Home » News »

Hayado HARO oo Magaalooyinka Muqdisho ,Baydhabo iyo Gaalkacayo ku soo Gabagabeysey Barnaamijki Xoolo Qalka ee ku Aadnaa Ciiddul Adhxaa.

somali29Iyadoo hayadda Humanitarian African Relief Organization oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan HARO looga bartey in marka la gaaro Bisha Carafo ay qaybiso Hilibo Xoolo ka duwan ah ayaa Sannadka markii la gaarey Ciidul Adhxaa waxay Magaalooyinka Muqdisho ee Gobolka Banaadir , Gaalkacayo Gobolka Mudug iyo Baydhabo Gobolka Bay waxay ka qaybisey Xoolo isugu jira Ari iyo Lo’.

Haddii aan soo qaadano Magaaladda Muqdisho waxay Hayadda HARO ka qaybisey Hilbo isugui jirey Ari iyo Lo’ waxaana loo qaybiyey dad Barakacayaal ah oo ku jira Dhowr kaam kuwaa si aad ah ugu Baahnaa Hilbhaas , waxana Kormeerayey sida ay u socoto Qaybinta Hilbahaas Madax ka socotey Xafiiska Hayada HARO ee Soomaaliya kuwaas oo Hibinayey in Hilbahaas ay gaareen dadkii loogu Talagaley.

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa Hayadda HARO ka qaybisy Xoolo u badan Ari kuwaa oo la siiyey Dad Masaakiin ah iyo Dad Barakacayaal ah , waxaana iyana Dusha ka eegayey Wakiilada Hayadda HARO ee Gobolka Bay ,iyadoo dadkii loo qabiyey qaarkood ay yiraahdeen”Goormaa noogu dambeysey Hilib Ari oo aan Cunno waxaana u Mahadcelineynaa Hayadii iyo Dadkii soo dhibey Deeqdaas oo noo suurta geliyey in aan helno Hilibkaan Ari”

Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa iyana waxay Hayadda HARO ka qaybisey Xoolo iyana u badan Ari waxaana la siiyey Dad Danyar ah oo ku nool Magaaladda Gaalkacyo iyadoo Qaybinta Hilbahaan ay isha ku hayeen Wakiilada HARO ee Gobolka Mudug kuwaa oo xaqiijinayey in ay gaarto dadkii ay hayadu ugu talagashey ee Masaakiinta ahaa.

Ugu dambeyntii waxay Deeqdaan ka timid Jaaliyadaha Waqooyiga Ameerika iyagoo u soo Wakiishey in ay qaybiso Hayadda HARO waxayna Jaaliyadaha ugu talagaleen in dadka Masaakiinta ay si Faraxad leh ugu Ciidaan Ciidul Adhxaa waxayna Masuuliyiinta HARO u Mahadcelinayaa Maamulada Deegaanada ay ka qaybiyeen Deeqdaas oo la’aantood suurta geli lahayn Qaybinteeda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinklhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.