Home » Warar »

Maamulka ku Meel Gaarka Jubba iyo Dowladda Federaalka oo mar kale uu Khilaaf soo kala Dhex galey.

Afhayeenka Maamulka ku Meel gaarka ee Jubba Cabdinasir Seeraar oo la Hadlayey Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in uusan Maamulkooda marnaba ka qayb galayn Shirka la sheegey in Shanta Bishaan uu ka Dhacayo Magaalada Muqdisho.

Seeraar ayaa Shirkaas ku sheegay mid aan Waafaqsanayn Heshiiskii Bishii hore lagu soo kala saxiixday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Shirka is araggiisa koowaad lagu wado inuu ka furmo Magaalada Kismaayo haatana ay qaban qaabadiisa ku jiraan iyadoo Ergadii ka qayb gali lahaydna ay isu Diyaarinayaan sidii Maalmaha soo socda ay u soo gaari lahaayeen Gudaha Magaalada Kismaayo.

Cabdinaasir Seeraar ayaa intaa ku daray in Mas’uuliyiinta sare ee Xukuumadda Federaalka looga fadhiyo in ay ka soo qayb galaan Shirkaas oo looga hadlay Heshiiskii lagu soo gaaray Dalka Itoobiya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisey in Maalinta Sabtida ah ee soo socota Shirku uu ka furmayo Magaalada Muqdisho isla markaana looga hadlayo arrimaha Dib u Heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka, waxanaa Dhawaan Dowladda Federaalka u saartey Guddi ka kooban Sideed Xubnood oo uu Gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariim Xuseen Guuleed
Maamulka jubba ayaa gebi ahaanba ku gacan seyray Shirka Muqdisho iyagoona sheegay in aysan ka qayb galayn.

Tani waxa ay mar kale dib ay soo Cusbooneysiinaysaa Khilaafkii hore uga dhaxeeyay Maamulka Jubba iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo is mari waagoodii uu sababay in Shir ay isugu tagaan magaalada Addis Ababa Bishii Agoosto ee aynu ka soo gudubnay.halkaasoo lagu gaarey in Muqdisho marka hore lagu qabtio Wajiga hore ee Shirka Dib u Heshiisiinta kan Xigana lagu qabto Magaalada Kismaayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.