Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

somali15Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku gaaray magaalada Genève ee dalka Switzerland halkaasoo uu uga qeybgalay shirka horumarinta xaquuqul insaanka caalamka, waxaana shirkaasi uu ka jeediyay khudbo dheer taasoo uu sharaxaad uga bixiyay sida ay dawladda Soomaaliyeed u horumarisay ilaalinta xaquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa afartii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa dalka Turkiga, gaar ahaana magaalada Ankara iyo Istanbul, waxaana halkaasi uu kula soo kulmay madaxda dalka Turkiga oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Reccep Tayyip Erdogan, waxayna labada Ra’iisul Wasaare si qotadheer uga wada hadleen xariirka labada dal, iyo garab istaaga dawladda Turkiga iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee u qorsheysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu soo degay saaka la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in safaradiisu ay ku soo dhamaadeen si guul ah, dawladda Turkigana kala soo hadlay sidii loo kordhin lahaa caawinaada mashaariicda horumarineed ee dalka Soomaaliya ay ka fulinayaan Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay mashaariicda ay haatan ka wado magaalada Muqdisho.

October 1, 2013

—Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.