gadaamay Waddooyinka iyo Goobaha Muhiimka ah, Samaacado ayaa lala dhax qaadayay Magaalada Shacabka loogu sheegayo isbedelka dalka ka dhacay iyadoona loogu baaqayay in ay isugu soo baxaan Garoonka Weyn ee Kubadda lagu Ciyaaro ee Darbane Muudeey ee Magaalada baydhabo, Hooyadeey oo Dhinacaas iiga waaya aragsaneed ayaan weeydiiyay waxa la sheegayo waxayna igu Tiri “Towrad baa Dalka ka Dhacday Dilkii Cabdirashiid kaddib… Ereyga Towrad oo asal ahaan carabi ah ayaan garan waayay in kastoo Dugsigeygii Hoose aay ku soo qaatay Tawradii Masar ka dhacday Kontameeyadii oo Taariikhahaan aan u soo qaatay, haddana kelimadda oo carabi ah baan ii sahlanayn inaan hore u garto.
Dood dheer kaddib Hooyo waxa ay ii Sheegtay in Taladii ay la wareegeen Ciidamada Qalabka, Sida waaban ku farxay taas oo Aabaheey ayaaba Ciidamada ahaa anigu Dhal Askareed ayaan ahaa sidaas ayuuKacaanku wuxuu ahaa mid uu fahamsan yahay qof walba oo ka mid ah Bulshadii Xiligaas la kowsatay.

In Kastoo aanan wada xasuusan haddana kacaanku Markii uu Curtayba wuxuu soo Saaray Warqaddiisii koowaad oo uu ku qeexaya Siyaasadihiisa Dibadda iyo gudaha kuwaas oo ka koobnaa illaa iyo Sedax iyo Toban Qodob taasoo lagu magacabaayay Charterka Kacaanka.
Qodobada dibadda marka aan eego Chartarka waxa uu qorayay in Soomaaliya ay aqoonsanaan doonto dhamanaaba Heshiisyadii ay gashay Xukuumaddiika horeysey ee rayidka ahyd, in au ku dhaqmi doonto Siyaasadda dhex dhexaadnimada iyo qodobo kale oo dhamaantooda ay intoodii badnaa ay dhaqan galisay.

Balan qaadkii kacaankii Oktoobar ee Siyaasaddiisii gudaha waxyaabaha aan ka xasuusto waxaa ka mid ah Baadi Goobka Soomaali Weyn in la isu baadi goobo Soomaalida labada Xorta ah ma ahee Sedaxda Maqan loona halgamo, QoristiiAfka Soomaaliga, Abuuritaankii Shaqooyin loo abuurayo Dhalinyaradii shaqa la’aanta ahayd. iyo qodobo kale kuwaas oo dhamaantoodbna la isku dayay in wax laga qabto..

kacaan_somali29

Haddii aan ku hor maro Dhinaca Shaqo abuurkii ay Xukuumaddu balan qaaday waxaa jiray mashruuc la oran jiray Garaash Borogaram oo ay ka faa’ideysteen Boqolaal dhallinyara horey aan shaqo u haysan oo halkaa shaqooyin looga abuuray Ardeydii dhamaysay dugsiyada Sare oo iyaduna loo abuuray Muddo laba sana ah oo Shaqa qaran ah marka uu qofku dhamaystana uu xaq u leeyahay inuu jaamicad u gudbo ama shaqo uu galo ama uu iskiisa u shaqaysto…. Dhallinyaradii Degmooyinka ku Xirnaa ee Guul Wadayaaasha la oran jiray oo in badan oo ka mid ahaa ay ka heleen Wax barasho dhinaca Xirfadaha ah kuwaas oo waagii dambe lagu shaqaaleysiin jiray Xirfadaha uu kacaanku baray.

Dhinaca Ammaanka ka hadlaba ma lahayn oo Amniga jiray wuxuu ahaa mid la wada mahadiyay dadkuna ay si weyn isugu halleyn jireen..Dib u dhiska ayaa ka mid ahaa waxyaabaha lagu Xasuusto kacaanka, Muxuu Warshado dhisay, muxuu Goobo Wax barasho dhisya, Muxuu waddooyin dhisay, Muxuu Goobo caafimaad dhisay intaas oo dhanna waxa ahaayeen tacliinta iyo caafimaadkuba Lacag La’aan.

Ballan Qaadkii ugu Cuslaa ee uu kacaanku Fuliyay waxa ay ahayd Qoristii Farta Hooyo taasoo ay ka faa’ideysteen Kumanaan dad ah illaa maantana Mahadhadii uu kacaanku reebay laga mahad hayo. Kacaankii Oktoobar Taariikh Mahadho Reebtay marka aan doc kale ka Eego.. Wuxuu ahaa kacaan Dhisay Cududda Ciidan ee Milaterigii Dalka Soomaaliya kaasoo Adduunyada Wacdaro badan ka gaystay Dagaalkii 77 oo keentay Lixaadkii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya markii la arkay in Bur burin lagu sameeyo, in kastoo aan oran karno balan qaadkiisii ahaa kacaanka in la baadi goobo Somali weyn wax badan ayuu isaga dayay Jabuuti baa Xornimo heshay, Kenya la gil gilay Itoobiyana dhirbaaxooyinkii lagu dhuftay waa la ogyahay haddii labadaas dambe ay sii socon lahaayene waxaan shaki ku jirin in maanta Shanta Soomaaliyeed ay wada xor ahaan lahaayeen.

kacaan_somali30

Si Kastaba Bur Burkii Kacaankii kaddib wax dawladnimo Rasmi ah oo Soomaaliya ka dhismay ma jirin magacuse wuu jiray isagoo ah Magac u yaal dawladnimo…. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Markii la dhidbay waxay durbaba ka dhawaajisay in Muhimadda koowaad Labaad iyo Sedaxaadba ay siinayso dhinaca amniga , Cadaaladda iyo dib u dhiska maxaase ka naasa Cadaaday Balan qaadkii Oktoobar ma u dhigantaa, Su’aashaas jawaabteeda waxaan u deynayaa Shacabka Soomaaliyeed.

Isku soo Wada Duubo Kacaankii Okroobar runtii wuxuu quluubta Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo Dareenka eaddaninimo uu ku jiro ay ku reebtay Xusuus mahadho leh… In kastoo marka dhiaca Dhaliisha ee uu kacaankaasi lahaa la eegana ay jireen Dhaliil dhinac Khalafsanaanta iyo qabiilku wagii dambe ay hareeyeen haddana marka la is bar bar dhigo Xumihiisa iyo wanaaggiisa dabacan Wannaagiisii iyo wax qabadkiisii ayaa badnaa taasoo dabooli lahayd Dhaliilihiisa..

adaamo
W/Q. Ustaad Aadan Macalim (Aadaamo)
E-Mail.aadaamo2@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Kacaankii Oktoobar: Taariikh Mahadho ah "

  1. haji says:

    Ac. walaal, waa qoraal dhaxal gal oo run sheeg ah arigtidayda inkastoo Soomaalida dhaliisha iska jeceshahay waa yahaan. Laakiin, taariikhda lama qarin karo lamana inkiro karo aydaa is qorta si kasto oo lo xaqiro. mahadsanid.

    Haji Abdi

  2. farax says:

    thnx mudane waa maqaal qiimo leh

  3. kuriibaas says:

    ku mahadsanid qoraalkaaga waxaase kaa qaldan garoonka kubadda koleyga iyo laliska darmane muudeey waayo garoonka ma dhisneyn 1969 ee waxaa la dhisay horraantii todobaatanaadkii anigaa aqoon buuxda u leh baydhabo iyo afarteedii xaafadood