Home » Maqaallo »

Magacdoorsiin

Hanaanka ay ku dhaqmeyso dowlada dalka wuxuu noqon karaa mid demoqaraadiya, hantiwadaaga, Islaamiya, federaala, qabiiliya, boqortooyo ah, ama shuuciyada. Magaca ay ku shaqeyneyso dowladu waa mid uu ku iman karo isbedel haddii dalka uu leeyahay xisbiyo siyaasadeed oo kala mabda’ duwan. Waxaan marna isbedelin waa magaca dalka oo loogu yeerayo madaxweynaheeda, inkastoo ay dhici karto qaran dumey oo ka ruqaansaday siyaasadiisa hore inuu la soo baxo magac cusub, walow taas ay dhaawac ku tahay isku haleynta lagu qabo saldhigida degenaanshaha siyaasadiisa.

Soomaaliya waxaa luqunta loo suray magaca federaalka oo laga soo minguuriyey ku dhaqmidiisa dowlada deriska nala ah oo aqoon la’aan ku daba raacday dowlado waaweyn oo socodsiinta hanaankan awood dowladnimo u leh. Dowlad tuugsi shisheeye kaalmadooda ku dhisan ma hirgelin karto hanaankan dowladnimo oo u baahan cudud iyo dhaqaale xoogan oo isku haya wadanka iyo dhaqangelinta sharciyadiisa u baahan xaqsoorka badan. Dastuurkii dalka isagoon la aqoonsan oo shacabku uusan weli aqbalin ayaa islamarkiiba magacii dalka iyo kii madaxweynaha lagu suntay magaca federaalka oo ujeedadu tahay mariin-habaabin liidata.

Madaxweynuhu wuxuu matelayaa waa dal iyo dad, mana ahan mid ka turjumaya mabda’ iyo fikir ay ku dhaqmeyso dowlada. Haddii ay dhacdo in hanaanka ay raaceyso dowlada dalka ka jirta lagu sumadeeyo magaca dalka iyo madaxweynaheeda, waxaa dhaceysa Soomaaliya iney yeelaneyso magacya badan oo isdhalanroga sida: Jamhuuriyada Hantiwadaaga Soomaaliya, Jamhuuriyada Demoqaraadiga Soomaaliya, Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyada Islaamiga Soomaaliya, Jamhuuriyada Boqortooyada Soomaaliya ee qabiilka gorgorka, iwm. Maxaa diidey inaan ku negaano Magaca Soomaaliya iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye waxey ku badeysa inaad doorisid magacaaga ka soo jeeda sinjiga Soomaalida oo lagu kabo ereyo qalaad oo laga soo askumay Carab iyo wadamada galbeedka. Hogaamiyaha ay la cayn wareegto siyaasada dalka, waxey tabartu ag dhigtaa inuu dhaqanka dadkiisa dhinac maro, caalamkana u muujiyo kuwooda xooga weyn inuu la jaal yahay oo la fikir yahay, si taas uu u taabsiiyo xaqiiqdeeda wuxuu si laablakaca isugu xardhaa magacyada hanaanka ay ku dhaqmaan. Ujeedaduna waxey tahay in hogaamiyahaas uu cadeeyo inuu ku tilaabsaday hirgelinta hanaankaas dowladnimo.

Wadan ay sugeyso in wakhti yar wax badan lagu qabto oo dadkii ay aafeysey saboolnimo baahsan, waxaa laga sugayey madaxda dowlada Soomaaliyeed iney howlkarnimo adag iyo wakhti dheer ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed dantiisa guud inta ay ku meereysan lahayeen qancinta shisheeyaha. Hanaan aadan dhaqankiisa lahayn oo awooda lagu hirgelin lahaa aan la hayn waxey muujineysa u hanqaltaagida magacyada qurxoon oo aan waxtar u wadin bulsha weynta Soomaaliyeed. Socodsiinta hanaanka ku tiirsan kaalmada shisheeyaha qorshaheedu wuxuu ku xiran yahay siyaasada shisheeyaha sida dadban daaha gadaashiisa dalka siyaasadiisa u hageysa.

Soomaaliya waxey soo martay waayoaragnimo adag, waxeyna ku guuldareysatay iney yeelato saaxiibo daacada oo wakhtiga adag hiil la garab istaaga Soomaaliya. Taasna waxaa sabab u ah hogaanxumo dalka u horseeday hayiraac ku saleysan mabda’ wadaag dhalanteeda oo aan ku daba-raacno wadamada xooga weyn ama hodonka ah. Saaxiibo dhalanteeda oo Carab iyo reer galbeeda oo doorkoodu yahay dantooda gaar ahaaneyd iyo maslaxada siyaasadooda, magac-doorista ay nagu sameynayaan waa tarbiyeen lagu laylinayo madaxda dalka oo mariinka aayaha mugdiga loo horseedayo sida ay ugu dhex saanqaadi lahayeen.

