Home » Warar »

Axmed Madoobe oo Shir Jaraa’id ku Qabtay Kismaayo oo ku Celiyay Inaysan ka Qayb Galeyn Shirka Muqdisho ee Dib u Heshiisiinta

Hoggaamiyaha ku Meel gaarka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada kismaayo, oo dhawaan ka soo laabtay Safaro uu Dibadda ugu maqnaa ayaa ugu horeynba waxaa uu Shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay Wadamadii uu soo maray iyo Jaaliyaddii Jubbooyinka ee uu halkaa kula soo kulmay.

Hoggaamiyaha Maamulka ku meel gaarka Jubba ayaa sheegay in Jaaliyadaha Gobolada Jubbooyinka ee ku sugan Dalalkii uu soo maray uu kala hadlay is bedelada Goboladaas ka socda iyo doorka looga baahan yahay Jaaliyaduhu in ay ka qaataan Horumarinta Goboladaas.

Hoggaamiyaha ayaa Saxaafadda u sheegay in Jaaliyaddii ay la kulmeen ay u Sharaxeen Maamulka Gobolkaas laga sameeyay ee la magac baxay Jubbaland kaasoo uu sheegay inuu ku yimid Rabitaanka Bulshada Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.Axmed Islaam ayaa soo hadal qaday Kulan ay sheegtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inuu ka dhacayo Magaalada Muqdisho kaasoo loogu Magac daray Shirka dib u Heshiisiinta Beelaha Jubbooyinka.

Hoggaamiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Shirkii hadda ka hor ay Magaalada Muqdisho ay kula yeesheen Mas’uuliyiinta Xukuumadda Federaalka inuu ahaa kulankii loogu tala galay marka hore inuu ka dhaco Magaalada Muqdisha haatan ay isu diyaarinayaan Lugtii Labaad ee Kulankaas in magaalada kismaayo lagu qabto sida ku cad heshiiskii Addis Ababa.

Hoggamiyaha Maamulka jubba ayaa ugu baaqay Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay dhowrto Heshiiskii Magaalada Adis Ababa isla markaana ay ka soo qayb gasho shirka la doonayo dhawaan in laga furo Magaalada Kismaayo.Dhawaan ayay ahayd markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaacisey in dib loo dhigay Shirkii Muqdisha oo la doonayay in Shantii Bishan uu Muqdisha uu ka furmo taasoo Maamulka Axmed Madoobana uu hore u qaadacay Shirkaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.