Home » Warar »

Hayadda AVRO oo 160 Ardey oo Bartey Xirfado kala Duwan Gudoonsiisey Shahaadooyin.

Waxaa Hotelka Safari ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey 160 Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal kaasoo soo Bilowdey Bishii Abriil ee Sannadka waxaana Dhalinyaradaas la soo Barey Lix Xirfadood oo kala ah Barashada Harqaanka , Fuundanimo, Fasamayaqaan Dhinaca Alaabta(Faryaamo), Dacatirka Mobile-lada , Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha iyo Ganacsiga yar yarka ah

Munaasabadda oo ahayd Shahaado Gudoonsiinta Ardeydaas dhameystey Tababarka ayaa waxaa ka soo Qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir qaar ka mid ah Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir ,Qaybta Waxbarashada ee Wasaarada Adeegga Guud , Madaxda Hayadaha Samafalka , Waalidiinta Ardeydii wax la barey , Ardeydi Dhameystey Waxbarashada , iyo Marti Sharaf kale , waxaana Mashruucaan Hirgeliyey Hayadda Amin Voluntary And Relief Organization ee marka la soo Gaabiyo loo yaqaan AVRO waxaana Kormeerayey Hayadda SOCA oo iyadoo la socotey qaabka ay waxbarashadu u socotey ,

waxaana ugu Horeyntii halkaas ka Hadley Agaasimaha Hayadda AVRO Dr Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan oo si weyn ugu Dheeraadey Qaabkii uu ku Biliowdey Mashruucaas loogu Magacdarey Youth Employment And Placement Project, wuxuuna Agaasimha uu Afka ku Balaariyey Qaabkii ay u baxeen Lacagihii Mashruucaas ku baxay waana Hayaddii ugu Horeysey oo Meel Fagaare ah ka sheegto Kharaashadkii ku baxay Tababarkaas la bixiyey taasoo aan looga baran Hayadaha Soomaaliyeed.

“ 160-kaas Ardey waxaan barney Xirdafadaha Harqaanimada , Fuudanimada, Farsamayaqaan ama Najaar , Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha iyo sida loo sameeyo Mobilada waxaana siiney Qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen iyo Lacagihii ay ku Bilaabi lahaayeen Ganacsigooda ay Xirfada ku soo barteen” ayuu iri Agaasimaha oo u MahadceliyeyHayadda Africa Us Development oo uu sheegey in La.aanteed uusan Hirgeli lahayn Mshruucaan Shaqo Abuurista iyo Xirfadaha isku jirey sidoo kale waxaa uu u Mahadceliyey Hayadda SOCA.

Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Banaadir ee Xagga Nabadgelyada Warsame Joodax oo halkaas ka Hadley ayaa u Mahadceliyey Hayadihii isku howley in Dhalinyaradaas wax Baraan weliba u Abuuraan Xifadooyinka kala Duwan oo ay ku shaqeysan karaan , wuxuuna u soo jeediyey Hayadaha kale ee Dalka ka Howlgala in ay ku Daydaan Hayadda AVRO oo uu sheegey in ay qabteen Howl aad Muhim ugu ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Shaqo La’aanta haysta, waxaa kale uu sheegey in Dowladda Federaalka ay Dhiiro gelineyso Waxbarashada Noocaan oo kale ah

Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Agaasinka Waxbarashada Qaybteeda Talinta Sare ee Wasaaradda Adeega Guud iyo Arrimaha Bulshada Ismaaciil Yuusuf Cismaan waxaa uu kula Dardaarmey Dhalinyaradii Gabdhaha iyo Wiilasha ee Dhameysatey Waxbarashada in ay ka faaideystey Mushruucaan oo uu sheegey in uu yahay mid Faaiido weyn ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed siiba Dhlainyarada Soomaaliyeed e Waqtiyadaan Dambe ay soo wajahdey Shaqo La’aata

Waxaa sidoo kale halkaa ka Hadley Gudoomiyayaasha Degmooyinka Hodan iyo Xamar Jajab ee Cabdi Maxamed Dhabaney iyo Maxamed Yare Gobolka Banaadir waxayna ugu horeyntii u Mahadceliyeen Hayadda AVRO oo uu sheegey in ay qabtey Howl loo baahnaa oo Xiligeedii ku soo beegmey iyagoo u soo jeediyey Hayada AVRO in ay Tababaro Noocaan ah la Kordhiyo si Dhaliyarada Soomaaliyeed ugu baxaan Shaqo la’aanta, sidoo kale waxay u soo jeediyeey Hayadaha kale in ay ku Daydaan Hayadda AVRO

somali28  somali27 somalixaflad

Waxaa sidoo kale ka Hadley Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Qaranka Haweenka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi waxayna iyana u Mahadcelisey intii isku soo Dubaridey in Dhalinyaro intaa la eg loo Tababaro Xirfado kala duwan weliba waxay sheegtey maadaama Ururkooda yahay Urur Haween in Mashruucaan ay Haweenka ka heleen intii loo baahnaa, waxyna jeedisey Maadaama Wiilasha iyo Gabdhaha ay Barteen Xirfado kale Duwan in ay Is Guursadaan oo ay Xirfadooda isku Darsadaan waxaana Dhamaan ardeydaas la Gudoonsiiyey Shahaadooyinka ka turjumaya Waxbarashadooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.