Qaladaadka ay gelayaan madaxda Soomaalida wuxuu salka ku hayaa sidii ay shacabka Soomaalida u soo kala sokeysan lahayeen iyo qaadashada hanaanka siyaasadeed oo u muuqda mid ku kooban ku dawarsi lagu doonayo danno shaqsiyadeed iyo mid beeleed in lagu meelmariyo. Ma jiro hogaamiye isweydiiyey ku dhaqmida federaalka in shacabka Soomaaliyeed ay awoodi karaan hirgelintiisa, iskaba daa in la istusiyo suragalnimadiisa ee xataa waxaa si aan laga fiirsan loogu tolay magaca dalka iyo kii madaxweynaha si aysan shaki u gelin qaadashadiisa ama dadka loogu muujiyo in habkaas uu maslaxadooda u dooran yahay.

Tusaale ahaan wadamada yar ee faro ku tiriska ah oo ay ka mid yihiin: dowlada Mareykanka, India, Canada,Venezuela,iyo Belgium dhamaantood hanaanka dowladoodu ku dhisan tahay waa federaal, sidaas oo ay tahay magaca dalka iyo kan loogu yeerayo madaxweynaha midna ma wato magaca federaalka. Wadanada raba iney ismuujiyaan oo aysan daacad ka ahayn ku dhaqmida hanaanka siyaasadeed oo aysan u lahayn waayoaragnimo ayaa caalamka isaga gada mariin-habaabintaas liidata. Wadanka Russia ayaa kow ka ah adeegsiga magaca hanaankaas si u caalamka uga helo kalsooni buuxda oo muujineysa inuusan dib ugu laabaneyn nidaamkii shuuciyada, sidoo kale German iyo Brazil waxaa haysta caqabado kale.

Waxaan shaki ka taagneyn in dowlad Soomaaliyeed aysan ku dhismayn hanaanka federaalka si kasta oo magaca federaalka qasab loogu alxamo magaca jamhuuriyada Soomaaliya ama magaca madaxda dowlada lagu dhex lifaaqo. Soomaaliya iskuma wadi karto maanta hirgelinta hanaan cusub oo u baahan shacabka in la baro ku dhaqankiisa iyo in dib loo soo dhiso saldhigyadii aasaaska u ah soo celinta adeegyada dowlada. Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay waxqabad muuqda oo ay dhaqso u helaan waxtarkooda, laakiin waxtar uma arkaan xayeesiinta loo hurayo dadaalka dheer ee lagu farsamo qurxinayo adeegsiga hanaanka federaalka.

Waxey hogaamiyeyaasha maamulka ee dowladaha gobolada dalka laablakac ay u qaadeen in dadka iyo degaanka uu hanaanka federaalku siinayo xaqa uu maamulkasta u leeyahay inuu goonidiis u istaago oo si madaxbanaan uu wadamada caalamka gacanta u soo marsiisto markiisa. Si hamigaas ay u meelmariyaana waxey shacabka degaanka ku hanuuniyaan iney qabsadaan federaalka oo dantooda gaar ahaaneyd ay ku jirto iyo mida kalkaaliyahooda shisheeye. Wixii dad yar ay dalka burburkiisa u horseedaan waxey waxyeeladiisu ku dhaceysa dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatada ay wada saameyneyso wakhtiga fog.

Dalka waa inaan loo horseedin hogaamiyihii talada dalka qabtaba inuu magaca Soomaalida doorsoomiyo, waana ineysan madaxda cusub awooda dowladnimo aysan u adeegsan iney ku waxyeeleeyaan magaca astaanta u ah qaranimada Soomaaliyeed, iyagoo hiigsigoodu yahay u adeegida danaha shisheeye, kuna lakabaya gaarista danhooda gaar ahaneed. Ma jirto hanaan dowladeed oo ay si gaara dani ugu jirto dad gaara iyo gobolka ay degen yihiin. Waxaa jirta hogaamin xun oo Soomaalida u kala sooceysa meesha uu ka degan yahay dalka, aaminsana hanaanka federaalka in himiladaas uu u horseedayo.

 

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Saciidciise258@aol.com

New York, United States of America

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.