Home » Warar »

Shirkii Madaxda Midowga Afrika oo la soo gabogabeeyey

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya:

somali24

somali23Addis Ababa, 12 October 2013 – Shirkii Madaxweynayaasha Midowga Afrika ayaa la soo gabogabeeyey iyadoo go’aanadii ka soo baxey ay ka mid ahaayeen in Madaxda Midowga Afrika ay isku raaceen inaan Madaxweyne ama ku sime madaxweyne aan looga yeeri karin Maxkamadda Denbiyada Caalamiga ah oo lagu xishmeeyo mudada ay kursiga madaxtinimo ku fadhiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa hoggaaminayey wafdigii ka qeybgalay shirka Midowga Afrika oo ay ku wehliyeen Ra’iisul Wasaare Ku xigeen, ahna Wasiirka Arrimaah Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiirka Gaashandhiga Mudane Abdixakiim Faqi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia iyo Midowga Afrika Mudane Ahmed Abdisalaam iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gooni ah la qaatay Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, AMISOM iyo arrmaha ammaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhowaan lagu wadaa inuu kulan la qaato Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo madax kale.
– DHAMAAD –

Madaxweynayaasha Soomaliya iyo Djibouti oo kulmay ka hor shika Midowga Afrika

Addis Ababa, 12 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismail Omar Gelle ka hor shirka Madaxweynayaasha Midowga Afirka.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha amaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo Djibouti ay xubin ka tahay iyo arrimaha shirka Midowga Afrika oo looga hadlayo xiriirka u dhaxeeya Midowga Afrika iyo Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah.
somali25
Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamud ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Madaxweyne Ismail Omar Gelle doorkiisa ku aadan arrimaha Soomaaliya iyo sida ciidamada Djibouti ay howlo wanaagsan uga hayaan dalka Soomaaliya oo ay bulshada Soomaaliyeed kalsooni buuxda ka sameysteen.

Labada Madaxweyne shirkooda ka dib waxey ka wada qeybgaleen shirkii Midowga Afirka oo ajendayaasha looga hadlayo maanta ay yihiin xiriirka Midowga Afrika iyo Maxkmadda Danbiyada Caalamiga ah, falalka aragagaxiso ee ka dhacay dalalka Kenya iyo Nigeria.

Waxaa shirka Madaxweynayaasha Afrika furay Madaxa Midowga Afrika Ms Zuma iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia oo labadaba sheegey in Midowga Afrika dhowr jeer cabashooyin u gudbiyeen Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah, hase yeeshee aan waxba laga qaban cabashooyinkaas. Sidoo kale labada mas’uul waxey sheegeen in Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ay si gaar ah u beegsato madaxda Afrika, taasoo aan caddaalad aheyn.

Madaxweynayaasha Afrika ayaa weli ka doodaya xiriirka Midowga Afrika iyo Maxkamadda Danbiyada Caalamiga.
– DHAMAAD –

Madaxweyne Xasan iyo RW Hailemariam Desalegn oo kulmay

Addis Ababa, 12 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, isla markaana ah Guddoomiyaha Madaxda Midowga Afrika ee xilligan. Kulankan ayaa dhacay caawa fiidkii ka dib markii la soo gabogabeeyey kulankii Madaxweynayaasha Midowga Afrika.

somali22Madaxweyne Xasan iyo RW Desalegn ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha amniga, ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ku sugan, arrimaha IGAD iyo sdii dalalka Geeska Afrika ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ee Al-Shabaab iyo Al-Qaeda.

Labada mas’uul ayaa leh xiriir aad iyo aad u sarreeya oo muddadii sanadka aheyd ee labada mas’uulba ay xilka hayeen uu xiriirkoodu ahaa mid joogta ah, kaas oo sii kordhiyey cilaaqaadka labada dal. Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Desalegn dadaalkiisa ee dhanka Midowga Afrika iyo kan dowladda Ethiopia ee ku wajahan soo celinta nabadda iyo amniga dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegey inuu ku kalsoonyahay in Soomaaliya ay tallaabsatay oo dhanka horumarka ay tiigsatay, isla markaana uu sheegey inay diyaar u tahay inay caalamka wax la qabsato, oo sharaftii iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed dib loo soo celiyo. Madaxweynahu waxuu sheegay in Soomaaliya ay ahaan jirtey dalka ugu nabadda wanaagsan caalamka, isla markaana ay taageertay dalal badan oo Afrikaan ah, haddana ay soo muuqaneyso ifafaalihii nabadda ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu mahadceliyey RW Desalegn sidii sharafta leheyd ee loogu soo dhoweeyey Addis Ababa iyo sida uu ugu faraxsanyahay in Soomaaliya iyo Ethiopia ay caalamka kaalin fiican ka qaadan doonaan.
-DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com
+251910368828

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.