Home » Warar »

Aqoon Isweydaarsi ay si Wadajir u soo Qaban qaabiyeen Machadka Heritage iyo Internews in Somaliia oo looga Doodey Sharciigga Saxaafadda.

somali16Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Hindise Sharciyeedka Saxaafadda oo Dhawaan ay Ansaxiyeen Golaha Wasiirada , waxaana Doodaan soo qaban qaabiyey Machadka Cilmi Baarista (The Heritage institute For Policy Studies) iyo Hayadda Internews in Soomaaliya waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin ka soctey Dowladda Federaalka , Maamuladda Dalka ka jira Qaybaha kala Duwan ee Saxaafadda , Bulshadda Rayidka , Sharciyaqaano iyo Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj ,
Aqoon Isweydaarsigaa ayaa waxa ugu Horeyntii ka Hadley Xuseen Sooyaan oo ahaa Xiririyaha Dooda waxaana uu ugu horeyn u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Aqoon Isweyddaarsi oo uu sheegey in uu wixii looga dooda Doodaan ay noqon doonaan kuwa lagu Biiriyo Sharciga Saxaafadda marka la isku raaco , sidoo kale waxaa uu sheegey in wixii doodaan looga saarana iyana ay noqon doonaan kuwa lagu Dhaqmo.

Waxaa markiiba la saarey Guddi Afar xubnood ah kuwaa oo kala ahaa Afhayeen Dowladda Eng Cabdiraxmaan Cismaan yariisow waxaana uu ka Hadley Sharciga Saxaafadda iyo faaiidada uu u leeyahay Warbaahinta,Daahir Cadaani oo ka socdey Wasaaradda warfaafinta Waxaana uu ka Hadley Doorka Xukuumada ee Sharciga Saxaafadda , Maryan Macalin oo iyana ahayd Haweeney Garyaqaan ah waxay ka hadashey Sameeynta haweenka uu ku yeelan karo Sharciga Saxaafadda iyo Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo isna ka Hadley Xaquuqda Saxafiga iyo Waajibaadka lagu leeyahay.

Ka qayb galayaashii Aqoon Isweydaarsigaas ku saabsan Shariciga Saxaafadda ayaa halkaa ka dhiibtey Su’aalo ku saabsan Qodobo ku jira Sharciga waxaana inta badan Diiradda ay saaryeen waajibaadka lagu leeyahay Saxaafiga iyo waxa isaga lagu leeyahay sidoo kale waxaa ka qayb galayaasha Guddiga ay weydiinayeen sida loo dhisyo Golaha Saxaafadda Qaran waxaa si Saraaxad leh uga Jawaabayey Guddigaas iyadoo dooda uu si wanaagsan uu u Xiriirinayey Xuseen Sooyaan.

Intii ay Dooda Soctey waxaa iyana Tafaftirayey Mudane Xaamud oo ka socdey Xafiiska Raiisul Wasaaraha waxaana uu horey Wariye uga soo noqdey Idaacadda BBC-da sidoo kale waxa halkaas lagu daawadey Filim yar oo ka hadlaya Khariidada Warbaahinta Soomaaliya oo uu isku soo dubaridey Mudane Suleymaan waxaana ka qabgalyaasha Filimkaas ka heleen Qoraalo iyo Mowduucyo ku Aadan Warbaahinta sida Idaacadaha , Jaraa’idka , Talefishinada iyo Web-Set-yada waxaana Gabagabadii la isku raacey in Dooda ku saabsan Sharciga Saxafadda la gaarsiiyo Goboladda Dalka iyo Dibadda si iyna ay uga dodaan Hindise Sharciyeedkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.