Home » Warar »

Xukuumadda Federalka Somaliya iyo Maamulka Jubba oo ka Heshiiyay Murankii ka Taagnaa Shirka Dib u Heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka

Iyadoo dhawaan Magaalada Kismaayo ee GobolkaJjubada Hoose ay gaareen wafddi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa wararka halkaa ka imaanya waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay ka heshiiyeen Khilaafkii ka taagnaa qabashada Shirkii dib u heshiisiinta Dadka dega Gobolada Jubbooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Guuleed oo dhinaca wafdiga Xukuumadda hoggaaminyaya ayaa heshiiskaas u saxiixay dhinaca Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyadoo dhinaca maamulka jubbana uu u saxiixay Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Heshiiska ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ah in Horraanta Bisha November ee soo socoto Shirkii dib u heshiisiinta lagu qabto gudaha magaalada muqdisho isla markaana ay ka soo qayb galaan Maamulka ku meel gaarka ee Jubba.Wejiga labaad ee Shirka ayaa la filayaa in lagu qabto Magaalada Kismaayo halkaasoo lagu yegleelayo Maamulka Jubba oo muddooyinkii dambaba muran uu ka taagnaa.
Qodobada kale ee heshiiskaas lagu saxiixay ayaa waxaa ka mid ah in Ciidamadii Dagaalkii Kismaayo ka qayb galay ee dibadda looga saray magaalada in dib loogu soo celiyo gudaha magaalada isla markaana lala mideeyo Ciidamada maamulkaas oo iminka isagu gacanta ku haya Maamulka magaalada.

Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ka mid ah Maamulka Jubba oo dhankooda heshiiskaas ka hadlay ayaa sheegay in Shirka ay ka qayb galayaan kaasoo dhacaya horraanta Bisha November isagoona sheegay in qaabka looga qayb galayo ay ka mid tahay in Maamulka Jubba oo soo magacabo Boqol Xubnood oo ka qayb galaya Shirka Muqdisho Xukuumadduna ay ku soo biiriso illa Konton kuwaas oo bud dhig u noqonaya Heshiiska.

Sarkaalkan u hadlay maamulka Jubba ayaa sidoo kale sheegey in heshiiskaasi qodobadiisu ay ka mid ahaayeen Ciidamada ku sugan Duleedka magaalada in Boqol Boqol ay isku soo dhiibaan maamulkana iskau soo dhiibaan kaddibna lagu sameeyo Hub ka dhigis intaas kaddibna Xeryio gaar ah la dejiyo isagoona intaa raaciyay in heshiisku uu ka mid yahay in barre Hiiraale la keeno Kismaayo dabeetana loo duuliyo Magaalada Muqdisho.

Si Kastaba heshiiskan ayaa waxa uu soo afjarayaa Muran muddo soo jiitamayay oo la isku maan dhaafsanaa qabsoomidda Shirkii horey loogu soo go’aamiyay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya lagun heshiiyay in wejiga koowaad ee shirku uu ka dhaco Muqdisha kiisa labaadna Kismaayo taasoo in mudda ahi uu ka caga jiidayay maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhhasaaro@yahoo.co.uk


Madaxweyne Xasan “Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde”

Muqdisho, 22 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii isku dayga dilka ee loo geystay Wariye Maxamed Maxamud Timacadde oo u shaqeynayey Universal TV, isla markaana hay’adaha amniga ku amray in sharciga la horkeeno cidii isku dayga dil u geystay Timacadde oo haatan isbitaal ugu jira dhaawacii ka soo gaaray falkaas arxan la’aanta ah.

Madaxweynaha ayaa yiri ” Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde. Maamulka Universal TV, shaqaalaha iyo dhammaan bahda saxaafadda waa inaad sii labo jibaartaan howlaha muhiimka ah ee aad ummadda u heysaana, si loo tuso kooxahan dhagar qabayaasha ah inaysan marnaba ku guuleysaneynin inay aamusiyaan saxaafadda. Waxaana EEBBE ka baryayaa inuu dhaawaca u sahlo Timocadde si uu si dhaqso leh uga soo kabto dhaawacii saakay ka soo gaaray isku daygii dilka ee kooxaha nabad diidka ah ay marwalba doonayaan inay caalamka tusaan in Soomaaliya aysan nabad aheyn.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii yiri “Looma dulqaadan doono falalka sida tooska ah loogu raadsanayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, dowladdana waxaa ka go’an in maxkamadda la soo hortaago cid allaale iyo cidii lagu helo inay ka danbeeyaan falalka noocan oo kale ah.”
-DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com, Twitter: @thevillasomalia or @engyarisow
+252615479911


Wararkii hore :

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe oo isku mari la’ ka qayb galka Shirka Magaalada Muqdisho

Shirkii Adis-Ababa ee ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubba ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid mar kale Khilaaf ku Dhex Abuurey labadaas Dhinac iyadoo haatan Magaalada Kismaayo uu ku sugan yahay wasiirka ArimAha Gudaha iyo Amniga Qaran Cabdikarimm Xuseen Guuleed kaasoo wada hadal la leh Gudoomiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan

Kulan hordhac ah oo ay wada yaasheem Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Axmed Madoobe ayaa lagu kala kacay iyadoo Axmed madoobe uu diidey in uu ka qayb qayb galo shir qabashadiisa hore loogu heshiiyey oo ah in Magaalada Muqdisho lagu qabto ka dib markii uu Axmed madoobe hore uu sheegey in Shirkii Muqdisho la qabtey haatana Dowladda looga baahan yahay in ay ka soo qayb gasho wajiga Labaad ee Shirka kaasoo uu Axmed Madoobe Sheegey in lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wafdiga Dowladda ayaa lagu diidey arrin ay u Gudbiyeen Axmed Madoobe kaasoo ah in Barre Hiiraale iyo Ciidamadiisa ay so galaan Magaalada Kismaayo si ay uga qayb qaataan Hanaanka Nabada ee Gobalada Jubbooyinka iyadoo sidoo kale Axmed Madoobe uu diidey in Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo laga dhoofiyo Barre Hiiraale , waxayna arrintaa ay caqabad ku noqtey Hirgelintii Go’aanadii ka soo baxay Shirkii Adisi Ababa ee dhacay 27 Ogoosto 2013 oo dhigayey in beelihii ku dagaalamey Kismaayo la dhex dhigo heshiis

madoobe30

Dowlada Fedraalka ayaa Dadka u dhuun Daloola arrimaha Siyaasada waxay sheegayaan in Ariimaha ka taagan Magaalada Kismaayo uu Caqabad ku noqdey dowladda fedraalka iyo sidii horumar looga gaari lahaa sidoo kale Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa iyana ay sheegeen in ay ka fureysteen Fariimo ugu yimdi Dowladda Fedraalka kaasoo ah in ay Axmed Madoobe cadaadis ku saaran sidii uu u dhaqan geli lahaa Qodobadii Shirkii Adis Ababa iyado la leeyahay Madaxweyne Xasan Shiikh mar uu dhawaan uu tagey Magaalada Adis-Ababa uu arrinta Kismaayo la soo qaadey Raiisul Wasaaraha Itoobiya sheegeyna in uu wax ka qabanayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinklhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.