Home » Warar »

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegey in Aminidarada ka jirto Muqdisho laga soo Abaabulo qaar ka mid ah Dagmooyinka G/Banaadir.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa ka hadlay Xaaladaha amnidarro ee ka jirta Magaalada Muqdisho. Tarzan ayaa sheegay Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Gudaha Magaalada Muqdisho in intooda badan laga soo Abaabulo Degmooyinka uu Gobolku ka kooban yahay isla markaana aysan ahayn mid ka yimaada Magaalada Banaankeeda.

somali17Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray in haddii Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay isku duuban yihiin aysan dhici karin in Guryahooda la dhigo Miino iyo walxaha qarxa balse ammaan daradaasi ay qayb ka yihiin Shacabka magaalada ku dhaqan kuwaas oo uu sheegay in aysan ku baarugsanayn Khatarta ay gaysan karayaan dadka ku hawlan qaraxyada iyo falalka amani daradu ka mid yihiin.

Maxamuud Axmed Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday in Dadka ku hawlan Amnidarada ka jirta Magaalada Muqdisho aysan u aaba yeeleyn Eheladooda sida Waalidkood Walaahood iyo Deriskoodaba cid kasta ay soo gaaraana ay Dilayaan sidaa darteedna ay haboon tahay in si isku duubni ah looga hor tago.Tarzan ayaa baaq u diray Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho isagoona ugu baaqay in ay ka hor tagaan isla markaana ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka si loo hor joogsado Kooxaha weli ku hawlan Falalka Amnidarro.

Gudoomiye tarzan ayaa dhinaca kale ka hadlay dadaalka uu Maamulka Gobolka Banaadir ku doonayo sidii uu Nalal Casriga ah ee Cadceedda ku shaqeeya ugu xiri lahaa qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho isagoona Carrabka ku dhuftay in ay u qorsheysan tahay in Sagaal Goobood oo kale lagu Xiro nalalka ku shaqeeyay Ilayska Cadceedda. Hadalkan Guddoomiyaha ayaa imanaya xilli dhawaan Qaraxyo lagu burburiyay Dhowr Baalle oo uu ku xirnaa Nalka Solarka ku shaqeeya ee surnaa Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo weli buburkoodii ka sii muuqanaya Goobihii ay ku yaaleen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.